Shariif Sh Axmed oo sheegay in Shirka Jabuti guulo waaweyn laga gaarey

Published on October 21, 2008 by   ·   24 Comments   ·   print

sh-shariif-sh-axmed.jpgGudoomiyaha Isbaheysiga Dibu Xoreynta Soomaaliya garabka Jabuuti, Sh. Shariif Sh. Axmed, oo u warramey Wakaaladda Wararka Saba ee Dalka Yaman ayaa sheegay in wada hadallada Dalka jabuuti ay marayaan meel wanaagsan, tallaabooyin muhiim ahna horey loo qaadey.

  

25 bishan October, ayuu sheegay Sh. Shariif in shirku dib u furmi doono, ayna ka soo qeyb geli doonaan dhammaan qeybihii uu shirku u dhaxeeyay ee DKMG ah iyo Isbaheysiga, waxaa sidoo kale oo goob joog ka noqonaya beesha caalamka oo uu hormuud ka yahey Xog-hayaha Q.M Soomaaliya ugu qaabilsan.

  

Sh. Shariif ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in kulankan ay ka soo baxaan qodobbo muhiim ah oo uu ka mid yahey qodobka ka hadlaya ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya, iyo sidoo kale in la isla gaaro maamul dhameystiran oo waddanku yeesho kana shaqeeya soo celinta nabadgelyada iyo degenaanshaha  guud.

  

Waxa kale oo uu sheegay in kulankan, xal loogu raadin doono Gacanka Cadmeed ee ay dhibaatada xooggani ka taagan tahay iyo sidoo kale kaalinta Beesha Caalamku ku yeelan doonto taakuleynta dadka dhibaateysan ee gudaha wadanka ku qaxey iyo fududeynta wadooyinkii dadkaas kaalmooyinka Caalamka lagu gaarsiin lahaa.

  

Sh shariif ayaa ugu danbeyn u mahad celiyay Madaxweynaha Dalka Yaman Cali C/La Saalax oo uu sheegay in uu kaalin weyn ka ciyaarey xal ka gaaridda arrinta Soomaaliya.

  

Hadalka Sh Shariif ayaa ku soo beegmaya iyada oo lagu wado in dhawaan Magaalada Nairobi uu ka furmo shir urur goboleedka IGAD isugu yeeray DKMG ah, basle la sheegay sidoo kale in Isbaheysiga Dibu Xoreynta garabka Jabuuti uu shirkan qeyb ka yahey oo awoodda la qeybsan doono DKMG ah.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Indha Cadde oo ka Hadley Shirka Jabuti iyo Dagaaladii Xaley
  2. Warar Dheere ah oo laga helayo Safarka Xubnaha DKMG ah ee Jabuti & Itoobiya
  3. Sh.Shariif Sh.Axmed oo ku baaqay in la taageero Heshiiska Jabuuti
  4. Daahir Rayaale Iyo Xubno Weheliya oo Boqosho Kedis Ah Jabuti Ku Tegay
  5. Shirkii Jabuti oo Maanta dib u Furmey

Readers Comments (24)

  1. MUSLIM says:

    ASC.

    Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay guusha uu sheegay sh. shariif , haddii ay hirgashona wuxuu baal dahab ah ka gali doonaa adduunka oo dhan , gaar ahaan somalia iyo waddamada muslimka ah , maadaama uu yahay shaqsi qalbi furan oo siyaasad mug weyn hiigsanaya. allaha garab qabto.

  2. cubaydah says:

    asslamu alaykum.

    sheekh shariif ma guulaysan ee ilaahay ha tusiyo xaqqa iyo dacwadii jihaadiga iyo ku xukunka kitaabka ilaahay ee uu horay ugu olalayn jiray oo maanta u muuqata inuu uga tanaasulay gursi uu la qaybsado dimuquraadiga iyo cilmaaniga lakin ilaah mahadiis wali waxaa dhulka soomaaliya meel walba buuxa mujaahidiin ka dhabeeyay hadalkoodii ahaa in ku xukunka kitaabka alle wadankeena wax lagu badalan karo inaysan jirin.

    allaaaaaahu akbar walillahil al xamd.

