Ciidamada DKMG ah ee ku sugan Warshada Xayle Bariise, oo Maanta ku faafey qeybo ka mid ah Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir ayaa halkaa ka geystey dhac iyo boob xoogan.
Qaar ka mid ah Dadka deegaanka oo saxaafada la Hadley ayaa sheegay, in ciidamadu rarteen dhamaan wixii yaaley Suuqa Weyn ee Degmada Heliwaa, ka dib markii ay jabsadeen inta badan goobihii ganacsi ee halkaa ku yaaley.
Ciidamada ayaa suuqa wixii yaaley ku rartey Gaari Dameero ay ka afduubeen gudaha Suuqa, wixii ay u qaadi waayeena ku qaatey dhabaradooda sida ay kuwarameen qaar ka mid ah Ganacsatada Suuqa oo la hadlayey Saxaafada.
Ka hor intii ayna Suuqa soo gelin waxa ay fureen Ciidamo rasaas xoogan oo si toos ah ula beegsanayeen Dadkii Rayidka ahaa ee halkaa ku sugnaa, ka dib markii Dadku ka karareen Goobahoodi ganacsina ay rarteen.

Related posts:
Waxaan aad ugu faraxsanahay in aanna iddinka mahad noqayaa sida caddaladda ah ee aad u sheegtaan ugana hadashaan arrinta Somalia, waxanna idinku sheegayaa in aad tihiin the only source we can get trusted information.
Bals waxa aan layaabbanahay waxa aad uga jabiweeyseen haddii aad maqasheen maqaal aay sii deeysay idaacadda Universal ee ku saabsanaa tariikhdii Somalia ooy si folxumo ah u fasireen taarikhda dalka Somalia ayaga oo soo xiganaya maqaal oow qoray nin Ingriisi sida aay sheegteen ayagu ah waqtigii gumeeysiga.
Balse tan ugu foolxini waxa aay aheeyd markii uu ninka narration ka sameeynayay yiri: “Waxaa Somalia loo kala qeeybiyay 3 oo ah qeeyb Ingriis,Fransiis iyo Talyaani (Intoow ku hilmaamay 1)Somali Ethiopia iyo 2)Somali Kinya”.
Sidoo kale malintii Tigreegu ku goowracayay wadaadada Somaliyeed Masjidkii Al-Hudaa waxa aay idaacaddoda ka sii deeynayeen heeso Amxaari ah oo aay lahaayeen aan ku nasanno kuna raaxeeysanno.
Haddaba aniga oo ogsoon in annan kafileeyn in web sidyada kala sida Wagacusub in si xaq ah uga hadlaan, maxaa adinka idiin diiday in aad fiirisan arrintaa ?
Mahadsanidiin.