Dayuxu kabax kabax badanaa ma kabuu qabaa?
By Somalimirror on 21 Oct, 2008 9:33 PM in Madadaalo, Suugaan
Labo nin oo gabraarato ah ayaa maalin qaraabkii la dheeraday. Saq dhexe iyaga oo daal la il daran ayay dhinaca dhulka dhigeen. Midkood (Qandhuufo) ayaa daymooday cirka oo daruur leh, dayuxuna naylo qaad yahay, waxayna la noqotay in dayuxu si aad ah u ordayo, kolkaas ayuu isaga oo yaab iyo amakaag la hilmaamay daalkii hayay waxa uu ku yiri saaxiibkiis Qallooc: dayuxu kabax kabax badanaa ma kabuu qabaa?.
Qallooc ayaa isna la soo booday: oo hadduu kabo qabo ma ka qaadan lahayd?.
Qandhuufo ayaa hadalkii ku noqday oo yiri: oo haddaan ka qaato ma ii qoonsan lahayd?.
Qallooc ayaa yiri: oo haddaan kuu qoonsado ma I quursan lahayd?.
Qandhuufo ayaa ku noqday oo yiri : oo haddaan ku quursado ma bahaladaan qalan jiray?.
Qallooc ayaa soo ritay oo yiri: oo haddaad qalatid ma kugu qabsan jiray?
Qandhuufo: oo haddaad igu qabsatid ma iga qaadi kartaa?
Qallooc: oo haddaan kaa qaado maxaad qaban kartaa?.
Qandhuufo: maan qaansada qurqurka kaaga bixiyo?.
Qallooc: maan amba qaansadayda qurqurka kaaga baxsho?
Ugu dambayntii waxaa la is dhaafsaday labo gamuun oo aan midna seeroobin, labadii ninna aan midna lala soo rogin!!!.
Sheeka xariirtaan waxay ka turjumaysaa wax ka mid ah hab nololeedka iyo hab dhaqanka Soomaalida; maxaa yeelay bulsho walba waxay ku soo bandhigtaa waxa ay aaminsan tahay, sida ay u fakarto iyo sida ay u dhaqantaba suugaanteeda. Bulshadu waxay ku muujisaa qeybaha kala duwan ee suugaanta waxa ay jeceshahay ama ay nicibtahay. Taa macneheedu ma aha in fakarka iyo dhaqanka dadkeenu sidaa wada ahaa ee waxay tusaysaa in uu bulshada ka dhex jirey dhaqan muuqaalkaan oo kale leh oo lagu soo bandhigay sheeka xariirtaan oo ah nooc ka mid ah noocyada suugaanta, waxaana laga fahmayaa in la isaga digayo hab dhaqankaan, lana dhaleecaynayo ciddii ku tillaabsata.
Dhaqamada laga habboon yahay ee ay sheekadaani muujinayso
1. waxaa ka muuqata sheekada dhibta iyo rafaadka ay bulshada Soomaalidu ku noolayd.
2. jahliga ay kaga sugnaayeen wax badan oo noloshooda khuseeya.
3. hadalkooda oo u qallafsanaa sida noloshoodu u qallafsanayd oo aan xambaarsanayn wax ixtiraam iyo qadarin ah midna. Qof kasta in uu ku dhoho kay is-hayaan hadalka u adag ama ugu xun ee uu heli karo.
4. in hadalka la marin habaabiyo oo loo yeelo tafaasiir aad uga fog waxa laga hadlayay.
5. sida ay awood ugu lahaayeen in ay isku rakibaan wax aan shaqo iyo xiriir midna ka dhexayn, sida: haddaan ku quursado ma bahaladaan qalan jirey. Bal maxaa iska khuseeya in nin ku quursado iyo bahalo qalasho?. Sheekooyinkii carabtii jaahiliga ayaa lagu sheegay in “ gabar madaxa ku sidata roodhi nin ka qaatay xabbad roodhi ah, deetana ay tiri: waxaad uga jeeddaa in aad hebel ku ihaanaysid!!!, ka dibna hebelkii ayaa diley ninkii roodhida qaatay, dabadeedna waxaa ka dhexqarxay labadii reer dagaallo waaweyn oo lagu hoobtay!!”.
6. sida ay uga doodaan ama isugu qabtaan wax liita oo aan macno lahayn, dantoodana ay ugu seegaan.
7. dhibta haysata waxaa hilmaansiiya wax aan qiimo lahayn. Eeg innaga oo dalkeenii, dadkeenii, diinteenii iyo sharafteeniiba lagu tuntay ayaan isku haysanaa, iskuna dilnaa wax aan sagaaro ka cabbin!!!.
8. waxaa qisadu tilmaamaysaa in aysan Soomaalidu kala roonaan ee middi middi ku taag xaalkeedu yahay.