  3. Cusman janan says:

    ACW waa nasiib darro aad iyo aad u wayn maantay oo laga joogo in ku dhaw shan bil maalintii uu saxiisay heshiiska jabuuti in iyada oo la barakicinayo shacabkii, la dhacayo hantidoodii, lakufsanayo gabdhihii cafiifaadka ahaa gaaladii soo duulan arrortana aysan kabixin hal guri iyo hal geed toona mujaahidiintii dagaalka waddana ay siyaasadiisii shirka jabuuti kala dhantaashay in uu SH/sharif ku doodo guul ayaan keenay. Illaah Kacbso oo toobad keen Shirka Jabuuti wax aan guuldaro ahayn lagama heline

  4. boqol jirow says:

    waxey ilatahey guusha shariif shegayo waa in loo aqonsadey nin aan islamka uolalenen oo furakasta furo waxaa kaloo guul uah in laga bixiyo hutelka iyo safaradisa waxa kaloo gul uah inan muslimnimo loo ugarsanen

  5. Maxamed says:

    Assalamu calaykum waraxmah.

    Waa nasiib darro aad u wayn in maanta oo meesha xaalada somalia marayso nin weyn oo masuuliyad sheeganayaa yiraahdo guul baan joognaa iyo beesha caalamkaa na dhinac taagan oo wax nala qabanaysa iyo xoghayaha gaalada u adeega ayaa noo imaanaya. shalay iyo maanta wax ka dhacaya suuqa heliwaa ma maqlayo miyaa shariifka la sheegayaa ilaahay subxaanah ayaan uga baryayaa inuu soo hadeeyo waddo xun buu hayaaye.
    Waxaana leeyahay soomaaliyi waa ogtahay ninka dandeeda wada iyo ka gaalo gacansaar la leh iskagana khaldamimaayaan saa ha ula socdo. ilaahayna waxaan ka baryayaa inuu kelimada mujaahidiinta hal mid ka dhigo gaalana jebiyo oo guusha islaamka siiyo meelkasta oo ay joogaan

    Maxamed

  6. cali xaad says:

    Asalamu alaikum
    waa wax lagu qoslo guusha uu sheegaayo ninkaan Alaah hasoo hanuuniyo wax kale oo aan oraahdo garanmaayo.

    Lakiin waxaa wax lagu farxo ah inuu qarxay filinka shariifyaal oo ummadda ay ucaddahay waxa ay yihiin iyo waxa ay gooyaan.
    Waxaan uga digayaa dadka ku kadsoon shariifyaal inay ku baraarugaan hagardaamada ay wadaan oo ka dhanka ah Mujaahidiinta .

    wasalamu alaikum

  7. Nin yaaban says:

    as wr wb, waxaan shaki iigaga jirin, in sheeekhu uu garab marsanyahay wanaaga, balse anigu waa u duceynayaa ilaahay in uu xaqa tuso, marna ma caynayo, waxaana dubco ahayn iga heli maayo.

    Idinka soomaali maskax yareey, u cudurdaara sheikha ilaahayna u barya, ama sidiinii sirkala, 180, ka bilaaba oo ilbidhiqsi geeya 360. kadibna kulayl la dhinta.

    War ha dag dagin ee isku soo dhawaada.

  8. Degel says:

    Inta kaliya ee uu qabtay waa mushriicii loo dhiibey oo uu qayb ka mid ah fuliyey kaas oo ha kala dhataalida xoogaga Mujaahidiinta. Laakiin Insha-Allaah waxba waa laga koraa oo khibrad baan laga qaataa. Waxaynu ogaanaynaa in magaca sheekhnimada kursi iyo addunyo ku doonaysay. Mujaahidiintana kii xaqa ku dhegenina wuu wadi Jihaadka kii kalena ninkaas iyo raggiisa ayuu ku daba faylin.

