Warbixin: Bixitaanka Itoobiya, Fashilka DKMG ah, & Rabitaanka Beesha Caalamka

cali-geedi-iyo-claahi-yuusuf.jpgshabakadda Somalimirror Waxay idiin soo bandhigaysaa warbixin ku saabsan isbadaladii u danbeeyay ee ku soo kordhay xaaladda Soomaaliya iyo waxyaabaha la filayo in ay soo kordhaan xilliyada inagu soo aadan waxaanan macluumaadka ka soo kala aruuninay ilo kala duwan oo isugu jira Warbaahinta Caalamka iyo dad u dhuun duleela Siyaasadda Soomaaliya waxaana warbixintu si qoto dheer u falanqayn doontaa Bixitaanka ciidamada gumaysiga itoobiya, fashilka DKMG ah iyo rabitaanka waxa loo yaqaano beesha caalamka. warbixintiina waatan:-

Bidhaamaha jabka & bixitaanka Itoobiya

Waxaa baryihii danbe isa soo tarayay qaylo ka soo yeeraysa Madaxda sare Dalka Itoobiya taas oo ku wajahnayd Q.M, M.Afrika, Ururrada kale ee Caalamiga ah iyo Madaxda Dawladda KMG ah ee taagta daran, waxaana nuxurka qayladaasu ahayd in uu soo gaba gaboobay dulqaadkii ay Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ugu sii nagaan lahaayeen Soomaaliya.

Meles Zenawi ayaa si weyn u dhaliilay dawrka kooban ee ay Beesha caalamku ka qaadanayso arrimaha Soomaaliya wuxuuna ka digay khatarta ka dhalan karta Soomaaliya haddii faraha laga laabto isla markaana aan lala soo gaarin Ciidamo ka socda Q.M.

Maalintii khamiista ee Taariikhdu ku aadanayd 16/10/08 ayuu Zenawi baarlamaanka Dalkiisa oo cabasho ka soo gudbiyay Joogitaanka ciidamadooda ee Soomaaliya waxaa uu u sheegay in go’aanka soo bixitaanka ciidamadoodu uu ku jiro gacantooda ayna ka soo bixi karaan xilligii ay doonaan wuxuuna intaa raaciyay in aysan ciidamdoodu ku sii daahi doonin Soomaaliya haddii aan xaalka wax iska badalin.

“ Ciidamadeena waan ka soo saaraynaa Soomaaliya lakin cadaalad maaha in aan dayacno M.Afrika iyo Beesha Caalamka kuwaas oo hawsha nagala wareegaya, marka waa in aan sugnaa ugu yaraan inta laga soo dhamays tirayo Ciidamada M.Afrika” ayuu barlamaanka dalkiisa ka hor yiri Meles Zenawi wuxuuna intaa raaciyay “ beesha caalamka waan u sharaxnay in hogaanka soomaalidu aysan diyaar u ahayn in ay qaataan Mas’uuliyadooda ku aadan Nabadda iyo Dib u heshiisiinta”.

“Haddii hogaanka Siyaasadda Soomaalidu ay muujiyaan inay diyaar u yihimiin Qaadashada Mas’uuliyadooda markaas ciidamadeenu way sii joogi karaan waqti dheeraad ah” ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Meles Zenawi.

Wasiirka arrimaha Dibadda ee Itoobiya Seyoum Mesfin ayaa dhankiisa todobaadkii la soo dhaafay waxaa uu shaaca ka qaaday sida ay dawladiisu ugu jahwareersan taahay cidlada iyo garab la’aanta ku haysata Dagaalka Soomaaliya ee ay kula jiraan Xoogagga Islaamiyiinta.

Warkan ayuu Seyoum Mesfin ka hor aqriyay kulankii Q.M ee ka dhacay Magaalada New York wuxuuna beesha caalamka ka codsaday in ay ciidamo nabad ilaalin ah la gaaraan Soomaaliya iyo in la xoojiyo Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

Afhayeeka wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Wahide Belay ayaa waxaa uu yiri “ciidamada Itoobiya waxaa loo diray in ay noqdaan raca hore oo qura, dabadeedna ay si degdeg ah u soo laabtaan kadib marka ay ujeedooyinkooda xaqiijiyaan taasoo ahayd in ay xogagga islaamiyiinta ka saaraan Muqdisho. Waxaa naloo balan qaaday ciidamo Q.M iyo AMISOM in ay na badali doonaan ka gadaal markaan gaarno ahdaafta muhimka ah, taasina ma dhicin marka laga reebo xayn ciidamo ah oo ka socda M.Afrika. Itoobiya wali waxay sugaysaa Q.M in ay Ciidamo u soo dirto Soomaaliya ama in ay gacan siiso AMISOM si ay u gaaraan ujeedooyinkooda”.

Dhamaan xisbiyada mucaaradka ee dalka Itoobiya ayaa si weyn uga soo horjeestay joogitaanka ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya waxayna bilaabeen cabashooyin ay ka samaynayaan go’aanka ay ciidamadoodu ku joogaan Soomaaliya.

Shir ay dhawaan isugu yimaadeen xisbiyada mucaaradka ah ee ku jira Baarlamaanka Itoobiya ayay waraaq ugu direen Meles Zinawi taas oo ay ku shegayaan in huritaanka Naf iyo Maalka ah ee ay Itoobiya samaynayso ay noqdeen wax aan loo adkaysan Karin.

Lidetu Ayalew oo gudoomiya u ah urur ay ku midoobeen axsaabta mucaaradka ah ee itoobiya ayaa yiri “ kudhawaad 2 sano oo aan ilaalada iyo daba kariixidda ku wadnay Dawladda Taagta daran ee soomaaliya, waxaa hadda la joogaa xilligii ay ciidamadeenu dib ugu soo laaban lahaayeen dalkooda hooyo, lagana dalban lahaa Hay’adaha Caalamiga ah ee Q.M iyo M.Afrika ay buuxin lahaayeen mas’uuliyadooda”.