9. in laga ficilqaato wixii dhinaca kale ka yimaada ee aan la eegin faa’iidada iyo natiijada laga gaarayo ama dhibta uga imaanaysa midna.
10. in aan la joojin caraatanka ama colaadda in aad nabarka ama hadalka dambe yeelatid mooyee. Taas waxay keentaa in aan dagaalka ama isu naqsigu dhaqso u joogsan.
11. walaalnimadooda oo ay si dhib yar ama wax liita ku burburiyaan. Bal maxaa laga helayaa in lagu colloobo ama lagu doodo dayaxa kabihiisa?, maxaase dhib ah oo looga baxayaa?.
12. xalka ugu sahlan Soomaalida waa in la is dilo; maxaa yeelay fakar badan uma baahna, waxaana kaa xiga in wiil asaaggaa ahi kaa xanaajiyo oo aad amleydaada kaga ciilbeeshid!!!, illeyn rag ciil cadaab ka dooraye!! (sida qaldan ee ay dheheen). Ka dibna magtiisa waa la taanataanaynayaa ama dagaal aad tolweyne ula simantahay ayaad galeysaa!!!.
Sheekadaan waxaan ka dhex fahmay sida nolosha Soomaalidu ku socoto in ay tahay midba mid ha dilo oo nin kasta isaga oo ka aarsaday kii uu u ciilqabay ha dhinto oo aynu saa ku dhammaano.
Axmed C/samed

Daabaco
sheekada wax badanaa ku jira oo dhaqan toosin ah waana la sharaxay ha laga faaiideesto dadkii afsomaaliga ku adagyahey xataa faa’iidadii gaar aa loogu qorey
guure | Oct 22, 2008 | Reply
Shiikhanaa Axmed Alle hakuu siyaadiyo Xikmadada, Lakin Wax kabadana Sheekooyinka Madadaalada ayaan kaasugaynaaa.
NACEEMO | Oct 22, 2008 | Reply
sheekadu xiiso waynaa hadana naxdin badanaa malaha markay dhacday iyo maanta isku mid ayay ahaayeen . sheekada waxa ka yaab badan sheekha inoo soo helay ee ugu adeegay baahideena . khayr ha waayin ilaahay idankii …
waxay ila tahay garaadka alle waxa uu inoogu galladay inaynu ka shaqaysiino , bal aynu isku dayno in aynu xoogaa banaan isula baxno ruux kastaana gartiisa aqristo haduu gar leeyahayna cafi iyo tanaasul ka qaato haduu khaldanyahayna garta isku naqo…
badeed | Oct 22, 2008 | Reply
Sheekhaan sheekooyinka caqli caqliga ah ayaan uga yaamay
Warfaa | Nov 16, 2008 | Reply
SHEEKH AXMED KHAYR ALLE HASIIYO XAQIIQATAN ARINKAANI WAA MID DHABA OO SOOMAALIDA HAYSTA
OO ALLOO UMACIINA MOOYEE AY ADAGTAHAY SI AY
CAADADAAN XUN UGA GO,AAN.
WAXAYNA ISOO XASUUSISAY SHEEKADII AHAYD (GUBADKAAN GUBIDOONO) OO AAN ISLEEYAHAY SHIIKHU SIFIICAN AYUU UGARANAYAA SHEEKADAAS,
OO MARKII UDANABAYSANA KU DHAMAATAY OORI QURBAXADAY.MARKA KOLEY SHEEKHAAN UDAAYAY QISOO YINKAAS IYO KUWA LAMIDKA AH.
ALLE HANA GARAN SIIYO XIKMADDA KA DABAYSA OO SOOMALIDU WAXAY TIRAADA, NIN WAX KUSIIYA WAD HESHAAN LAKIIN NIN WAX KUU SHEEGA AYAA YAR.
MARAKA WAXAAN ISLEEYAHAY SHEEKHU WAA FARA KUTIRIS SHAYUUKHDA ASAGA LAMIDKA AH EE AJARBADAN ALEE HAKSIIYO ANAGANA ALLE HANAGA DHIGO KUWII KUWAANO QAATA.
WABILAAHI TOWFIIQ.
maskiin Alle | Nov 23, 2008 | Reply
Waa mahadsanahay idinka iyo anigaba sheekooyinkan oo kalena soo qora ayaan idin leeyahay waa sheeko layaab lahee.