  9. abdalla says:

    anigu ma arko guul kooxda jabuuti sheganayso maxaa yeelay shirka jabuti waxaan kuhaynaa inuu maxkamadihii kala jabiyay oo wax illaahay raaligaliya iyo waxa gaalada raaligaliya waa laba shay oo iskasoo horjeeda marka waxaa cad in gaalada ay raali weyn katahay sh/shariif iyo kooxdiisa xukunkeeda illahay ayaanu u dhaafaynaa maxaa yeelay waxaa lagayaabaa inaan caadifad kuxukuno oon ku xad gudubno anigu talaabooyinka shariif waan kasoo horjeedaa laakiin wali kama quusan oo illahay ayaan u baryayaa inuu sawaabka waafajiyo lakiin waxaa xaqiiqaaa inaan illahay raaligalino hadii basharkoo dhan noo caroodo illaahay ayaa naguulanaya marhadaynaan xaqa kaweecan waad aragtaan mulah max.ed cumar iyo sh osama xafidahumulaah gaalo warkeeda dhagahay kafuraysteen markaasay jihaad kala hortageen ilaahayna waa guuleeyay oo waadla socotaan cabaadka saliibiyiintii kayeeraysa iyo dhaqaalahoodii oo dhulka galay ogaadana hadii illahay cimri ina siiyo inaan arki doono usama binladin iyo mulahm. omar oo aduunka muslimka hogaamiya insho alaah iyo gaaladii ladiriraysay oo kahaybaysanaysa waana arintii muslimiintii hore aykuguulayteen

  10. xasan cabaas says:

    Shiiq shariifow beesha caalamka aad daba ordayso saw maahan tii bur burisey nabadii ilaahay idinku guuleeyey isla markaana cagta kudhufatay wada hadalki aad rabteen inaad reer imbigaati kusoo dhawaysaan?waad ogtahay inaysan beesha caalamku keenaynin wanaagii ay naga kala tuureene mawaxaad ubareertay inaad ka qayb qaadato waxa ay rabaan oo ah waxay wadaan reer imbigaati oo ah dilka,dhaca, boobka,kufsiga,barakicinta,burburinta goobaha wax barashada iyo caafimaadka,
    haday jawaabtaadu haa tahay ogow inaad iska nacday shafarti aad kulahayd umada soomaaliyeed dhexdeeda,una malayn maayo inaad mar dambe kumanaan muslimiin ah kula tukan doonto fagaare ciideed adigoon wax cabsi ah qabin .

  11. abdikarim says:

    Nin Maxamed dheere u shaqeyn jiey ayaad markii horeba hoosta naga soo geliseen isagoo back ground check lagu sameyn waase indho cade iyo mafiyada uu wato war aawey islamka kuwa ay dhabta katahay masheegayo kuwa cidkasta waa gaal iyo aan dilno qabo aawey kuwii naxariista iyo gaal naceyka lagu ogaa.meeshan waxbaa qaldan ee hala saxo oo ilaahey sidhab ah haloogu laabto.gaalo waxaan xumaato aheyn inoo maleegi meyso ee kii rajo kalahow alah utoobadkeen.isku tashi,midnimo,iyo kitaabka alah baa inoo balan ah.

  12. cabdikariim says:

    waxay ila tahay in soomaaliya uu xal usoo dhaw yahay aduunkana danaynayo marka ayidoo la fiirinayo maslada dadka muslimka ah (halka maslaxada umadda jirto ayuu jiraa sharciga ilaahay) ibnu taymiya ayaa yiri. qof walba masuuliyad ayaa ka saaran. laakiin qaxa haddii 2 sano oo kale uu sii socdo . wax wadanka joogo ayaa la weynayaa . dadkii xamar oo dhaqaalaha lahaay masar iyo kenya iyo ugandha ayay ilmahoodii gaysteen. dad maati ayaa heray. marka in xal itoobiyaanka lagu bixinaayo dagaalkana lagu joojinayo waa maslaxada umadda.

