Saraakiil Maraykan ah oo qayb ka ah Dagaalada Muqdisho

uganda2.jpgSarkaal ka tirsan Poliska DKMG ah ayaa waxaa Televeshinka laga leeyahay Dalka Iran ee Press TV u xaqiijiyay in saraakiisha ugu sareysa Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho ay si toos ah awaamirta uga qaataan saraakiisha Milatery-ga Maraykanka wuxuuna sheegay in ay kala tashadaan tilaabo kasta oo ay qaadayaan.

  

Sarkaalka ayaa waxaa uu yiri “ macluumaadka aan hayo ka Police ahaan, in ka badan 25 saraakiil ciidan oo American ah oo ay ku jiraan 9 dumar ah ayaa waxay si qarsoodi ah ku joogaan xeryaha Ciidamada AMISOM ay ka degan yihiin Muqdisho”.

   

Ilaa 10 sarkaal oo ka tirsan Ciidamada DKMG ah oo waraysi siiyay Weriyaha Press TV ayaa waxay isku raaceen in tiro 35 goor dhan oo weeraro lagu soo qaaday ciidamada AMISOM, ay saraakiisha Maraykanku amar ku bixinayeen in la duqeeyo rayidka ku dhaqan Suuqa Bakaara iyo degmooyinka kale ee koonfurta Muqdisho. 

 
” ayaga ayaa u qorsheeya weerarada AMISOM, markasta oo Afahayeenka AMISOM Bragiye Bahoku uu hadlayo waxaa uu aqriyaa qoraal ay diyaariyeen Saraakiisha Maraykanku” ayuu yiri Sarkaalka Poliska ee DKMG ah.

  Sarkaalka ayaa asaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu yiri “ Ciidamada M.Afrika ee Uganda & Burundi waxaa mushaarkooda bixiya Maraykanka, marka waa in ay adeecaan waxa ay amrayan, xataa haddii aysan raali ka ahayn”.

sida lagu soo daabacay Webka Press TV Ciidamada Uganda oo awaamiir ka helaya Maraykanka ayaa waxay tashwiish ku furaan isgarsiinta Magaalada Muqdisho gaar ahaan xilliyada ay soconayaan dagaalada waxayna fuliyaan hawlo basaasnimo oo ay ku dhagayasanayaan xiriirada taleefoonada si joogta ah.

 Dawladda maraykanka ayaa waxay si toos ah ugu lugleedahay loolanka ka taagan Soomaaliya waxayna horay u taageeri jirtay hogaamiye yaashii dagaalka ee ka arrimin jiray Soomaaliya kadibna waxay taageero af iyo adin ahba la garab istaagtay Ciidamada gumaysiga Itoobiya ee xooga ku qabsaday Dalka Soomaaliya ayada oo aan wali ka daalin hagardaamaynta ay ku haysao shacabka Soomaaliyeed ee muslimka ah.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

6 Comment(s)

  1. warkaas waa war cad loona baahan yahay dadka indho la’aanta ay qabyaalada ku riday inay wax ku fahmaan maxay tahay sababta marayknka u amrayo in suuqa bakaaraha la beegsado.

    allaah waxaan ka baryaynaa in gaaladaas maraykanka aysan ka badbaadin weerarka ugu soo horeeeyo ee mujaahidiintu fuliyaan,.

    Warfaa | Oct 21, 2008 | Reply

  2. Waa arrin muhim ah in la ogaado.Kolley waa ogayn in Maraykan caawin jiray hogaamiye kooxyadii MMIS burburiyeen, ka dibna Mashruucii uu Islaamka kula dagaalamayey uu siiyey qolyaha Imbigaati iyo Itoobiya. Mana qarsado mana inkirsana ba.

    Haddana waa loo baahan yahay in la ogaado in ay AMISOM na ku dhex jiraan oo iyaguu kharashka bixiyaan oo amraan, taas macnaheeduna waxaa weeye dhibaatada AMISOM gaysato waxaa inoo gaystay Maraykan.

    Yaa u sheega in uusan sidaas nooga faa’iidan.

    Ali Yare | Oct 21, 2008 | Reply

  3. Assalaamu Caleykum.

    Soomaalida inta waxgaradka ah awalba waa Ogaayeen in Ciidanka Xabashida iyo kan Afrikaanka ahba ay calooshood u shaqeystayaal uu Mareykanku soo kireystay ay yihiin.