“Waxaan huraynaa wax badan. Meeshana waan ku tacab beelnay, waxaan meesha ku waayaynaa in badan oo askarteena ka mid ah, markaad aragtid Warbaahinta caalamka Sumcadeenu kharat ayay ku jirtaa, waxaan noo furan oo kaliya hal fursad waana in aan soo gabagabaynaa joogitaankeena Soomaaliya. Waxaan aaminsanahay in Q.M iyo M.Afrika ay ciyaari doonaan doorkooda, lakin hadda waxaa meesha ku dhiban waa Itoobiya oo kaliya” ayii yiri Lidetu Ayalew.

itoobiyan-1.jpg

itoobiyan-2-copy.jpg

Hogaamiye kale oo ka tirsan axsaabta mucaaradka ee baarlamaanka ku jira oo lagu magacaabo Beyene Petros ayaa yiri “ waxaan isku daynay in dawladda u bandhigno kaambiyaalaha aan galnay 21-kii bilood ee ololaha Soomaaliya, marka laga eego dhinacyada khasaarooyinka nafeed iyo maal ee ina soo gaaray”.

“ Dawladdu waxay si mas’uuliyad darro ah u diiday in ay xisaabta ku darsato labadaas halisood ee ka dhashay gelitaanka ciidamda Itoobiya ee dalka Soomaaliya” wuxuuna intaa ku daray Beyene Petros “Baarlamaanka dalwalba wuxuu xaq u leeyahay in uu ogaado waxa mood iyo nool ka dhalanaya ku luglahaanshaha hawlgal noocan oo kale ah, lakin taas anaga waa nalaga indha saabay”.

Labadii sanadood ee aan ka soo gudubnay ciidamada Itoobiya waxay ku sugnaayeen Soomaaliya waxayna qayb ka noqdeen mushkiladda halkii ay xal keeni lahaayeen ayaga oo ku kacayay falal taageero u abuuraya Xoogagga Islaamiyiinta waxayna sii bulaaliyeen fikirkii Itoobiya nacaybka ahaa ee ay soomaalidu markii horeba qabtay.

Bulcha Demeksa oo ah ruug cadaa siyaasadeed oo siweyn looga yaqaano Itoobiya kana mid ah xubnaha mucaaradka ugu jira baarlamaanka ayaa yiri “ kala duwanaanshaha weyn ee xagga dhaqanka, Diinta, iyo Siyaasadda ee soojireenka ah ayaa waxay mustaxiil ka dhigeen in dadka Soomaaliyeed laga dhaadiciyo in Itoobiya ay doonayso in ay caawiso”. Bulcha Demeksa oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yiri “ ma jiro qof Soomaali ah oo aaminsan in Itoobiya ay gacal u tahay. Dhamaantood waxay Itoobiya ka aaminsan yihiin cadaw si xoog ah ugu duulay dalkooda, wayna la dagaali doonaan Itoobiya inta ay baaqi yihiin. Waxay si kama danbays ah u go’aansadeen in ay nala dagaalamaan, haddana way dagaalamayaan, aragtidaydana ayaga ayay guushu raaci doontaa”.

itoobiyan-3-copy.jpg

itoobiya-4.jpg

Hogaamiye yaasha mucaaradka Itoobiya ayaa waxay xilliyadii danbe wadeen olole ay ku doonayaan in ay dawladooda ku dirqiyaan sidii ay ciidamadeeda ugala soo bixi lahayd dalka soomaaliya balse waxaa taas caqabad ku ah beesha caalamka oo Itoobiya ku haysa dalka Soomaaliya kana digaysa khatarta ka imaankarta haddii ay Itoobiyaanku ka huleelaan Soomaaliya iyo saamaynta ay ku yeelanayso heshiiska lagu gaaray jabuuti ee dhex martay DKMG ah iyo Isbahaysiga Dib u Xoraynta garabka Jabuuti heshiis kaas oo loo arko fursadda kali ah ee lagu badbaadin karo DKMG ah iyo Mashruuca caalamku kaleeyahay Soomaaliya.

Madaxda axzaabta mucaaradka Itoobiya oo uu kamidka yahay ninka lagu magacaabo Temesgen Zewde oo hogaamiya xisbiga dimoquraadiyadda iyo sinaanta ayaa waxaa uu yiri “ Nabadda ku meelgaarka ah waa dhaan dabangaale (saraab)” wuxuuna ku dooday in ay lagama maarmaan tahay in ciidamda itoobiya laga soocaymiyo Soomaaliya maadaama aysan Q.M diyaarba u ahayn in ay ciidamo u dirto dalkaas wuxuuna xaaladda Soomaaliya ku tilmaamay mid aan marna guul ku soo idlaanayn.

“Waxaan leeyahay gacmaha kalaabo arrintan aan faa’iidada lahayn si dhaqso ahna ciidamda uga soo saar soomaaliya, beesha caalamku uma soo jeedo in ay xaaladda Soomaaliya faraha lasoo galaan haddii ay jirtana waxay arrintaan ku dhaqaaqi lahaayeen 3-dii sano ee lasoo dhaafay, dadka oo idil waxay aaminsan yihiin in aan faa’iido ku qabno meesha waxaana goobta ku rafaadsan ciidamadii, waxaan filaynaa ma daahi doonto Ra’iisul wasaaruhuna wuxuu kafakarayaa qaabkii uu ciidamada uga soo bixin lahaa Soomaaliya, aniga fikradaydana waa in uu arrintaas ugu dhaqaaqaa sida ugu dhaqsaha badan, ayada oo aan la dhawrin tilaabada beesha caalamka” ayuu yiri Temesgen.

Haddii la’isku soo xooriyo hadallada ka soo baxaya Madaxda Itoobiya oo ay ku garawsanayaan dhibaatooyinka naf iyo maalba leh ee sida joogtad ah uga soo gaaraya Soomaaliya waxay astaan u yihiin in uu sii idlaanayo sabarka iyo adkaysiga Itoobiya ee dharbaaxooyinka kaga imaanaya Xoogagga Muqaawamada, balse taas mecnaheedu maaha in Itoobiya ay si fudud uga huleelayso ciida Soomaaliya maxaa yeelay waxay aaminsan yihiin in joogitaankooda Muqdisho uu difaac iyo ilaaloba u yahay caasimadooda Addis Ababa sidaas daraadeed qorshaha bixitaanka Ciidamada Itoobiya wuxuu ku xiran yahay marka ay Xaqiiqsadaan 3 arrimood midkood ama ay tabartoodu u runsheegto:

1. Waxa ugu weyn ee ay Itoobiyaanku goobayaan waa in Soomaaliya laga dhidbo dawlad waday u ah Itoobiya taas oo suulisa dhamaan astaamaha nacaybka iyo colaadda ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya kana tanaasusha dhulka ay Soomaaliyeed galbeed ee ay haysato Itoobiya isla markaana ilaalisa maslaxadda iyo danaha Itoobiya.

