Suuqa Heliwaa oo Ciidamo ka tirsan DKMG ah rarteen.

Published on October 20, 2008 by   ·   1 Comment   ·   print

ciidamada-copy-ga-itoobiya.jpgCiidamada DKMG ah ee ku sugan Warshada Xayle Bariise, oo Maanta ku faafey qeybo ka mid ah Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir ayaa halkaa ka geystey dhac iyo boob xoogan.

  

Qaar ka mid ah Dadka deegaanka oo saxaafada la Hadley ayaa sheegay, in ciidamadu rarteen dhamaan wixii yaaley Suuqa Weyn ee Degmada Heliwaa, ka dib markii ay jabsadeen inta badan goobihii ganacsi ee halkaa ku yaaley.

  

Ciidamada ayaa suuqa wixii yaaley ku rartey Gaari Dameero ay ka afduubeen gudaha Suuqa, wixii ay u qaadi waayeena ku qaatey dhabaradooda sida ay kuwarameen qaar  ka mid ah Ganacsatada Suuqa oo la hadlayey Saxaafada.

  

Ka hor intii ayna Suuqa soo gelin waxa ay fureen Ciidamo rasaas xoogan oo si toos ah ula beegsanayeen Dadkii Rayidka ahaa ee halkaa ku sugnaa, ka dib markii Dadku ka karareen Goobahoodi ganacsina ay rarteen.

  Maaha markii ugu horeysay oo sidan oo kale Ciidamada DKMG ah dhac baahsan ka geystaan qeybo ka mid ah Degmada Heliwaa, waxa ayna arintan qeyb ka tahey dhibaatada baahsan ee Dadka Rayidka ah kala kulmaan Ciidamada kala duwan ee ku sugan Magaalada Muqdisho.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Ciidamo Saaka Galey Qeybo ka mid ah Deg Heliwaa
  2. Iska hor’imaad ka dhacey Degmada Heliwaa
  3. Dagaal Maanta ka Dhacay Degmada Heliwaa
  4. Nin Meyd ah oo la helay & is Rasaaseyn ka dhacdey Deg.Heliwaa
  5. Qarax bam oo ka dhacey Heliwaa

Readers Comments (1)

  1. Abdil Raxman says:

    Waxaan aad ugu faraxsanahay in aanna iddinka mahad noqayaa sida caddaladda ah ee aad u sheegtaan ugana hadashaan arrinta Somalia, waxanna idinku sheegayaa in aad tihiin the only source we can get trusted information.

    Bals waxa aan layaabbanahay waxa aad uga jabiweeyseen haddii aad maqasheen maqaal aay sii deeysay idaacadda Universal ee ku saabsanaa tariikhdii Somalia ooy si folxumo ah u fasireen taarikhda dalka Somalia ayaga oo soo xiganaya maqaal oow qoray nin Ingriisi sida aay sheegteen ayagu ah waqtigii gumeeysiga.

    Balse tan ugu foolxini waxa aay aheeyd markii uu ninka narration ka sameeynayay yiri: “Waxaa Somalia loo kala qeeybiyay 3 oo ah qeeyb Ingriis,Fransiis iyo Talyaani (Intoow ku hilmaamay 1)Somali Ethiopia iyo 2)Somali Kinya”.
    Sidoo kale malintii Tigreegu ku goowracayay wadaadada Somaliyeed Masjidkii Al-Hudaa waxa aay idaacaddoda ka sii deeynayeen heeso Amxaari ah oo aay lahaayeen aan ku nasanno kuna raaxeeysanno.
    Haddaba aniga oo ogsoon in annan kafileeyn in web sidyada kala sida Wagacusub in si xaq ah uga hadlaan, maxaa adinka idiin diiday in aad fiirisan arrintaa ?
    Mahadsanidiin.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Ciidamo Saaka Galey Qeybo ka mid ah Deg Heliwaa
  2. Iska hor’imaad ka dhacey Degmada Heliwaa
  3. Dagaal Maanta ka Dhacay Degmada Heliwaa
  4. Nin Meyd ah oo la helay & is Rasaaseyn ka dhacdey Deg.Heliwaa
  5. Qarax bam oo ka dhacey Heliwaa

Latest Headlines