  13. Nuur says:

    asc Dhamaan,
    Dadkaan sheeikha dabo taagan oo wax ka sheegaya maxay ku eedeynayaan. Qaar waxay leeyihiin, maxkamadihii ayuu kala jabiyey oo sidee u kala jabiyey? Xassan Daahir iyo indhacadde ayey ahaayeen kuwii khilaafka billaabay oo eritrea la saftay. Illaa hadana kuwa jabuuti weeyey kuwa arrinkaas ka gubanaya oo isku deyaya in la dhameeyo. Kuwa kale weeye kuwa laga kari la’yahay firnada joojiya oo hadalkaan aad warbaahinta ka naadineysaan joojiya. Intii ugu badneyd maxkamadaha Waxay ogaaladeen in wada hadal iyo jihaadka la wado oo sheikha ayey ku feker noqdeen? 3 kaliya ayaa eritrea ku hartay. Kuwaa waxay leeyihiin sheikhu ha toobad keeno, Kulligeen waa inaan toobad keennaa markasta, laakiin danbiga gaarka ah oo uu galay uu ka toobad keenayo waa maxay. Maad sheegtaan? In gaalada lala wad hadlo ma danbiyaa?? Rassuulkii alle ayaa sameeyey taas!
    Sheikh shariif shareecada harna kama leexan maalinna kama leexan, dhinaca siyaasaddan wixii dan uu arkay oon shareecada khilaafsaneyn ayuu ku socdaa, waana shaqad hugaamiyanimada. Amar iyo kala danbeyn la’aan iyo fowdo iyo farqa isku dhagannaan waaa waxa meeshaas somalia dhigay.

    Rajo weyn ayaa laga qabaa shirkaan inuu guul ku dhamaado oo ethiopianka waddanka laga saaro. Haddii ay bixi diidaanna, awalba jihaadka waa wadney waana socdaa hadda. Waxaad mooddaa MMI nimanka gudaha oo kaliya iney fahansanyihiin Jarta Sheikh shariif. Waa kuwaas dhinac waxay ka wadaan Jugta Culus, dhinacna sheikh shariif wuxuu ka wadaa baryo uu la dabo taagan yahay Muslim iyo Gaalo waana is ogyihiin. Dad hal ujeeddo wada leh oo daacad ah isma maandhaafaan oo waa is fahmaan. Fadhi ku dirir iyo daneyste wixii ay rabaan ha sheegaan.
    w/a

  14. Soomaali says:

    Waxaa xaqiiq ah in dhanka uu Sheikh Shariif nabad iyo heshiis ka doonay (Beesha Caalamka, IGAD, DKMG …..) ay mustaxiil tahay in ay ka timaaddo maslaxad, nabad iyo xasillooni. Haddaba aflagaaddo oran maayo laakiinse markay ugu yar yihiin qolada Jabuuti waa sirmeen, kadibna meel aysan dib uga laaban karin ayaa lagu hubsaday. Haddaba runtii maanta Soomaali Nabad iyo Deganaansho waa u baahan tahay, waana inta la isku wada raacsan yahay laakiinse dariiqa lagu gaari karo ayaa khilaaf ka jiraa. Waxaanse hubaa Beesha Caalamka iyo inta ay ku adeegtaanba in aysan dhankooda wax dan ahi inaga jirin iska dhaaf nabad ka timaadda’e. Waxaan ku soo koobayaa war jiraba loo joogee idanka RABBI.

  15. muriidi says:

    Waxaan ku soo koobaayaa hadalkayga, dadka jecel inay fikir masiiri ah dhiibtaan haddana aan fahamkeedii, waayo aragnimadeedii, aqoonteedii iyo xikmadeedii lahayn inay ka digtoonaadaan. Fadlan dhiiranaanta tirada badan ha la iska yareeyo. Fudayd iyo jar ka bood waa calaamaadka hoogga iyo jabka. Dadka u ehelka ah ha looga danbeeyo, haddii noqon mas’alo diini ah, mid dhaqaalo ah, mid siyaasad ah, mid caafimaad ah, IWM.

    Waxaan aad iyo aad ugu yaqyaqsooday hadalada qaarkood ay halkan dadka qaarkood isku waydaarsanaayaan. Ma waxay idinla tahay xarafta la qoro laguma danbaabo mise ajar baabad filaysaan. Shaydaanka wuu dhiiran yahay, mu’minkuna waa dhawrsadaa.

