Fuuq-baxa Suuqyada Maaliyadeed ee Mareykanka(Q.1aad)

Published on October 20, 2008 by   ·   5 Comments   ·   print

wall-street.jpgWaxa Caalamka dhabanaaniyey dhowrkii todobaad ee ina dhaafay dhibaatada Suuqyada Maaliga ah ee jaahwareerku ku dhacay kadib markay ku habsatey dhibaato lagu macneeyey in ay ka kacday Suuqayada guryaha ee Dalka Mareykan.

 

 

 duufaan-dhaqaale.JPG 

Hadaba akhristow maxaad ka taqaanaa.

 

1)     Suuqada Maaliga ah ee dhibtani ku habsatey?.

 

2)     Taariikhda Suuqayada Maaliga ah.

 

3)     Gunta mushkiladan Dhaqaale ee holaceedii leefay hay’ado waaweyn oo sal-dhig u ahaa Dhaqalaha Aduunka?.

  

Waxa aan isku dayi doonaa qoraalkan inaan si kooban oo la wada fahmi karo u iftiimiyo mushkiladan iyo sababa keenay anigoo ku bilaabaya bal inaan jawaab kooban ka bixiyo Su’aalahan kor ku xusan.

  

Waa maxay Suuqyada maaliga ahi (Financial Markets).

  

Hadaynu ku horeyna jawaabta su’aasha koowaad, suuqyada maaliga ahi waa suuqyo cusub oo leh dabeecad iyo nidaam u gaar ah oo ay kaga gedisan yihiin suuqayada caadiga ah.

 

Suuqyada maaliga ahi waa suuqyo habeysan oo leh gole maamul oo ku dhaqma hab maamul iyo sharciyo gaar ah oo loogu talo galay, waxaana lagu kala iibsadaa Waraaqaha maaliyadda, sida saamiyada & Rasiidhada sharikadaha (Bonds), iyo weliba Rasiidhada dawladda (Bonds) ee lagu kala iibsan karo Suuqyada maaliga ah sida Jeegaga, Waraaqaha Dawlada (Government instruments) iyo Shahaadooyinka Khasnadaha (Treasury Bills).

 

Suuqyada Maaliga ah iyo suuqyada caadiga ah ee aynu wada naqaanaa waxay ku kala duwan yihiin arimo farabadan oo ay ugu muhiimsanyihiin.

 

1-     suuqyada caadiga ah waxa lagu iibiya wax kasta oo la kala iibsado laakiin suuqyada maaliga ah waxa lagu kala iibsadaa waxyaalo gaar ah oo shuruudo gaar ah leh oo keliya.

 

2-     suuqyada caadiga ah – badanaaba- wax ku kulma cida wax iibsaneysa cida iibineysa iyo waxa la iibinayo, laakiin suuqyada maaliga ah alaabta la iibinayaa ma taalo suuqa wax lagu kala iibanayo, labada wax kala iibsanayaana inay wada joogaan shardi maaha.

 

3-     Inta badan suuqyada caadiga ah markaaba waa lala kala wareegaa waxa la kala iibsaday, laakiin suuqyada maaliga ah waxba lalama kala wareego ee heshiiska uunbaa ka dhaca, lacagta iyo alaabta la iibiyeyna wakhti danbe ayaa lala kala wareegaa.

 

4-     Suuqyada maaliga ah waxa jooga ganacsato & dilaalin (financial intermediaries) badan oo qolo waliba wax gaar ah ku shaqo leedahay oo aan isu gudbin, halka suuqa caadiga ah aanay joogin dilaaliin badan oo sidaas oo kale u kala miir-soocani.

 

5-      Suuqyada maaliga ah waxa ka dhaca kumanaan heshiis oo wax kala iibsi ah oo isla markiiba saameyn ku yeesha suuqa caadiga ah ee caalamka.

