Iska Horimaad ka Dhacay Isgoyska Faloransa
Published on October 22, 2008 by Somalimirror · No Comments ·
Iska horimaad soconayay saacad ku dhawaad ayaa waxaa uu caawa maqribnimadii ka dhacay Isgoyska Faloransa iyo nawaaxigiisa kaas oo la’isu adeegsanayay hubka fudud iyo qoryaha lidka diyaaradaha.
Iska horimaadkan ayaa waxaa uu ku bilawday rasaasta fudud wuxuuna sii xoogaystay abaare 07:00 fiidnimo xilliga Muqdisho xilligaas oo rasaasta la’iswaydaarsanayo laga maqlayay qaybo fara badan oo ka tirsan Degmooyinka Wardhiigleey iyo Hawlwadaag. Ilaa iyo hadda lama garanayo khasaaraha ka dhashay iska hor imaadkan oo soo kala gaaray xoogagga iska horyimid iyo midka haleelay shacabka ka agdhaw goobaha dagaalku ka dhacay, sidoo kalena lama garanayo cidda ka danbaysay dagaalkan balse goobaha la’isaga horyimid ayaa ah fariisimo ay ku sugan yihiin Ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo kuwa ilaalada Madaxtooyada Villa Somaliya. Xaaladda goobihii iska hor imaadku ka dhacay ayaa hadda degan mana jiraan waxa madaafiic ah oo lagu garaacay goobaha dadka rayidka ah degan yihiin sidii looga bartay Ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo xulufadooda oo si joogta ah madaafiic calculus ula beegsan jiray goobaha dadka rayidka ah ku dhaqan yihiin.
Related posts:
- Iska Horimaad ka dhacay Isgoyska KM4
- Iska horimaad ka dhacay Isgoyska Miisaanka Dhuxusha
- Iska horimaad ka dhacay KM4
- Iska horimaad ka dhacay Degmada Heliwaa
- Dagaal Xoogan oo ka Socda Isgoyska Faloransa