    Wasalaamu Calaykum

  16. asad says:

    Ku Walaalaha waa waano
    waxaa wax lala yaaba ah dadkaan aflagaadada raba in ay illaah ugu dhawaadaan oo aflagaadeyay Odayaashii Beelaha hadana aflagaadeeyay Bayaankii isbaheysiga Asmara, maantana waxaa la aflagaadeynayaa ShShariif iyo Culimada Jabuuti la joogto
    waxaan dhihi lahaa nimanka xumantaas wada in ay kala geynayaan muslimiinta
    ?? ????? ?????? ??? ???????? ?? ????? ?????? ????? ???? ?????? ??????? ???????
    Qiyaano diineed waxaa ah khilaafka Musliminta oo la buunbuuniyo am lasii kordhyo
    Khilaaf waa wax imaan karo maadaama illaah dadka kala aragti duway ama cilmiga kala dheeraan karaan, waxaana ka mid ah khilaafka mid lagu wada socon karo maadaama uusan aheyn mid Manhajka ah oo uu ku eg yahay kala aragti duwanaan.
    sidaa daraadeed waxaa wax laga xumaada ah in khilaafaad aragti kala duwanaan uun ah in lagu kala geeyo ummada.
    hadaba waa in la dhowraa arimahaan hadii lees khilaafo
    1- ?????? ?? ??? ???????:
    in la bubsado kam ku khilaafsan hadalkiisa.
    2-????? ??? ??????:
    in meesha leesku khilaafsan yahay la xadido si ay u sahlanaato in laga wada hadlo loona xaliyo
    3- ?? ???? ??????:
    waa in aadan tuhmeysan niyadaha kuwa ku khilaafsan maxaa yeelay niyada wxa ku jira illaah kaliya ayaa oge.
    4-??????? ??? ????? ??????? ?????? ??????:
    waa in aad kala saarto meelaha leesku waafaqsan yahay iyo meelaha leesku khilaafsan yahay si aadan wax walba oo wanaag ah oo kan ku khilaafsan sitaa u inkirin ayagoo qaar xaq yihiin.
    ugu dambeyn waa inaad ogaataan ayadoo leesku khilaafsan yahay meelaha qaar waxaa la ahaan karaa walaalo wada jira oo isjecel, waxaana meelo badan isku khilaafay salafkii suubanaa waxa ayna ahaayeen waloolo wada jira maadaama islaamnimada ay tahay mid baaqi ah
    marka walaalayaal waxba sooma kordhineyso aflagaado iyo Gaaleysiinta muslimiinta Dalna nooma xoreyneyso dadna nooma mideyneyso,Ajarna kuma heleyno, waxaaba laga yaabaa in aflagaado daraadeed Dagaal iyo isnaceeb u ka dhex dhasho Dad walaalo ah oo isjecelaa, jihaadka iskula jiray, dhamaantood xal raadis ah, ee aan dhowro Quluubta Musliminta ,kana digtoonaano Sharafta Muslimka Iyo Dhiigiisa hadii aan Guul dooneyno Aduunka Aakhirana Ajar
    waa waano illaah hanugo anfaco

  17. asad says:

    ??? ??? ????? ???? ?????? ??? ??? ???? ?? ????? ?????? ??? ???????? ????? ??? ????? ???????? ??? ?? ?????? ?????? ?????? ????? ??????? ???? ??? ???? ????? ?????? ??????? ???? ??? ??? ?? ?? ????? ?? ?????? ???? ??????? ???????? ??? ???? ??????. ????? ?? ???? ?????? ?????? ????????? ??? ?? ???????? ???????? ???????? ??? ????? ?? ????? ?????? ?????? ?????? ???? ???? ?????? ????? ????? ??????? ??? ??? ??????? – ??? ???? ???? ???? -: ((?? ?? ??? ??? ??? ????? ???? ??? ????? ?????)) ??? ????? ??? ??? ????? ??????? ????? ????? ?????? ??? ???? ???? ??? ??? ???? ???????? ??????? {?????? ??? ??????? ????? ????? ???????} [(88) ???? ???????]? {?????? ???? ????? ??????? ???????? ???????} [(89) ???? ???????].