  

Suuqyada maaliga ahi waxa ay ka kooban yihiin sadex nooc oo kala ah:-

  

a)     Suuqa Lacagaha, kaasoo ku qotoma bangiyada iyo sharikadaha sarifka.

 

b)     Suuqa Raasamaalka, kaasoo ay ku jiraan Sharikadaha Ceymiska iyo Baananka Maalgelintu.

 

c)     Suuqa lagu kala iibsado Waraaqaha Maaliga ah, sida rasiidhada iyo saamiyada ay soo saaraan sharikaadka, baananka iyo dawladuhu.

  

Taariikhda Suuqyada Maaliga ah.

  

Suuqyada maaliga ahi waxa ay soo mareen heerar kala gedisan oo ay ku soo gaadheen noocan ay maanta u yaalaan, suuqii ugu horeeyey ee lagu kala iibsado saamiyada sharikadaha waxa ay dhaqaalayahanadu ku tilmaamaan inuu ka hirgalay Dalka Faransiiska sanadku markuu ahaa 1724-kii, halka sanadkii 1821 kiina uu ka hirgalay suuqa maanta ugu weyn aduunka ee lagu kala iibsado waraaqaha maaliga ah ee magaalada New York ee dalka Mareykanka gaar ahaan suuqa world street, qarnigii sagaal iyo tobnaad bilowgiisii ayey sidoo suuqyadani ka bilaabmeen cariga Ingiriiska, gaar ahaan dhismihii lagu magacaabi jirey (Royal Exchange), ka dib waxay suuqyadani si aad ah u fideen qarnigii labaataan ee ina dhaafey, guud ahaana waxa ay ka hir geleen wadamada horumarey iyo wadamo badan oo ka mid ah dunida sadexaad.

      

Dhibaatada Suuqyada Maaliyadeed iyo Asbaabta ka danbeysa.

  

    Laga soo bilaabo dhamaadkii bishii sideedaad ee sanadkan 2008 waxa si weyn u soo shaac baxayey baaxda dhibaatada Suuqyada Maaliyadeed ee Mareykanka ku habsatey, taasoo isla markiiba saameyn weyn ku yeelatay caalamka oo dhan, dadka dhacdooyinka faaleeya ayaa si weyn ugu kala duwan fasiraadda dhacdooyinkan gilgilay caalamka, mustaqbalkii malaayiin qofna geliyey mugdi, kuwaasoo si isa soo tareysay saameyn weyn ku yeeshay caafimaadka maskaxeed ee boqolaalkun oo qof oo ku nool daafaha dunida gaar ahaan Mareykan iyo Yurub, sababeyna in gebi ahaanba dib u eegid lagu sameeyo habka maamul iyo aragtiyaha maaliyadeed ee ay ku dhisan yihiin Suuqyada waaweyn ee maaliyadu, iyo weliba nidaamka dhaqaale ee reer Galbeed (Capitalist System) .

  

Dadka wax faaleeya ayaa qaba aragtiyo dhowr ah oo ku aadan arintan loo dhigay inay tahay mushlid caalami ah oo dal kasta iyo bulsho kasta si gaar ah u saameyn doonta, aragtiyahaas oo aynu ku soo ururin karo dhawr aragtiyood, waxay taabanayaan sababaha dhabta ah iyo xaqiiqada ka danbeysa dhacdooyinkan:-

  

A)   Dadka qaar waxa ay u arkaan inay tahay mushkilad dhaqaale oo ay keensatay maamul xumo iyo qawaaniin guracan oo lagu maamuley Suuqyada Maaliyadeed ee Mareykanka, taasoo ay jileen dhamaan Mu’asasaadka Maaliyadeed iyo maalgelineed ee kala ah.

1-     Shirkadaha haftada ku iibiya guryaha.

 

2-     Bangiyada Maalgelineed.

 

3-     Hay’dda Maamusha Suuqa Lacagaha.

 

4-     Baanka Dhexe.