    Ciidanka Aafrikaanka waxaa lagacta ay qaataan bixiya Mareykanka iyo xulufadiisa oo kuligood gaallo ah/Kiristaan ah. Qofkii aan ogeynoow hadda ogoow in Dowladaha Bariga Afrika ay 30kii sanno ee la soo dhaafey aad looga wadey howl ama Missiono Gaaleysiin ah wadamada aadka looogu faafiyay Diinta Kiristaanka iyo fikradaha Gumeysiga oo wada jira waxaa ugu horeeya UGANDA, KENYA, BURUNDI iyo XABASHIDA oo awal haystey Diinta Masiixiga Madhab duqowday laakiin iyaguna lagu tabliijiyay Madaahiibta Macangagga ah ee ay inta badan haystaan Dalalka ku hadla luuqadaha Ingiriiska sida Mareykanka iyo kuwa isugu yeera Reer-Galbeedka.

    Ciidanka Afrikaanka waxay u shaqeeyaan Missionka Diinta Masiixigga ee Bariga Afrika 30kii sanno ee la soo dhaafey si aad ah looga hirgaliyay Wadamo badan oo Afrikaan ah. waxayna u arkaan Gumeysiga reer Galbeedka isugu yeera inay Isku diin yihiin ama ay shaqaale u yihiin.

    Soomaaliya oo aaney ka jirin Dowlad xoog leh 20kii sanno ee la soo dhaafey, Ayaa u eg maanta inay meeshii ugu liidatey joogto Sidaa darteed Gaalladii waxay ka faa’iideysteen burburkeena iyo waliba Kala googo’a Goboladda SOomaaliyeed ee awal ahaa kuwo Mideysan oo laga baqi jirey.

    Mas’uuliyadda Burburka Soomaaliya waxaa leh jabhadihii Jaahiliinta ay qabiilka ku soo abaabuleen, oo markii dambe iyagoo hub ka soo qaatey Xabashida oo ah Cadowga koowaad ee Dalkeena iyo Diinteena. Wali waxaa muuqata in qaar ka mid ah Jabhadahaas taageero ay Dadka Soomaaliyeed qaarkood u hayaan, sida SNM, SSDF iyo USC. Jabhadahaan ayaa u sabab ah in Maanta Dalka Soomaaliya la kala Gooyo ama cadow la Keeno. Laakiin looba joogee bal aragno waxay ku dambeyso.

    Waxaan ANigu wali qabaa rajo ah in Dalkeenu dib u soo laaban doono, laakiin waa marka laga gudbo ama laga soo noqdo fikradihii laga dhaxley Dad Jaahiliin ah oo sababta ay Wadanka u burburiyeen kaliya ay aheyn in ay Shaqsiyadooda wax u helaan ama mid shaqaale ha ahaato ama Madaxtinimo.