    ??? ????? ????? ?? ????? ?????? ????? ?????? ???????? ???? ???? ????? ????? ???? ?? ???????? ???? ??? ??? ??????? ???? ?? ????? ?????? ??? ?? ?????? ?? ????? ????? ????? ?? ?????? ??????? ??????? ????? ?????? ??????? ?? ?? ??? ??????? ????? ??? ?????? ???? ????? ??????? ???????? ??????? ?????? ??????? ?? ????????? ??? ???? ?? ?????? ?? ?????? ?????? ?? ??????? ?? ??????? ???????? ????? ?? ?????? ?????? ????? ?? ?????? ?????? ??????? ?? ????? ??????.

  18. Degel says:

    Shirkaan Kabuuti iyo ka Kenya laga furayo ee lagu jaha wareerinayo Soomaalida bal ka dooda. Aniga waxay iigu muuqataa in arrinku yahay labo arrimood:

    1. Kan Jabuuti waxaa lagu kala jebinayey mujaahidiinta, kala jebintiina baana la wadaa. Gaalo tun waaweyn baana qorshahan ka danbeysa.

    2. Kan Nairobi – Ethiopia iyo Kenya iyo gaalo kale oo tun waayeyn baa qorshe labaad ka wata oo ah sidii dowladku-sheeg cusub loogu dhisi lahaa, debindaayo cusub baana laga soo maleegayaa.

    Dadka qaar baa waxay naga iibinyaan wadahadal baa guul lugu keenayaa. Nin u raadsanaya ciidamo gaalaad si uu urur ka mid mujaahidiinta ula diriro baa naloo ka dhigayaa inuu maslaxad soo wado.

    Markaa Soomaaliyey weligeenba aan is khilaafno. Umadda la dibin daabyeynayaa waa inagga. Waxaad ogaataan sida gaalo ku talo gashey inaynu sidaas ku jirni dooni inta sunta xeebeheena lagu aasay qarxayso. Waxaase jirta oo lama huraan ah tan Alle. Ninkii iyo gabadhii ta Alle aaminsanow hungoomi mayno.

  19. Galbeed says:

    TO: ASAD.

    ASADOW KALA SAAR, WAXA AAD ISKU MAL DAHAYSID, ANAGU NIMANKA AAD INTA BADAN RADISID WAXII KHALAD AH EE AY GALAAN EE AAN KU ARAGNO, KUMA RAACNO, LAAKIIN MARKII AY TIMAADO KOOXDA JABUUTI WAXAAN GARAN LA’AHAY SABABTA AAD ISAGA DHAGA TIRAYSID KHALADKOODA OOD UDIFAACAYSID.

    SH/SHARIIF IYO HESHIISYADAN UU LAGALAYO, H/GALBEEDKA IYO SHAQAALAHOODA MIYUUSAN KEENAYNIN OO KALIYA IN RAGII GUDUHU SII KALA FOGAADAN, MISE ILAAHAY BAAN KUGU DHAARSHEE, MA GAALA INTA INOO OGOLAATO XORNIMO IYO ISLAANIMO HADANA HESHIIYA NA DHIHI…..

    WAR DAD YAHOW BARAARUGA OO INDHAHA KALA QAADA , ANIGU SHABAABNA KHALADAADKOODA KU RAACI MAHAYO,IYO SH/SHARIIFNA KHALADAADKIISA KU RAACI MAHAYO. WAXAAN ILAAHAY KA BARYAYAA INUU IGU HANUUNIYO JIDKA SAXDA AH.

  20. bishaar says:

    ASC WAXAAN UMAD CELINAYAA AMIIRKA SOMALIYA ALAHA GUULEEYO BAAL DAHABA AYUNA KAGALI8 DOONAA TARIKHDA DUNIDA MUSLIMKA WAXANA U RAJEYNA IN UU ILAH GULEEYO

  21. ABSAMAAWI says:

    LAMOOD NOQOSE WAYDAY!!!

    SHarif waxaa lamooday nin hogaamiya fiican ah, laakiin waxuu noqday nin hoos taga kuwa ilaahay udiyaariyay naar.