2. In la helo Ciidamo farabadan oo ka socda Q.M ama M.Afrika oo badala kuwa Itoobiya isla markaana meesha ka sii wada xaqiijinta ahdaafta ay ka wada leeyihiin dalalka isgaashaan buursaday ee Maraykanku odayga u yahay.

3. Haddii intaas la waayo Itoobiya iyo xulufadeedu waxay isku hawlayaan sidii Soomaaliya loo qayb qaybin lahaa loogana dhigi lahaa dawlad goboleedyo qaab qabiil ku dhisan isla markaana aan lahay wax awood ah, dhamaantoodna si dhaga nuglaan ah u qaata awaamirta Addis Ababa una kala xusul duuba raali gelinteeda, waxaana la odorosayaa in Maamul beeleed yadaas ay noqdaan ilaa 5 kala ah labada hadda dhisan ( Somaliland iyo Puntland) iyo inta soo hartay oo 3 maamul beeleed laga yagleelo kuwaas oo kala noqon doona, goboladda ( Banaadir, Shabeelooyinka, Hiiraan, iyo Galguduud) oo hal maamul beeleed loo sameeyo, ( Jubooyinka iyo Gedo) oo mid kaa la cayn ah laga dhiso, iyo Gobolada (Bay, iyo Bakool) oo ayana maamul kuwa hore la jaad ah laga hirgeliyo “Qaybi oo Xukun”. Waxaana warar xog ogaal ah ay tibaaxayaan in xilliyada inagu soo aadan ay maamul goboleedka Puntland shaacin doonaan gooni istaagooda gaar ahaan marka xilka laga qaado C/laahi Yuusuf.

4. Khiyaarka kaliya ee soo haraa waa in Itoobiyaanka iyo xulufadooda ay tabari u runsheegtaa oo xarig xarig u qaban waayaa ayna Soomaaliya ka baxdaa ayada oo jab iyo hoog qabsaday taasina waxay ku imaan kartaa in dhamaan ummadda Soomaaliyeed ay midoobaan gaar ahaan Xoogagga Islaamiyiinta ayna kulmiyaan Muruqooda, Maankooda iyo Maalkooda lana yimaadaan Istiraatiijiyad cad oo lagu saarayo gumaysiga is gaashanbuursaday iyo dejinta qaab maamuleedka lagu maraynayo marxaladda ka danbaysa Guusha.

Fashilka DKMG ah & Rabitaanka Beesha Caalamka

Dhamaan Q.M, M.Yurub, Dawladda Maraykanka, Contact Group, M.Afrika Urur goboleedka IGAD, Itoobiya iyo DKMG ah lafteeda ayaa waxay isku raceen in gabi ahaanba ay fashilantay DKMG ah isla markaana aan looga fadhiyin in ay wax horumar ah ku soo kordhiso xaaladda Soomaaliya waxayna Ururradaas iyo Dawladahaas isku waafaqeen in fursadda kaliya ee lagu badbaadin karo ujeedooyinka ay ka leeyihiin Soomaaliya ay tahay in la’isku milo DKMG ah iyo Isbahaysiga Dib u xoraynta garabka uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Meles Zenawi oo ah saaxiibka ay ugu kalsoonida badan tahay DKMG ah ayaa waxaa uu dhaleecayn dusha uga tuuray Madaxda ugu saraysa Dawladda Gacan ku rimiska ah ee uu madaxweynaha u yahay C/laahi Yuusuf wuxuuna ku dhaliilay in ay Mas’uuliyadoodii gabeen ayna ku mashquulsan yihiin dano shaqsi ah.

Zenawi ayaa si gaar ah waxaa uu C/laahi Yuusuf ugu eedeeyay in uu Ragaad ku noqday hirgelinta Mashaariicda dib u heshiisiinta iyo tayaynta DKMG wuxuuna ku hanjabay in ciidamadiisu aysan u qoob xirnaan doonin fulinta dano hoose oo ay leeyihiin dad gaar ah.

Hadalka ka soo yeeray Meles Zenawi oo afka uu ku balaariyay in dawladda KMG ah ay curyaamiyeen madaxdeeda sare ayaa waxaa uu muujinayaa heerka uu gaarsiisan yahay rajada Meles ku qabo in ay cagaheeda isku taagto DKMG ah iyo sida uu khaatir uga joogo muran ka joogtada ah ee ka dhaxeeya Hay’adaha ay ka kooban tahay dawladaas.

Wasiiru-dowlaha amuuraha dibadda ee Itoobiya Takede Alamu ayaa isna sheegay in DKMG iyo masuuliyiinteedaba aysan laheyn awood ay wax uga qabtaan dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya wuxuuna intaas ku daray in dhamaan Wadamada IGAD ay isla qireen in DKMG ah ay ku guul darraysatay wax kaqabashada Dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya, waxayna Madaxda Urur Goboleedka IGAD isla go’aansadeen in dhamaan hay’adaha ay ka kooban tahay Dawladda Shir loogu qabto Magaalada Nairobi si loo qiimeeyo waxa u qabsoomay 4-tii sano ee ay jirtay Dawladdu loona soo bandhigo qorshe ay Madaxda IGAD ugu tala galeen marxaladaha inagu soo aadan.

26-ka bishan Octobar ee aan ku guda jirno ayaa waxaa loo ballansan yahay shir ay garwadeen ka tahay IGAD kaas oo Hay’adaha DKMG ah la’isugu gaynayo Magaalada Nairobi isla markaana la filayo in lagu soo bandhigo fashilka DKMG ah hay’adaheedu ay ku guul daraysteen wax ka qabashada Arrimaha ka taagan Soomaaliya sidaad darteen kaarka cas loogu taagi doono madaxda Sare ee Dawladda oo ay ka mid yihiin C/laahi Yuusuf iyo Aadan Madoobe sida ay Shabakadda Somalimirror u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.

Shirkan ayaa lagu wadaa in casilaadda C/laahi Yuusuf ka dib Hogaanka qunyar socodka ah ee Isbahaysiga dib u xoraynta Jabuuti Sheekh Shariif Sheekh Axmed loo sharaxi doono jagada uu banaynayo C/laahi Yuusuf ee Madaxweyne nimada, waa sida aan ka soo xiganay ilo lagu kalsoonaan karo.

Warkan ayaa waxaa uu dadka dib u xasuusinayaa hadal ay muddo sanad ka hor ah jeedisay haweeneeyda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka u qaabilsan Afrika Janday Freysar oo ay ku sheegatay in hogaanka sare ee dawladda KMG ah ay haboon tahay in la badalo maadaama aysan la jaanqaadi Karin isbadallada ka dhacaya Dalka Soomaaliya isla markaana aysan karti buuxda u lahayn maaraynta Dalkaas ay dagaaladu soo daashadeen.

