Abaal marin lagu bixiyey Gudaha Dekeda Boosaaso
By Somalimirror on 21 Oct, 2008 2:51 PM in Main, Wararka
Gudaha Dekeda Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, waxaa maanta abaal marino lagu gudoonsiiyey Ciidamo ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland oo dhawaan ka qeyb qaatey howl gal laga soo bad baadiyey markab u rarnaa shirkada Ganacsiga ee Barwaaqo oo xarunteedu tahey Magaalada Boosaaso.
Xafalada abaal marinta waxaa goob joog ka ahaa xubnaha ugu sar sareeya Dowlad Goboleeda Puntland, waxa sidoo kale joogey qeybaha kala duwan ee Bulshada oo sidoo kale ay ka mid ahaayeen shaqaalihii la socdey markabka oo u dhashey Dalka Suuriya.
Abaal marin dhan Hal Bilyan oo Shillin Soomaali ah ayaa la gudoonsiiyey 116 Askari oo ay ku jiraan Saraakiil, kuwaas oo ka qeyb galey howl galkii lagu soo badbaadiyey Markabka u rarnaa shirkada Barwaaqo ee Ganacsiga.
Markabka ayaa sidey 70 kun oo kiis oo shamindo ah, oo ay lahaayeen ganacsato reer boosaaso ah.
Burcadii markabka gacanta ku hayey ee sida xooga ah looga soo furtey ayaa dhamaan tood xabsiga loo taxaabey, walina maxkamad lama soo taagin si loo xukumo.
Maamulka Puntland ayaa sheegay in howl galkoodu ku eegyahey, soo furshada gaadiidka ganacsi ee u raran ganacstada Soomaaliyeed, iyaga oo ku eedeeyay dowladaha leh maraakiibta burcadu gacanta ku hayaan in ayna ogaleyn in wax howl gal ah la qaado basle ay diyaar la yihiin in ay bixiyaan lacago madax furasho ah.
Dhanka kale isla maanta ayaa Ciidamada maamulka puntland waxa ay soo furteen doon sidey shixnad ganacsi oo ku sii jeeday dekeda Magaalada berbera ee Gobolada waqooyi galbeed.
Daabaco

KUWAAN MAXAY RIWAAYAD DHIGEEN WAA MUNAAFAQIIN QABIILIISTA YAAL AH SABABTOO AH IYAGA U DIRO MARAAKIIBTA IN LA AFDUUBTO, MARKAY ARKEEN IN ADUUNKA USOO JESTAY IN UU WAX KA QABTO AYAY RABAAN IN AY QALDAAN OO AY ISKA DHIGAAN DAD AAN WAX LUG AH KU LAHAYN, WAXAA CADAYN AH IN AY KU JIRAAN OO AY QAYB KA YIHIIN TUUGADAAN ARIMAHA BURCAD BADEEDKA LABA ARIN
1- SAWIRKII AMIIN CAAMIR E XASAN ABSHIR UU LA HADLAYAY SUGULE NIN LAGU SHEEGAY OO BURCAD BADEEDKA TALIYE U AH KANA MIDAH TALIYAYAASHA CIIDANKA BADA PUNTLAND BALAAYOLAND UU LEYAHAY WAR LACAGTAAS WAY BADAN TAHAY EE 4000 SHEEGO
2- HADII AY KA MADAX BANAAN YIHIIN OO AYSAN LUG KU LAHAYN MAY SIDA MARKABKA PUNTLAND U RARNAA OO AY SOO FAKIYEEN TALAABADA AY KA QADEEN OO AY SHEEGEEN MAY KA QAADAAN DADKAN MASAKIINTA AH EE DAGAALADA, ABAARAHA & SHAQO LA AANTA KA CARARO AY BADAHA UGU GURAYAAN CID KA HADASHO MALAHAN, BALSE CULIMADOODA & CAAQILIINTOODA WAXAY SI WADA JIR AH UGA HADLEEN ITOOBIYAAN LAGU QARXIYAY BOOSAASO WALIBA GURMAD USAMEYEN GANACSATADOODA IYAGOO QUFKIIBA SIIYAY 500$ WALIBANA DUCO UGU DARAY HALKA WALAALAHA SOMALIYED AY ISLA ITOOBIYAANKA MADAAFIIC KU XASUUQAYAAN GOBOLO KALA DUWAN OO KA TIRSAN DHULKA SOMALIDA
REER BALAAYOLAND DIINTA USOO NOQDA OO ILAAH KA XISHOODA GAALO JACAYLKANA ISKA DHAAFA & WALIBA IIBINTA CULIMADA SOMALIYEED & WALALAAHA SOMALI GELBED QASATAN QABIILKA OGAADEEN
run sheg | Oct 21, 2008 | Reply