    Waxaan waydiin lahaa sharifka meel quraanka kutaalla oo ka hadlaysa in gaaladu aamin yihin,oo ay kasoo baxaan balamahooda ? sababta aan su’aashas uwaydiinayo waxay tahay mar kasta waxay qolodan Jabuuti ku hadaaqan beesha caalamkaa noo balan qaaday,IWM.

    Marka sharifka iyo xulufadiisa waxaan kula talin lahaa inay ilaahay utoobad keenaan, hadii kale ha diyaarsadeen,waxay bari kaga bad-baadi lahaayeen cagabadaha horyaalla….

  22. abdullahi mohamed hassan says:

    beesha caalamku ha dhacdo iyagaa sidaa inoo galay shariifkuna haddii ay la tahay beeshii dalkii iyo dadkii soomaaliyeed ee islaamka ahaa sidaa u gashay baa wax la wadda waa war loo noqon doono,ilaahoow shariifka iyo raggiisa iyo dhammaanteen xaqa na tus,mujaahidiinta soomaaliya iyo caalamka islaamka ka dagaalamaysana guusha sii,xal aan islaam ahayn oo noo cuntamayaa ma jiro ee shariifka iyo qolyaha la socda ha ogaadeen.sharci aan kii alle ahayna ciidda somaaliya mar dambe ka talin maayo ee waqti yuu idinkaga lumin beesha caalamka riwaayadda idiin dhigaysa.raggiinnii iyo mujaahidiintii u soo noqda inta gooro goor tahay,haddii kale beeshiinnaa caalamka iska dugsada aan aragno meesha ay idinku furaane.

    wa bilahi tawfiiq

  23. asad says:

    to Galbeed
    waxaan goaansaday maalmihii lasoo dhaafayba inaanan cidna radin akhri qeybihii tagay ee aan qorey.
    tan labaad waxaan kuwa jabuuti u difaacay ama aaan xaalka u qaboojiyaa waa inaan arkay dad si aadah ugu xad gudbo ka hor iyagana waxaan aad loogu xadgudbay Odoyaashii beelaha hawiye iyo Qeybta Asmara waaanan wada difaacay, marka aniga marka aan xataa shabaabka waxa ka sheegaayo colk iyo diin naceeb ugama sheego kaliya waxaan ugu sheega inaan tilmaamaayo in nin kasta ay jrto meelo uu ku qaldan yahay hadii uu meelo u ku saxan yahay sidaa daraadwwd waxaan anigu aaminsanahay in la tixgaliya wanaaga uu leeyayah ruux kasta oo muslim ah oo aanan Muslimiinta Gaalnimo iyo Fisqi lagu Tuurin marna inta ay taagan tahay kal feker duwanaan si looga badbaaado in khilaafka sii bato
    Ugu danbeyn aniga dhamaantood waan jeclahjay waloow ay dhici karto in meeelaha qaar aan ugu feker duwanahay ha joogeen gudaha Dalka iyo Dibadiisa intii ka tirsaneed Golihii Maxkamdaha Soomaaliyeed

  24. cali xaad says:

    Asalamu alaikum

    waxaa lahabaoon qofkii uu xoogaa xishod ah ku haray inuuusan af uu leeyahay ku difaacan qolada jabuuti…waxa ugu yar waa inaad ka aamustaa oo aadan afklaaga wax amaan ah uga soo bixin waayo qoladaas wax amaan ah ama difaaac ah ma istaahilaan waa in maxkamad sharci ah lasoo wada saaraa xaqoodana la mariyaa.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Indha Cadde oo ka Hadley Shirka Jabuti iyo Dagaaladii Xaley
  2. Warar Dheere ah oo laga helayo Safarka Xubnaha DKMG ah ee Jabuti & Itoobiya
  3. Sh.Shariif Sh.Axmed oo ku baaqay in la taageero Heshiiska Jabuuti
  4. Daahir Rayaale Iyo Xubno Weheliya oo Boqosho Kedis Ah Jabuti Ku Tegay
  5. Shirkii Jabuti oo Maanta dib u Furmey

Latest Headlines