Hadalkaas waxaa sii xoojiyay war uu Meles Zenawi u sheegay jariidad ka soo baxda Dalka maraykanka ee Washington Post oo uu ku dhaliilay madaxweynaha isla markaana uu cadeedayay inay lagama maarman tahy in wax laga badalo haykalka Sare ee dawladda KMG ah si ay wax u qabsoomaan.

Waxaa kale oo ka mid ah jaanisyada ay sida weyn isha ugu hayaan quwadaha shisheeye ee ku lug leh loolanka Soomaaliya kala qaybsanka iyo midnimo la’aanta Xoogagga Islaamiyiinta oo guulo ka soo hooyay dhulka isla markaana ay sii kobcayso awoodooda Milatery taas oo ay uga faa’iidaysan karaan in ay ka ciideeyaan guusha u soo bidhaantay Dadka Soomaaliyeed ayaga oo isku hawlaya sidii ay iska hor imaad uga dhex dhalin lahaayeen Islaamiyiinta “Lafa gari ayaga ayaa la’isku jabiyaa”.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

35 Comment(s)

  1. Gaalo madoow Itoopia iyo Gaalocadbo oo mareykan madax uyahay waxa eey nala damacsanyihiin allah nagu shartiro aamiin, Soomaali maryooleey inteey qabiil qabiil & koox koox iskugu heeysteen diintooda dadnimadooda qarannimadooda kuli meesha ee kasiibaxeen, marka haloo talsho aan leeyahay waxkaloo oo rajo fiican kama lahi laakin allah waxkasto wuu owoodaa.

    nadia | Oct 18, 2008 | Reply

  2. ALLAHU-AKBAR

    BEERDHIGAAY!! Warkaagu Beerkuu noo qaboojiyaa!!!!

    Ilaahay ha idinka ajirsiiyo,wax qabadka runtii mire dhalay ee aad umadda uhaysaan, waxaad ku dadashaan inaad sii hor-marisaan aaladan.

    Waxaa kaloo muhiim ah in ragga saaxada joooga ee askarta ah lagu dul akhriyo,war bxintan iyo kuwa lmaid ka ah,

    Abu-jacfar | Oct 19, 2008 | Reply

  3. ??? ???? ?????? ??????
    ????? ??? ??? ????? ??? ??? ????????
    ??????? ??????? ??? ????? ???? ???? ????? ??? ???? ?????? ??? ??? ????? ??? ??? ???? ???? ???? ???? ???? ???? ???? ????? ??????? ????????? ???? ????? ??? ????? ?????? ??? ???? ????? ?????? ????

    **********************************************

    KU CIBRA QAATA DADYAHOW , SIDA RABBI U FASHALIYAY , KUFFAARTA MEEL KASTA AY JOOGAAN , WAXAASE LA YAAABA SIDA UMMAD OG IN GUUSHA RABBI KALIYA UU HAYO AY MEEL KALE U HANQAL TAAGAAN , DADKA SOOMAALIYEED HADDII AY FIIRA DHEER LEEYIHIIN XALKA HA DHIGTEEN DIINTA ISLAAMKA OO AY RABBI U NOQDAAN WAANA IN AY GARAB ISTAAGAAN MUJAAHIDIINTA MEELKASTA JIHAADKA LA TAAGAN OO SUNNADA SAXDA AH KU TAAGAN OO BARAX LA , WAXAANA LA SII YAABANAHAY MAXAA SOO TAAGAY AXMAARADA IYO MOORYAANTIISA OO AY U QIRAN LA YIHIIN IN AY JABEEN !!!!???
    TAAS MACNAHEEDU WAA IN AYSAN QANCAYN ILAA AY JAHANNAMA INDHAHOODA KU ARKAAN, WAXAAN KALOO U SOO JEEDIN LAHAA DADKII KU QALDAMAY GAALADA IYO BASAASIINTOODA IN AY RABBI U TOOBAD KEENAAN OO AY GARAB ISTAAGAAN MUJAAHIDIINTA , ALLAAHU AKBAR ALLAAHU AKBAR ALLAAHU AKBAR , RABBI BAA ADKAAN MAR WALBA , KUFFAARTA UGU BISHAAREEYA JAHANNAMA , INSHAA ALLAAH DHAMAYSTIRA JIHAADKA ILAA RABBI SUBXAANAH GUUSHA UGU DANBAYSA UU NA SIINAYAO , ALLAAHU ACALAM WA ACLAA .