    BAABULE | Oct 22, 2008 | Reply

  4. ASC Waraxamatullaahi

    Ma aha wax inagu cusub ama sir ah lugta uu Maraykanku ku leeyahay arrimaha Soomaaliya ka taagnaa ilaa iyo intii ay bilaabatay dhibaatadeennu iyo faragelinta qaawan ee uu Maraykanku mar kastaba arrinteenna ku lahaaba. Haddii aan tusaale usoo qaato weerarkii ama faragelintii Milatari ee tooska ahayd ee uu Maraykanku hor kacayey ee loogu magac daray “Operation Restore Hope” amaba Rajo soo celinta ee dabayaaqadii sannadkii 1992dii uu Maraykanku Soomaaliya kusoo qaaday, iyo magacyadii kala duduwanaa ee kaa ka dambeeyey sida:- (UNISOM-1 & UNISOM-2), weerarkaas oo ay dadka intii waqtigaas joogtey ama uu garaadkoodu shaqeynayey wada xasuustaan dhibaatadii kasoo gaartey dadkii Soomaaliyeed ee awalba sidooda iskaga dhibaateysnaa iyo in ay kumanyaal iyo kumanyaal Soomaali ahi naftoodii qaaliga ahayd ku waayeen, kuwa intaa ka badanina ay ku naafoobeen, qaar badani ay kala kulmeen arrin aanu qof Soomaali ahi hore u maqal ama uga fakarin in ayba dhici karto, taas oo ah “Rag la Faraxumeeyey ama la kufsaday” qaar kale oo badanina ay hantidoodii iyo ilmahoodii ku waayeen, dhallinyarada maanta dagaalka kula jirta Cadowga uu Maraykankii mar kale soo hoggaamiyeyna ay yihiin kuwii ku agoontoobey dagaalkii kan ka horreeyey ee uu Maraykanku Soomaaliya kusoo qaaday. Tan maanta laga hadlayo ee ah in uu Maraykanku isagu amarka siiyo Ciidamada Calooshood u shaqaystayaasha ah ee xasuuqa ku haya Ummadda Soomaaliyeed ma aha wax sir ah, sida aanu lawada socono, Ciidamadan Maraykanku asaga ayaa soo tababaray, kuwa Ethiopia iyo kuwa kaleba, asaga ayaana sheegay ee ma aha been iyo mala awaal laga sameynayo, asaga ayaana amarka ay Soomaaliya ugusoo duuleen bixiyey, taasina asaga ayaa sheegay oo sir cusub ma aha, asaga ayaana hoggaaminayey, xagga hawl-gallada Basaas-nimada iyo xagga duqeynta Cirkana ka taageerayey, oo halkii ay ku jabaanba hawada sare ka duqeynayey, Madaxdii iyo Ciidankii Muqaawamadana Maraykanka ayuu ahaa kii ugaarsanayey, tusaale ahaan haddii aan usoo qaato, Allaha u naxariistee dilkii hoggaamiyihii geesiga ahaa “Macallin Aadan Xaashi Cayrow” Ciidamadan asaga ayaa amarka dalalkoodii looga keenay bixiyey oo xoog ugasoo muquuniyey dalalkoodii, hubka ay dadka Soomaaliyeed ku gumaadayaanna asaga ayaa soo siiyey, kharashka ay ku yimaadeenna asaga ayaa bixiyey, illeyn Africa waannu wada nahay waanuna isla wada garanaynaa inta ay tabartoodu la’egay iyo Operationada Military ee ay fulin karaani inta la’egyihiine, diyaaradihii lagusoo daabuley asaga ayaa qaar lahaa qaarka kalena asaga ayaa soo ijaarey oo kharashkooda bixiyey, mushaharka ay hadda qaataanna Maraykanka oo aan la wada soconno halka ay xaaladdiisa dhaqaale maanta taagan tahay ayaa bixiya, kii dhinta oo ay Mujaahidiinta Soomaalidu qudha ka jaraanna asaga ayaa bixiya magtiisa, kuwa kale oo African ahna hadda ayuu tababaraa una soo wadaa Maraykanku Soomaaliya, oo uu usoo wadaa in uu ku xoojiyo amaba ku beddelo kuwa haatan ku halaagsamey Soomaaliya, taasina sir ama qarsoodi ma ahan oo waanu wada maqalnaa waxa uu maalin walba ka hadlayo Maraykanku. Intaas oo dhan anigu lama yaabani oo waan ogahay Colaadda iyo Cadaawadda Gaamurtey ee ay Maraykanka iyo saaxiibadiisa kale ee Gaaladu inoo qabaan, arrinta layaabka lihi waxay tahay sida aanu wada ognahay Diyaaradaha Ciidamada Cadowgaas Ummaddeennii dhamaynaya lagusoo daabulo dhulka sooma maraan ee iyaga iyo hubka ay Hooyooyinkeenna ku xasuuqayaan iyo raashinka ay cunaan iyo dawada ay ku dawesytaan kii ka dhaawacma amaba ay ka dhoofsadaan kii laga dilo intuba waxay si caadi ah ugasoo degaan ugana duulaan Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho oo aannu wada ognahay waxa gaarey dadkii degganaa magaaladaasi, taa micnaheedu waxaa weeyaan in uu Garoonka Muqdisho uga dhigan yahay Cadawga waxa la yiraahdo “Life-Line” oo ah xididka ama halbowlaha Wadnaha dhiigga ka qaada ee jirka intiisa kale u qaybiya oo aaney la’aantiis cidina noolaan karin. Bishii hore markii ay dhallinyarada Muqaawamadu isku dayeen in ay arrintaas tallaabo ka qaadaan oo ay Cadawga ka jaraan halbowlahaas aan soo sheegay oo aaney la’aantiis noolaan karin joogina karin dalkeenna dadkeennana sii layn karin oo ay ka hor joogsadaan in uu isticmaalo Garoonkaasi, ayaan waxa aan la yaabay aad iyo aadna fajaciso iigu noqotay buuqii iyo sawaxankii cirka isku shareeray oo ay cid waliba siyaabo iyo sababo kala duwan uga qayb qaadatay ayadoo arrinta dadka Soomaaliyeed looga dhaadhiciyey sidii uu Cadawgu rabey oo ah arrimo aan meeshaba qaban iyo qaab qabyaaladeed oo qaawan, ayadoo dadka loo fahamsiiyey in ay garoonka dano badan ku qabeen iyo in qolo gooni ah la cunaqabateynayo, taasi oo ah been aaney waxba ka jirin, ayadoo layska indha saabayo xaqiiqada ah in uu garoonkani xirnaan jirey muddo ka badan 15 sano, dadka Soomaaliyeedna ay dalka ka dhoofi jireen una soo dhoofi jireen, kuwii uu u xirnaan jireyna ay yihiin kuwa hadda ku doodaya qabiil ama degaan gooni ah ayaa loo jeedaa, ayadoo ay runtuna tahay in ragga yiri garoonka waanu xireynaa si aaney Cadawgu uga faa’iideysani ay yihiin intooda badani rag qabiilkan la sheegayo ama deegaankan la leeyahay si gooni ah ayaa loo taarget gareynayaa kasoo jeeda dhalasho ahaan, ahna raggii uu cadawga kasoo degey garoonkaasi Aabayaashood iyo Hooyooyinkoodii laayeen, goostayna in ay iska dhiciyaan oo ay la dagaallamaan Cadawgaasi arxanka daran ee isasoo bahaystay si kastoo ay ula dagaallami karaanna ula dagaallamaan ayaa ay arrintii tagtay in ayaga iyo dadkii ay u dagaallamayeen gorodda laysku geliyo oo layska horkeeno taasi oo raggii dhallinyarada ahaa ku khasabtay dib u gurasho xeel dagaal ayadoo aan dagaal looga adkaanin si aaney dadka shacabka ah isugu dhicin, taasi oo ah wixii uu weligiiba Cadawgu raadinayey oo ah in uu Muqaawamada iyo dadka shacabka ah ee ay u dagaallamayaan iska hor keeno. Arrinkaasi ama waa waaya aragnimo xumo iyo taariikhaha dagaallada iyo sida Cadawga loo wiiqo oo aaney waxba ka aqoonin dadkan ku doodaya waxbaa la cunaqabataynayaa ama waxaa la dhaqan gelinayaa Deal iyo Shirqool Cadawga lala galay oo laaluush looga qaatay in la dhabar jibo Muqaawamada, anigoo weliba taa dambe u badinaya.