 

5-     Shirkadaha Caymiska &

 

6-     Dadweynaha Mareykanka degan.

  

B)    Halka Dadka qaarna ay u arkaan arin siyaasadeed oo ajendayaal gaar ah la rabo in lagu gaadho, iyagoo tilmaameyn in arintani ay tahay Mu’aamaro loo maleegay sidii hoos loogu dhimi lahaa qiimaha Batroolka ee sida xad dhaafka ah kor ugu socda.

 

C)   Iyadoo ay jirto aragti kale oo odhanaysa arintu waa Mu’aamaro siyaasadeed oo dhagareysan, taasoo loola danleeyahay in lagu gaadho dano gaar ah.

  

Hadaba anigoo isku deyaya inaan ku koobnaado aragtida koowaad oo ah aragti ku qotonta xaqiiqada muuqata ee dhaqaale, ee arintani ka kacday iyadoo aan laysku dhibin dariiqa loo marey iyo ajendayaasha qarsoon ee ka danbeeya, ayaan si kooban u tilmaami doonaa:-

  

1-     Gunta mushkiladan dhaqaale ee holaceedii leefay hay’ado waaweyn oo sal-dhig u ahaa dhaqalaha aduunka.

 

2-     Dhinacyada saameynta ku leh, iyo

 

3-     Raadka ay ku yeelan karto hanaanka dhaqaale ee Aduunka.

  

Bal aynu wada akhrino qisadan ku saabsan suuqyada guryaha ee uumi-baxa (evaporation) Dhaqaalaha Mareykanku ka kacay iyo Rooble oo ah wiil Soomaaliyeed oo ku nool Dalkaas dhinacna ka ah dhacdadan.

  

Rooble waa wiil Soomaaliyeed oo ka mas’uul ah qoys ka kooban xaaskiisa ilmo yar oo labo sano jir ah, waxana uu deganyahay Gobolka Texas ee Dalka Mareykanka, waxa uu ku jiraa guri kiro ah oo uu ka bixiyo bil kasta lacag dhan $1,000 oo Dollar, kuma laha Dalka Mareykanka hanti ma guuraan ah, xataa ma wato gaadhi fiican oo qiimo wanaagsan leh, awoodiisa dhaqaalena kama badna noloshiisa isaga iyo masaariifta yar ee uu u diro hooyadii, aabihii iyo walaaladii oo ku nool magaalada Diredawa ee dalka Ethiopia, Rooble waxa uu maalin maalmaha ka mid ah la kulmey nin la yidhaahdo Guuleed oo ay isku degmo degan yihiin, markii waxoogaa la sheekeystay Guuleed waxa uu Rooble u sheegay inuu guri iibsadey, Rooble markuu si qoto dheer u wareystey Guuleed waxa uu ogaaday in mushaharka Guuleed qaataa aanu ka badneyn inta Rooble soo gasha!!! Culeyska  Maaliyadeed ee saaranina uuba ka weyn yahay kan isaga saaran!!!!, waxa uu si amakaak ku jiro u weydiiyey Guuleed sida ay ugu suuro gashay inuu guri iibsado, Guuleed waxa uu ugu jawaabay: ‘taasi uma baahna fekerbadan iyo inaad la yaabto midna, waxaanan kuu sheegayaa wadada aan marey oo adba aad mari karto’, Rooble oo dareenkiisu aad u kacsan yahay farxad iyo naxdin isku dheehanina ka muuqato ayaa ka codsadey Guuleed inuu arintaa ka caawiyo.

  

Guuleed waxa uu u sheegay Rooble inay jirto shirkadda guryaha iibisa oo la yidhaahdo ‘Farxad ku Seexo’, taasoo shuruudaheedu fudud yihiin oo aan ka dooneyn inuu mushahar badan qaato, kaba sii fiicane aan ka rabin inuu rahan dhigo shirkadda,!!!!!  Waxaanu u sheegay shirkadda inay ka shaqeyso gabadh la yidhaahdo Aasiya oo u qaabilsan qeybta suuqeynta, waxaanu siiyey Telephoonka shirkadda iyo Extension-ka Aasiya, isagoo u sheegay in uu berito oo Isniin ah la hadlo, maadaama aanay Maanta shaqeynayn.