    QORE : ABBAAHNE ALLAAH WAXDAH.
    HABAYN AXAD/19 /SHAWAAL/ 1429 HIJRI

    binfaqiih@hotmail.com

    ########################

    abucabdurraxmaan | Oct 19, 2008 | Reply

  4. Asc dhammaan,
    Arrinta ethiopia, waa xaqiiqo in ethiopia ay arrintii ku kululaatay; dhinaca dhaqaalah, naft iyo sumcadba. Aniga ethiopia warbaahinteeda iyo midda reer galbeedkaba waa akriyaa. Horta, ethiopia waa waddan kali talis ah, group yar oo tigree ah oo zenawi madax u yahay ayaa wax kasta iyo ilkasta oo waddankaas leeyahay gacan bir ah ku haya; daqaale, siyaasad, military, gudaha iyo debedba. Mucaaradka ay Somalimirror warkooda soo qaadaneyso, xaqiiqada dhabtaa iyo ujeedooyinka kooxdaan Zewani wax gaar ah kama oga. Hadalkooduna wax saameeyn ah kuma laha siyaasadda ethiopia. Waxay hadalkaan billaabeen kadib markii Zenawi dhowr interview bixiyey oo muujineysa sida uusan ugu qanacsaneyn sida xaalada Somalia tahay dhaleecana usoo jeediyey dowlad ku sheega Somalia iyo kaalinta beesha caalamka. Maalin dhaweed maqaal ay reuters soo qortay, waxay soo xigatay diplomaaci mareykan ah oo leh inay ku wareersanyihiin ujeedada dhabta ah oo Ethiopia ka leedahay Somalia oo ilaa hadda aysan ogeyn waxa dhabtaa oo ay tahay.
    Aniga sida ay ila tahay, markii hore oo xamar ethiopianku galeen sidii degdegta aheyd oo filan waaga aheyd, hamiyo waaweyn ayey billaabeen sida inay Somalia u taliyaan, oo dowlada midda kilil 5 oo kale ah ka dhisaan, ciidamadeeduna ay meesha waligood joogaan si nabad ah. Arrinta ina Caydiid sheegaas waagaas waxbaa ka jiray. Waxay aaminsanaayeen Abdullaahi Yusuf, waxay u ogaaladeen in militia beeleedkiisa uu puntland ka keensado una qabsado caasimadda sida ay ayanku Addis Sababa ugu qabsadeen Militia beelood Tigree ah. Markaas xattaa marabin in AU iyo IGAD ciidamo soo diraan, UN kana warkeedba daa. Mar dhexe oo arrintii ku dabo dheeratay oo militia beeloodkii la arruriyeyna ay fashilmeen, ayey waxay billaabeen inay yiraahdaan, ciidamo UN ah iyo AU ha la keeno. Waxay kalo ay billaabeen inay ilaa 20 kun oo Somali ah oo qaarkood gobolada Kililka 5naad ee Ethiopia laga keenay inay soo tabo baraan. Waa ciidamada loo bixiyey Copyiga. Ilaa Hadda tababarka cidaadamadaas waa socotaa. Ciidamadaan waxay toos oga amar qaataan Ethiopianka. DFKM innaba ha la eekaatee wax command iyo control ah kuma leh. Haddii aad muqaawamada wareysato, ciidamadaan militia beeleedyadii C/laahi yusuf iyo Maxammed dheere aad aye yoga dhib badan yihiin, somalida masoo dhex galaan, dagaalkana si sahlan ogama cararaan illaa tigreegii ayaa gadaal ka taagane. Waa sidaas sida copyga loogu bixiyey. Ujeedadoodu waxay aheyd in Somalia ayanka isku jabiyaan oo dabka isaga dhigaan, sidaasna ciidamaadaan somalidu ay u xasiliyaan waddanka. Ayankoo kuwooduna sii joogaya wadanka. Hadda waxaa billaabatay fashilka ciidamadii copyga ahaa oo in badan oo ka mid ah sida uu Zenawi laftiisu qirtay ay baxsadeen.
    Hadda waxaad mooddaa inay u caddaatay wax kasta oo dhaca in ciidamada Ethiopia aysan Somalia si nabad ah ku joogeeyn. Waxaa kaloo Zenawi u caddaatay in gaalada adduunka anay ka soo niyad dhigayaan dagaaladaan iyo qaxarkaan uu Bush billaabay, sidaas darteedna aan taageero weyn loo heyn qaska uu wado. Wuxusan kale oo uusan isku hubin maamulka cusub oo mareykanka ka imaanaya. Waxaa jira Sharci dhowr goor Senatyo demogratic ah ay keeneen oo mucaawinada looga jarayo Ethiopia, waxaa markasta veto saarayey Bush.
    Marka hadda wuxuu raadinayaa sida ay ila tahay marmarsiiyadii uu Somalia oga soo bixi lahaa. Xattaa, sida melez naftiisu sheegay wuxuu ogol yahay in dowlad/maamul Somalia ka dhalato aan saaxiib gooni ah la –ahayn Ethiopia laakiin aan cadaawad gooni ah kala dhaxen. Wuxuu kaloo yiri inaan laga yaabin in Al-shabaab aan aqbalno oo talada Somalia la wareega. Marnaba ma rabo inuu kasoo baxo asagoo la jabiyey, sababtoo ah cadowgiisu waa badanyahay gudaha iyo Eritrea. Wuxuu ogyahay haddii uu Somalia ku jabo inuu Ethiopia ku jabi doono. Somalia ku jab waxay ola midtahay xukunka ha lagaa tuuro. Wuxuu hayo wuxuu ku bixanayaa sidii aysan sidaas u dhici leheyn. Wuxuu hadda door bidayaa in asagoo la cayrsaneyn uu Somalia kasoo baxo.
    Marka haddii la rabo in Ethiopia aan wax wada hadal ah lala galin oo xoog waddanka looga saaro, sida Somalimirror ay sheegtay waa in sidaan la isku dhaamaa oo muruq iyo xoolo iyo maskax la isku geeyaa. Oo markaas xattaa Somalia gudaheeda kaliya aan dagaalka lugu ekeyn ee ethiopiana loogu gala xattaa magaalo madaxda. Waana laga fekeraa sidii shacabka, dumarka iyo caruurtana loo badbaadi lahaa oo aysan u dhammaa leheyn. Haddii la yiraah aan wada hadal iska xirno, sida aan hadda wax ku wadnana aan ku wadno, arrin mar dhow dhaameeneysa ilama eka, waxaa sii halaagsamaya oo waxbarasho la’aan iyo gaajo usii dhamaanaya waa ubadkeennii mustaqbalka.

    Wassalamu Caleykum

    Nuur | Oct 19, 2008 | Reply

  5. Rag badan oo halkaan wax kuqoraa gidaar bay garaacayaan. Bal gunaanadka hadalkooda u fiirsada. War meesha wax wadahadal ah ma yaal. Ethiopia awelba meesha waa la keensaday howshii loo dhiibay bay gunaanadkeedii keenii weeyday. Marka waa in wejiga loo bedelaa oo nimankale oo la wato iyo dowlado kale oo African ah waa in la keenaa si Soomaalida loo kala jebiyo iyada oo loo marayo dowlad baa la idin dhisayaa Ethiopiyana la idinka saar, dagaalka joojiya oo shacbigiina u naxa. Shacbiga Soomaaliyeed maa loo naxo markii qab-qablayaashu dhibayeen oo waliba lagu kor biilayey. Markii 2006kii qab-qablayaashii umula dooxa ahaa lala diriray baa Ethiopia lasoo kiraystay. Markii Ethiopia lala diriray baa hadda weji cusub lala soo baxay oo ah ciidamo dowlado gaar ah oo Africa kasocda, kuwo Soomaali ah, iyo koox cusub oo loo bixiyey qunyar socod. Marka Ajendihii lagu qabsanyey Soomaaliya waa meeshiisii waana socdaa, boodhka uun baa la doonayaa in dib looga jafo mar haddii mashruucii Qabqablayaasha iyo kii Ethiopianku ay fashilmeen.