    Gaba gabadii hadalkayga waxase ila qumanaan lahayd in la ogaado in ay Ciidda Soomaalidu caan ku tahay liqidda iyo burburinta shirqoollada oo maleego Ummaddeeda, halkii nalookugu tashanayeyna in uu Ilaah Subxaanahu Watacaalaa inoo joogey, taladuna ay tiisa uun tahay oo aaney jirin cid ku qabsan karta kownkan aanu joogo.

    Wa Billaahi Towfiiq, igana raalli ahaada aqristayaal waan ku dheeraaday hadalka’e.

    shiino | Oct 22, 2008 | Reply

  5. A/c/w/w ikhwaani allaha idin xifdiyo haka daalinina soo tebinta hagar daamada cadawga

    C/lahi khalif | Oct 22, 2008 | Reply

  6. BISMILLAH.

    ASCLKUM DHAMAANTIIN.

    Walaaladayoow ALLAH baa wayn ninkii aaminaa awood leh.

    Walaahay hadii siday ay wax u dejiyaan u noqnayso buuraha ayey makri ku suulin lahaayeen, ee mar bishaaraysta, marna walwala, oo ALLAH asbaabta yar ee aan la nimaadno ayuu barakaynayaa ee asbaabta aan siyaadino inagoo isaga ku kalsoon asbaabtana ictimaadin ilaa inuu isagu barakeeyo mooyee.

    waxaan leeyahay, umaddu waa dabaqado, dabaqad walibana ALLAH baa u abuurnay, danbayna u mada u haysaa, wayna kala sareeyaan, kalana fadli badan yihiin, fadligaasna masuuliyad ayaa u raacaysa, Aniga iyo shacab waynuhu khaanada aan ku jirto noo saamixi mayso inaan aragno sida wax u dhacayaan, markaa yaa laga rabaa inoo soo gudbiyo sideese isug xidhmayaan khaaanadahaasi oo aan ku noqon karnaa kabadh wayn oo wax waliba oo cilmi iyo awood iyo dhaqaale iyo tiro dad firfircooniba ku jiraan. waxaan u baahanay idinkoo iga badiy sida fiican, sidatan inaan yeelno.