  

Rooble isagoo farxadi wejigiisa dabooshay ayuu macasalaameeyey Guuleed, si degdeg ahna u aaday gurigiisii sii uu farxadiisa ugu cabiro xaaskiisa una sheego iney soo dhowaatey dhabowgii riyadooda ee ahayd in ay maalin uun guri ay iyagu leeyihiin ka soo toosaan.

  Habeenkaas Rooble hurdo fiican ma seexan habeenkuna aad buu ugu dheeraa, gama’ la’aantuse dhib kuma hayn ee wax dhib ku hayey dheeraanta habeenka, waxaanu degdegsanahay waaga, ducadiisuna waxay ahayd ‘Ilaahow aanu waaga waraabe cunin’. Rooble maalintaas hawshii ugu horeysay ee uu qabtay waxay ahayd inuu Telfoon u direy Shirkadii ‘Farxad ku Seexo’ oo uu la hadlay Aasiya, una sheegay dantiisa, iyadoo aad u soo dhaweysay uguna qalbi dejisay inay shirkadani u taagan tahay caawinta iyo taakulaynta Dadka dakhligoogu hooseeyo ee isagoo kale ah, si gaar ahna loo xanaaneyn doono iyadoo ka dalbatey inay xafiiskeeda soo booqdaan isla maantaba isaga iyo xaaskiisu. 

Rooble maalintaas shaqadiisa waxa uu u gutey si firfircooni iyo farxad badani ku jirto, isagoo isla markii uu shaqada ka baxayna si toosa u aaday goobta loogu tilmaamey inay xarunta shirkadda Farxad ku Seexo ku taalo, oo xaaskiisana kula balamey albaabka shirkadda oo aan aad uga fogeyn goobta ay ka shaqeyso.

  

Rooble Markey tageen isaga iyo xaaskiisu xarunta shirkadda Farxad ku Seexo ee guryaha ku iibisa haftada si fiican baa loo soo dhoweeyey, isla markiibana waxa loo geeyey Aasiya oo si diiran u soo dhoweysay, Su’aalo iyo Jawaabo dhowr ah ka dib Rooble waxa loo sheegay in laga iibinayo guri qiimihiisu yahay 150,000 (boqol iyo konton kun) kana kooban laba qol oo hurdo ah, fadhi madbakh iyo musqul, iyadoo loo tilmaamay xaafada uu ku yaalo sawirkiisana la tusay, wax loo sheegay in dulsaar aad u hooseeya (Interest) la saari doono iyadoo la tixgelinayo xaaladiisa Dhaqaale ee hoosaysa.

  

Nasiib wanaag haftada laga rabo inuu bixiyo Bishiiba waa intii uu kirada u bixin jirey.

  

Rooble markii la dhameeyey hanaankii wax kala gadhashada waxa maalmo ka dib gacanta loo geliyey furihii guriga, sidaasaanu ugu wareegay oo ka soo toosay markii ugu horeysay cumrigiisa guri uu isagu leeyahay.

  

Rooble dhowr bilood ayuu haftadii guriga bixinayey isagoo maalintuu bixiyoba xaaskiisa u sheegayey maantana gurigii qeyb baynu la wareegnay, isagoo isku qanciyey in markuu $1000 bixiyo uu guriga qeyb ka mid ah yeelano, halkuu markii hore bixin jirey kiro jeeb nin kale ku dhacaysa oo aanay wax dan ah oo kale isaga ugu jirin.