    Hadda waxaa bilaabmay qunyar socod. Danta gaalada tunka waaweyni waa hal mid:
    In Soomaaliya ama danta ay leeyihiin ka gaaraan ama aan dib loo maqal. Sunta xeebaha Soomaaliya lagu shubayaa waa ka mid qorshaha cidhib tirka Soomaalida laga cidhib tirayo geeska Africa. Meles Zenawi waxba sheekadiisa haku dheeraanina. Waa nin lasoo kiraystay dabadeedna markii wejigii hore lagu fuliyey howshiina loo dirayna kasoo bixi waayey dabadeedna markii weji kale looga wareegay cabaad sii daayey.

    Waxaad ogaataan mar haddii aynu ummad muslin ah nahay tii Alle waa meesheeda. Bal qiyaas January 2007 halkii aynu joognay iyo maanta halka aynu marayno. Yaan la khasaarin wiilasha, gabdhaha iyo waayeelka naf iyo maalba u huray xornimada iyo guusha aynu u dhownayahay inaynu ka miradhalino. Guulaha ay mujaahidiintu gaadheen “QUNYAR SOCOD” ma keenin, gaalo tun waaweyni inama siinin, Ethiopian inooma naxariisan, AMISOM wanaag inooguma imaan, inoomana soo wado waayo iyaga laftigooda waa la soo kiraystay. Waxaa keenay waa Al-Shabaab, JABISO, Khaalid Binu Waliid, Mucaskarka Kaambooni iyo mujaahidiinta kale ee naf iyo maalba u huray halgankan xaqa ku salaysan iyagoo Alle talo saartay. Waxaa wanaagsan in is gudubyaaca la joojiyo oo mujaahidiinta laga war sugo. Waxay IGAD wado waxba inagama gelin, hadday “Dowlad” kale soo dhisaan inama khusayso waayo dalka Soomaali Muslin ah baa leh ee iyagu ma leh. Iyaga laftigoodu ma madaxbanaana. Waa laga danbeeyaa.

    Degel | Oct 19, 2008 | Reply

  6. degelow.. fikirkaagu waxba kama dhib yara dhibaatada xabashida. waxa aad oo waddaan ayaa kun jeer ka dhib badanin doona midka Gaalo oo dhan ay noo geysteen!

    Qoraalkaaga ah “Waxaa keenay waa Al-Shabaab, JABISO, Khaalid Binu Waliid, Mucaskarka Kaambooni iyo mujaahidiinta kale ee naf iyo maalba u huray halgankan xaqa ku salaysan iyagoo Alle talo saartay”

    Waa xaqiraad ciidamada Maxakamdaha oo ah awoodda ugu weyn ee mujaahidiinta.. waxaad afka ka dhowraysaan jiritaankooda.. waxaad buun-buunisaan khaladaadkooda…. waxaad ismoogeysiisaan awoodooda.. waxaad jeclaan lahaydeen inaad ku caddaysaan iyo baadi.

    Ma diidani khaladka hoggaankooda, laakiin waa awoodda ugu xooggan ee mujaahidiinta, waxayna weli baaqi ku yihiin ballantii jihaadaka oo dagaalkii ayay wadaan. laakiin taasi agtiinna ugama shafeecin oo xitaa magacooda ayaad aasaysaan!!

    Waxa kaliya ee aad ku nacdeenna waa arrinka ha la soomaaliyeeyo oo naga daaya dadkaan aan noogu yeereysaan.

    Jahbhadda Islaamiga aad sheegaysaanna mar dhow iyadana waa ka tiri doontaan liiskiina mujaahidiinta.. hadii ay ajiibi waayaan baaqiinna gaalaysiinta.

    Wallaahi Gaalo waa jabtey.. wallaahi gaalo waa jabtey .. wallaahi Gaalo waa jabtey

    Laakiin ma hubo inaan ka raysan doonno.. inta ay jiraan dad ay diintoodu tahay xaqiraad iyo yasid…. isla weyni iyo kala dirid!!!!!!

    SOOMANE | Oct 19, 2008 | Reply

  7. Asalaam aleykum,

    Murtida faaladu waxay ila tahay: gaalo qorshe howleedkoodu wajiga kowaad way ku fashilmeen, iminkana wajigii labaad ayeey la soo baxayaan si ay u fuliyaan. Suaashu waxay tahay: Qolodan muccaraadka ah ama ururadan diimeedka maxaa u qorsha ah?

    Alloow waafaji xaqa un baan orankaraa. This is serious.

    Moggeh
    London UK

    Moggeh | Oct 19, 2008 | Reply

  8. asc hadaan isku dayo in aan kaaga jawaabo su aashaada anoo ah hugaamiye katirsan hugaamiyaasha mujahidiinta ayaa waxaan kuu sheegaya in an u diyaar garownay arimahaas insha allah way fashilmayan arinkii ciraaq ayay wadaan mana suuragali doonto hore ayay kaartooyin loogu sii jeexay nisha allah caaqibada waan helayna if allah say marka sabra muslimiintoow oo jihadka hala taageero wsc

    anwar | Oct 19, 2008 | Reply

  9. ALLAH MOWLANAA WALAA WOWLANAA.

    ALLAH AAN TALO SAARANO XARBI SALIII WAJI CUSUB AYUU LA YIMID,MANA HAYNO RAGII UMMADA DALKA, DIINTA KA BADBADINLAHAA,ILAA IYO MOOYANE WIILASHAA ALLAH TALO SAARTAY EE U ISTAAGAN SHARAFTA DALKOODA IYI DIINKOODA, ALLAH HA CISIIYO HANA GUULEEYO MAANTA WAA INDHAHEENIIYE.

    BILAACALAAK WALAALAHA FIKIRKOODA DHIIBANAYA WALAALYAAL DHIBANAYAAL AYAA NAHAY, ADUUNKA AYAA LA RABA IN NALAGA CIRIB TIRO, SABABTA AY TAHAY WAXAAD SHEEGATAY ISLAM,MUSLIM AYAAN AHAY
    XITAA HADAD TAHAY ALKOHOLIK.

    MARKA NAGA DAAYA OO NAGA DAAYA QALBIGEENA WAX DHIBAYA, OO HA KALA QAYBININA WALAALAHA JIHAADKA KU JIRA, KII XUMAAN U KALA QAYBINAYA ALLAH AYAA KALA XISABTAMI, LAAKIIN INTA KALE ALLAH KA XISHOODA JOOJIYA KALA QAYBINTA OO FAR QURA NOQDA, SIDA AY CADAWGA ALLAH U NOQDEN.