    1-MUFAKAR ama TALO BIXIYE, waa kan mala awaala daldaloolada umadda yaqaanana, dabadeedna ka diga, waa matoorka dhaqaajiya hogaamiya.
    talo bixiyuhu waa sida tababaraha kooxda dusha cayaarta ka daawanaya, dabadeed ogaada kooxdiisu meeshay u jilicsantahay iyo kooxda kale meeshay u jilicsantahay dabadeed talo ku bixiya in halkana la quweeyo, boogta cadawgu u jilicsanyahayna culyska lagu badiyo, iyo tusaalooyin kale oon maqaalku inoo deeqayn.

    wuxuu mala awaalaa markaa meesha aan u jilicsanahay amaba u jilicsanaan karno kulana taliyaa hogaanmiya inuu meeshaas sidaas yeelo, cadawgana ishaaraa buundo daybuladiisa si meeshaas looga mudo, waana inuu wax ka yaqaanaa cilmiga taariikhda, cilmiga siyaasada, cilmiga bulshada, lana socdaa oo mutaabaceeyaa dhacdooyinka, dabadeed odoros ka bixiyaa isagoon u qaadanayn warka “in cid lagu jaahwareeriyo loo diyaariyey” sidiisa, waaqana la socdaa. wuxuu u sooo gudbinayaa HOGAAMIYAHA.

    2-HOGAAMIYAHA hogaamiyaheenu ma aha mid teeendho ku jira oo buuxin kara hawlgalada, falka dhacaya, iyo inuu fekero, waxna mutaabaceeyo, adigu waa sidii nin ardaya habeen madoow, inuu boholaha marka agyaala iska eego mooyee, wax kale ma arko, hareerihiisa iyo kuwa ka durugsan toona, markaa inuu orodka ku dul fekero waa adagtahay, ama inuu cayaarta ku jiro isla markaana dusha ka arko khaladkooda iyo kan cadawgooda, marka waa walaalkiis ninka u fekerayey, dushana ka eeganayey inuu u soo gudbiyo.

    waa kan ogolaada ama diida isagoo sababeeynaya.
    markuu ogolaadana waa ku dhaqwaaqaa si khaanadaha hoose ee bulshadu ku jiro u gaadho ulana jaan qaadaan talaabada la qaadidoono, haduu doono ku dhawaaqidaasi ha noqoto mid marin habaabin ku dheehan tahay si aan loo odorosin u jeedadiisa, (ALXARBU KHIDCA) siduu nebigu yeeli jirey, ina kiciya intuu yidhaa ayuu jiho kale afka u saari jirey aan ahayn jihaduu u socdo.

    4-WARBAAHINTA anaga iyo awaamita ka soo baxda hogaamiyaha waxaa noo dhexeeya ee sida samaacadii nasoo gaadhsiiya waa warbaahinta, (cod baahiye).

    5-SIRDOONKA. wuxuu kaloo markaa siyaasigu i shaarayaa sirdoonka meelaha ay isha si gaara ugu haynayaan mudadan soo socota iyagoon ka soo jeesanayn hawshoodii hore ee ay hayeen.

    6-DADWAYNAHA dadkayaga khaanada hoose ALLAH geliyey markaa waa cabaysanahay, sida odoroska naloogu soo gudbiyey ayaa marka natiijo soo baxdana naloogu soo gudbinayaa, waxaanuna nahay lugihii(taayiradii) lagu soconayey ee cadaw lagu jiidhsiinayey gaadhiga, waloow meel hoose aanu ku naalo hadana ahmiyad baanu gaadhigan cararya ugu fadhinaa.

    WAXAAN U JIIDHAY MEESHAAS WAA DADKA CILMIGAN YAQAANA INTAY KUU ADKAYSAN WAAYAAN HASOO GALAAN OO HA KU SAXAAN, FIKRAD FIICAN OOD WAX KA KORORSATANA AAD KA HESHID.

    WABILLAHI TAWFIIQ.

    kudarso | Oct 22, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo