Dagaal ka dhacay Degmada Heliwaa
Published on October 20, 2008 by Somalimirror · No Comments ·
Abaare 05:30 xilliga Muqdisho ayaa madaafiic iyo dagaal xoogani waxay ka qarxeen Warshaddii hore ee Baastada iyo Xayle Bariise oo xarun u ah ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo ciidamada Copy-ga loo yaqano oo aalaaba ku milan Itoobiyaanka.
Dagaalka ayaa waxaa uu markii hore ku bilawday Madaafiic nooca hoobiyaha loo yaqaano oo lala eegtay Xarumaha ay degan yihiin Ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo xulufadooda ee W.Baastada iyo X.Bariise waxaana duqaynta xigsaday Dagaal fool ka fool ah oo soconayay muddo saacad ku dhawaad ah.
Sido uu warbaahinta u sheegay Afhayeenka MMI dhinaca Hawlgallada Sh.C/raxiin Ciise Cadaw dagaalka ayaa waxaa uu ahaa mid kharaar waxayna ciidamadoodu madaafiic ilaa 7 gaaraysa la beegsadeen W/Baastada.
“ waxaan madaafiic 7 ah ku duqaynay Xarumaha Cadawga dabadeedna Dagaal ayaan ku qaadnay, khasaare ayaana gaarsiinay cadawga ayada oo aysan Mujaahidiinta soo gaarin wax khasaare ah” ayuu yiri Cadaw oo u waramayay War fidiyeenka.
Dagaalkan galabta ka dhacay Xarumaha Degmada Heliwaa ay uga sugan yihiin Ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa waxaa uu noqonayaa kii labaad xilli maanta gelinkii hore weerar lagu qaaday Ciidamada Copy-ga oo dhac ka gaystay Suuqa Degmada Heliwaa.
Dadka ku ganacsada Suuqa Heliwaa ayaa waxay saxaafadda u sheegeen in Ciidamada copy-gu ay bililiqaysteen gabi ahaan suuqa Heliwaa ayna jabsadeen mehertedihii halkaas ku yaalay.
Ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo kuwa Copy-ga ee ku wada sugan Warshaddii Hore ee Baastada iyo Xayle Bariise ayaa waxay dhibaatooyin joogta ah ku hayaan dadka ku dhaqan Degmada Heliwaa oo ay ka gaystaan dil, Dhac kufsi iyo falal kale oo ka baxsan bani aadam nimada.
Related posts:
- Dagaal Maanta ka Dhacay Degmada Heliwaa
- Dagaal ka Dhacay Heliwaa
- Dagaal ka Dhacay Heliwaa
- Dagaal culus oo caawa ka dhacay deg. Yaaqshiid & Heliwaa
- Dagaal Gor Dhow Ka Bilowdey Degmada Heliwaa