    SIDEE LOGA BIXI KARAA DHIBAATADA GAALADA, WAAD ARAGTAAN MARKAY GUUSHII KEENNEN MUJAAHIDDINTA WEJI CUSUB IYO QOLO CUSUB AYAY GAALO SAMEYSTEEN.SIDEE LOOGA BIXI KARAA DHIBAATADA KA IMAN KARTA.

    mummina | Oct 19, 2008 | Reply

  10. Soomane.

    sxb waxaa isku dayday inaad degel u naseexeysid sida hadalkaaga ka dhex muuqata laakiin hadalkaaga waxaa ku samaysay qadaf weyn oo waxaad tiri hadal micnihiisu noqonayo’

    adinka oo alshabaab ah baa ka dhib badan oo dadka muslimka ah ee soomaaliyeed uga dhib badan gaalada madow iyo cadaanba leh.

    hadalkaasna hadal sax ah maaha waayo ninka aad u jawaabeysid maaha nin aad ku hubto cida uu yahay waxaana u gaftay mujaahidiin dagaal kula jira gaalo iyo cawaantooda arinta xaqiraada aad ku sheegtayna hadalkii afhayeenka alshabaab hadalkiisa inaad si fiican u dhuuxdo ayeey ahayd oo uu ku yiri maxaakimta dallad bey ahaayeen weyna kala baxeen kambooniyiin,alshabaab iyo Jabiso ba awal maxaakimta ayeey ka tirsanaayeen balse hada wey ka baxeen waxaa maxaakimta ku haray mujaahidiin kale dhalin yarada dagaalka wada ee magaca maxaakimta isticmaalana waa dad wanaagsan ee maxaakimta waxa loo yara durayo waa ogtahay oo shariif axmed wuxuu yiri sida sheekh xasan ka yiri wereysi uu bixiyay in soomaalia aan dawlad islaami ah laga dhisi karin sababtoo ah beesha caalamka raali kama aha marka hadalkaasna hadal amiir maaha ee waa hadal daciif.

    marka walaale maxaakimta inta isku hartay wali waa is huwan yihiin ee markeey kala baxaan baad arki doontaa mida kale xarako kaste khaladaad bey leeyihiin alshabaab na kuma saxna go’aanka xiridda garoonka iyadoo la ogyahay in cadowgu isticmaalo dhaqaalona ka soo galo laakiin waa in loogu daneeyaa shacabka isticmaalaya waayo shacabku dhibkiisu weeye in mujaahidiintu dareemaaan.

    Warfaa | Oct 19, 2008 | Reply

  11. Allaah ha barakeeyo walaalaha ku hawlan sidii ay akhbaar sax ah ugu soo gudbin lahaayeen walaalahooda muslimiinta ah khaas ahaan dadka soomaaliyeed ee jecel guusha iyo midnimada umada soomaaliyeed iyo islaamka oo dhan.

    walaalayaal waxaan ku boorin lahaa qof kasta oo soomaali ah , wax garad ah islaaminimo iyo soomaalinimo ku jirto inuu ka shaqeeyo isugeynta iyo ururinta umada soomaaliyeed si ay u waajahdo cadawgeeda mid dhaw iyo mid dheerba iyadoo waxa lagu midaynayaa ay tahay kitaabka ilaahay iyo sunadii nebigeena ee suubanayd waxaana xaqiiqa ah oo ay cidkastaa ogtahay wax kaloo maanta duliga aan ku jiro inaga saari kara soona celin kara isjecaylkii iyo walaaltinamadii ma jiraan.

    markaa walaaalyaal waxaan leeyahay wax garadku meesha ha ka kaceen oo ninkii wax qori karaa ha qoro kii af ka hadli karaa haka hadlo, kii gacan wax ku bedeli karaa haku bedelo kii maal bixin karaa ha bixiyo walaalayaal yaa umaqan umadan yaa ka damqanaya yaa u naxaya hooyooyinkan iyo maatada baaba´aysa ee meelkasta ku silcaysa oo noqday mid badi liqday ,mid macaluuli dishay,mid dhul gaalo ku darxumaysan, mid cadaw dilayo oo dulfadhiyo, waalaalayaal yaa u maqan umadan oo aan ilaahay ahayn, walaalayaal xaalka umada soomaaliyeed maanta ninka fiiriyaa oo damiirka lihi wuxuu jeclaan lahaa inuusan joogin maanta marka uu fiiriyo wax badan oo ayka mid yihiin abnaa usaxwa iyo xaalkooda tafaraaruqa umada haysta meelkasta oo ay joogto sidaana walaalayaal guushu ku iman mayso ee aan xoogeena midayno oo dadkeena baraarujino oo cadawgeena aan meel uga soo wada jeesano oo aan ilaahay talo saarano oo aan isku tashano, hadii aan taa la helin nin kasta meel ayuu cadawgu ka helayaa waxaa laga sheekaynayo ee ay gaalo maleegayso ayaan khatar u nahay, ilaahay kama dhigee.

    ugu dambayntii waxaan u mahad celinayaa walaalaha somalimirror iyo inta sida saxda u fakarta oo ka shaqaynaysa dadnaha umada soomaaliyeed iyo muslimiinta meel kasta oo joogaan. ilaahayna waxaan u weydiinayaa inuu ka aqbalo acmaasha ay samaynayaan.

    ismacil said | Oct 19, 2008 | Reply

  12. waxaa cadada xaqiiqi waxaa dhamaday badilki guushone weysoo dhawdahay ee hala sabro walalha musliminta ahoow gaal iyo gaalo raac waa laga guleystay

    mahamed | Oct 19, 2008 | Reply

  13. AS/W WAXAAN IS LEE YAHAY WAXAA LA SOO GAARAY WAQTIGII ETHOPIA AY BIXI LAHAYD LAAKIN WAXAAN KA WALWALSANAHAY MAAA BACDAL ETHOPIA, MAXAA YEELAY ASXAABI ASXAABTA KA MID AH AYAA WUXUU YIRI NABIGA CSW ASXAABTA WAXAY WAYDIIN JIREEN KHAYRKA LAAKIN ANIGA WAXAAN WAYDIIN JIRAY SHARTA IYO FITANKA ANOO KA CABSANAYA MARKA HADDA ETHOPIA WAA BAXDAY MAXAA NOOGA DANBEEYO OON DIYAARSANAY HADDA WAXAAN HAYSANAA MMIS,JABISO,SHABAB,RAASKAMBOONI,KHALID BIN WALID,IYO MMIS MA KUWA KALAAN SUGAYNAA MISE BEFORE AYAAN MIDOWNAA WA BILLAHI TAWFIIQ

    naafic | Oct 19, 2008 | Reply

  14. SOOMANE,

    sxb cid aan xaqiray ma jirto urur aan ka tirsanhayna ma jirto. Haddii aad magaca MMIS ka weydey fikradayda, waxaa hadalkayga ka mid ahaa “mujaahidiinta kale” markaa taas laftigeygu waa ku qancin lahayd haddii aadan adigu urur mujaahidiinta ka mid ahayn durayn laakiin Soomaalidu waxay ku maahmaada “ninba meesha bugtaa isagay belbeshaa”.