  

Waxase miskiinku mooganaa inaanu sharcigu ilaalin war-mooganayaasha, heshiiska uu galay ee koobiga laga siiyeyna uu ahaa mid dhagareysan.!!!!!

  

Waxa heshiiska xagiisa hoose ku qoran qodob far aad u yaryar ku qoran oo odhanaya: ‘lacagta dulsaarka ah ee aad bixinayso ee boqoleyda ahi waa mid ku xidhan hadba sicirka uu baanka dhexe jaro’ taasoo macnaheedu yahay hadii uu bisha danbe baanka dhexe kordhiyo sicirka faa’iidada in ay adigana kugu kordhayso haftada bilaha ah ee lagaa rabaa.

  

Waxa kale oo jira qodob odhanaya hadaad lacagta ku bixin waydo wakhtiga lagu heshiiyey waxa ku fuulaya ganaax boqoleya ah. Sidoo kale waxa jira qodob odhanaya sadexda sanadood ee ugu horeeya lacagta aad bixisoo dhami waa faa’iido shirkadu qaadanayso qiimaha gurigana laga dhimi mayo!!!! Iyo qodobo kale oo aan kuwaas arxan dhaamin.

  

Hadaba Rooble maxaa ku dhacay ka dib afar bilood oo uu farxad iyo rayn-rayn ku seexday gurigii dhalanteedka ahaa ee ay shirkadda Farxad ku Seexo ku martida qaadey?!!!.

  

        Lasoco dhamaadka sheekada Rooble, iyo dhinacyada saameynta ku leh dhacdooyinkan, sida suuqa guryaha, bangiyada maalgelinta & sharikadaha ceymiska.

  Hanaanka Suuqyada maaLiyadeed ee Islaamiga ah

Dhaqaalaha & bangiyada islaamka

  

Waxa diyaariyey:

  

Abdulqani Hussein MohamedAlbadr.

 

PhD (Candidate) In Islamic Financial Engineering.

  

Bedercenter@Gmail.Com

 Www.Bedercenter.Net    

Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan



WordPress Plugin Share Bookmark Email



No related posts.

Readers Comments (5)

  1. cabdulaahi says:

    thanks prof. aad ayan u soowaydhaynaa webka ina ay dhanka dhaqalaaha dadka caadiga ah ay wax badan ka fahansaiiyaan halkii markii hore ay dhanka siysada bas xooga saaraayeen waxaa loo aahanyahy in dhanacyada kala dauwan ee dadku ubahanykhin wax loo gasheego ayadoo lala kaalmaysanaayo dadka aqoonta uleh majaalkaasi….

  2. kakakaka says:

    thanks prof. beder sido kale waxaan haboon in aad cilmiggaada inaad dadka uga faa,idaysaaaaaa sida kan aad u wanaagsan oo kale insalah

  3. Macalinka Ummadda says:

    ass/c

    Anigu kuma takhasusin dhaqaalaha .. Professor-ka oo kalena lama cadacadaysan karo!! Laakiin, inta aan dhaqaalaha ka aqaan..haddan khaasatan qofka somaaliga ah ee caadiga ah (average person) aan si fudud ugu micneeyo dhibaatada dhaqaale (Market Mayhem), waxaad ku fahmi kartaa akhristow iyadoo fudud (with sense and simplicity) sidatan :
    Haddaad bangiga kala baxdo lacag ka badan taad dhigatay (over-drawn), waad kacaysaa..
    Haddiise aad bangiga kala baxdo lacag ka yar taad dhigatay (underdeposited).. waad ka badbaadaysa dhibaato dhaqaale.

    Haadaa wassalaam.

  4. waxaa fuuq baxayaa waa dhamaanhanaanka maaliyadeed ee ku dhisan ribada taasi oo ilahay balan ku qaaday inuu ladaagalamaayo

  5. [...] Fuuq-baxa suuqyada maaliyadeed ee mareykanka (q.1aad). [...]




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

No related posts.

Latest Headlines