Jimcaale Xaayow | Dec 10, 2008 | Reply
sheeka daani waa sheeko wanaagsan oo ku saabsan dadka soomaaliyeed marka soomaalida waxaa dhihi lahaa ha joogiyaan midi midi ku taaga ay ku dhaqmayaan oo wanaaga haka eegaan waxay sameynayaa
maryanqaali | Jan 28, 2009 | Reply
kkkkk,waa qiso xikmado badani kujiraan,waxyaalo badan oo ku jirana dhaqankeena Somaliyeed laga helayo.
shukri | Apr 20, 2009 | Reply
asalaamu calaykum.
waa mahasanyahay qofka sheekadaan noo soo bandhigay waxaana ka qaadan karna fikir ka muujinaayo sida somaalida dacigeedu yahay oo aad moodo in ay ka jawaabeyso wacyiga maanta jira iyo sida ay iskugu samri la,yihiin oo keentay burburka ka jira wadankeena oo aan lagu kala danbeyn maamul (anaa amiir ah iyo anaa ah)lagu kala bixi la,yahay loona waayey inuu taagmo qarankeenni aan jeclayn .
hadal badani haan ma buuxiyee hadaan la is qaban, waaba soomaali jiri jirtay baa la oran doonaa waayo wadankeenni bad iyo barri ba waa loo tashaday nabadiina in aysan dhawayn bay u muuqataa,ilaahoow na caymi caadilooow adigu.aamiiiin.wabilaahi fowfiiq.wasalamu caykum ,war wab.
sahra sheekh | Jun 15, 2009 | Reply
Asc wr wbr Maasha,ALLAAH waa xigmad weyn, sidan ayaa loo baahanyahay in la,isugu faa,ideyo kheyr ALLE hakaa waa waafajiyo, waxan ku,soo xasuustey dhacdadii magaalada port elezebeth ee koofur africi! Nin somali ah ayaa wiil yar ee dadka wadanka ahi wuxu kala cararay wax yar oon qiimo leheyn markaas buu baskoolada iskasoo jaray kuna dhuftay xabat! Waxaase ku,xigey in dhamaan dukaanadi somalida laboobo dhowr nin oo somali ahna ladilo, marka su,aalaha aan isweydiyo waxaa kamid ah ma,jahli ayaa nahay? ma,dhiig xayawaan baa nagu jira? mise waa xanuun aan ciida iyo caanaha ka,qaadnay?!!!
C,qaadir daahiye | Jul 12, 2009 | Reply
kkkkkkkkkkkkkk waa mid muujinaysa kana tarjumaysa soomaalida hada waxa kadhex taagan oo ah dilalka iyo dagaalada macna darada ah ee ay dhiigooda kudaadinayaan waxaan sheekadaan ka dhandhansanayaa in ay soomalidu awoowayaashood ka dhaxleen waxa hada ay ku dhaqmayaa oo ah dilalka macna daradaa waana tii nabigeena scw uu horay uga hadlay oo uu yiri waxaa kamida saacada qiyaamaha in dilku bato oo ladilayo iyo ka wax dilayo labaduba ay sangaranayn waxa ay issku dilayaan
c/fataax | Mar 5, 2010 | Reply
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk sxbyaa waybaiga qosolsiiyay sheekadaan lkn waxaan umalaynayaa inayna dhab aheen marka dadka wax kuso conaayo haloo sheegu hadii kale beenta halaga dhaafo anwar byyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyy
anwar | Mar 16, 2010 | Reply
wayaya jawab ayan idin kasugana idin meh mise wad sexateenkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk byyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyyy
cumar | Apr 4, 2010 | Reply
Kkkkkkkkk runti waa sheeko cajib ah qosol ayan la dhacay markan akhriyey sheekadan inkasta oo ay u muuqato sheeko khiyaali ah hadana waa sheeko micna weyn ku fadhida oo dadka caqliga lihi ay wax ku fahmi karaan waana sheeko ka tarjumaysa waxaa maanta ka dhacaya dhulka soomaliyeed
Fardoole | Apr 7, 2010 | Reply
Hahahah waa sheeko la yaab leh
Fardoole | Apr 7, 2010 | Reply
waxan su ala somalida dagalka ma udana somalida maya dan ma u ahan dagal jogta ah somalida waxa udana somalida nabad marka maxa loheli wayey nabad haday dan utahay somalida ani waxan qaba figrad tas kaduwan o eh in somali rabin nabad inta jogta gudaha dalka somaliya hadey dhamantod arki lahayen wadamada nabada ah sey wadamadoda nabad u tahay way o galalahayen nabad hada waxey shaqa kadhigten dadka somaliyed dagal mana yaqanin shaqa kale o qori ahen marka way adagtahay sey nabad ku noqoto somaliya waxan leyahay somaliyey nabad somaliyey nabad asc
Cilmi fersade dirir | Apr 15, 2010 | Reply
maashaa allah waa xikmad caqli ku salaysan … waxay tilamaamaysaa dagaalku inuu sanka ka saaran yahya somaalida waxaana taas keenay jahliga aqoon la’antu keentay…
DHUUX | Jun 11, 2010 | Reply