    Waxaan Alle ka baryey in qorshaha “QUNYAR SOCODku” fashilmo waayo waxaa loo kiraystay amaba kursi iyo adduunyo jaceyl dartiis ku raadinayaan in umadaan loo af-duubo kuwii dhibkeeda kow bilaabay.

    Degel | Oct 19, 2008 | Reply

  15. BISMILLAAH.
    AS-CLYKUM.

    Runtii ALLAH haka jazeeyo raga waqtigaas iyo kharashkaas noo gelinyey ururinta warbixintaas iyo kuwa noo ogolaaday in naloo soo gudbiyo, markaan anagu taayada ku hadhnay.

    waxaan kale oo ALLAH wayne uga baryayaa dhamaan mujaahidiinta guuulahaas umaddan u soo hoyey idinakiisa dabadeed, inoo dambigooda iyo khaladkii ka dhacay ka cafiyo, anagana hoojintooda naga dhaafo.

    waxaan kaloo aad ugu amaanayaa shacab waynihii koonfur oo dulqaad aad iyo aad iyo aad la yimi inta midhahani curdan ka soo noqonayaan.

    waxaa hadaba mudan in laga wada hadlo oo la is tuso sidii midhahani ku bisllaan lahaa, iyadoon cudur haleelin, cayayaan inaga cunin, cadho rabi iyo dabaylo iyo duufaanana inaga saamayn.

    sadex qolo hadal ku wajahan.

    WARBAAHINTA.
    Warbaahinta iyo walaalada xogta noo soo ururiya dadaalkiina laba laaba, ceebaha ka dhaca mujaahidiinta iyo raga gudaha ku jira miisaankeeda siiya, saxa, cadeeya, kana ilaaliya ina qoraaladeenu inaga dumiyaan dhufaysyadeena mid ka mida.

    Mujiihidiinta
    waxaan leeyahay nasrigan yuusan quruur idinku ridin, arintana fari kama qodna, ha is dhiganin, ogaadana guushan habrahaa wax kuleh, shacabka muqdishaa wax ku leh, odayaashaa wax ku leh, ka daaya maxaad tihiin, iyo la idin talo waydiin maayo hadalada laga dhadhansan karo, idinku waxaa tihiin madixii jismigii intii kale waa idinla wadaa hawsha iyadoo la isku dardaray ayey 100 buuxsantay.

    waxaaan kaloo idin leeyahay gobeey(timireey) sadex baa loo wada socdaa, idina sadexdaba waxaa la idinka rabaa inaad difaacdaan, qayb kasta bulshada qaybaad ku kasbanaysaa muujinta camalka aaad xagaa ka haysaan.

    DIIN
    DAD
    DAL

    diidnta waa ka wada dheregsanahay cadaawada la inooga hayo oo (hadal la yidhaahdo kiisa ugu khayrka badan ayaa inoo banbayaamiyey, fasiixo, nasteexo, quluub dejiyey iwm QURAANKA IY XADIISKA).

    Dadkaaga oo la doonayo in la cidhib tiro, qorshayaashan marka mid tagaba mid lagu xejino waxaa ka mida ulajeedadiisa yaraynta iyo dabargoonta bulshada sharafta badan

    1-waxay abaabulayaan mashaakilaad dagaal si dadku inooga le`edaan sida kan qabiilada la dhexdhigayo.
    2-waxay sumaynayaan badahii.
    3-waxay gaajaysiinayaan bulshadii.
    4-waxay xaalada sii adkaynayaa xiliyada abaarta si wadar loogu dhamaado.
    5-waxay keenayaa cuduro.
    5-waxay abuurayaan xaalada inaga ina cadho gelisa si inana aan ciqaabta ka dhalata shacabkeena u saamayso.
    6-waxay soo wadaan in maraakiiibta xamuulka inoo wada inay badaha ku hor istaagaan, iyagoo odhan kara waa baadhaynaa, ama argagixisay wax u sidaan.
    7-waxay la iman karaan inay xidhaan dhamaan xawaaladaha.
    8-cadawgaaga adigu ifafaalaha daran ka filo, waana ka dhici kartaa.

    maxaa gaashaan ah.

    si aad taas uga hortagtaan ku dhaqaaqa talaabooyinkan.

    1-dagaalada qaabaa`ilka la dhexdhigo u guntada in la dejo, hadii ay ka fursan waydo cidii diida heshiiska ka safta oo la dagaalama ilaa ay ka ogolaato cadaalda iyo nabada, oo ha odhanina waa dagaal fitno.

    2-inta xasiloon ku baraarujiya bulshada inay quudkooda soo saartaan iyo weliba inay kaydsadaa xiliyada dagaalka iyo abaaraha si ay ugu baxsadaan.

    3-ilaha bulshada ay ka nooshahay ka ilaaliya inay ka xidhmaan sida suuqyada, dekedaha, gegida dayuuradaha. lacagta ka soo gasha cadawga waxay waayayaan maaha oo meelo kale ayaa kabaya laakiin masaalixda shacabkaaga meel kabaysaa ma jirto, hadaad garoon kale furtidna shirkado DUBAI IYO DEBED KU XIDHAN INTA XAMAR GOOYSO MEELO WALAALO HAYAAN KAMA DEGI KARTO XATAA HADAY NABAD TAHAY ILAA INAY KA QUUSTEEN MOOYEE, ADUUNKA INAY XIDHIIDH DAMBE LA YEESHAAN, MARKAA ISU ARKA MIISAANKA AAD ADUUNKA KA JOOGTAAN, haday sidaas tahay diyaaraduhu meesha aduunkan ay wax ka soo qaadayaa ogolyihiin uun bay ka degi karaa iyo shirkada ay ka soo kiraysteen u ogolaada meesha ay ogol yihiin inay ku wadaan masaalixda bulshada.

    3- dagaalada hadii aydan ku qasbanay goob iyo saacad la beegta cadawga marka bulshadeenu ugu socod iyo dhaqdhaqaan yaryihiin.

    5-midooba si aan uga hortagno una dedejino cadawgu inaan saarno inta baddan sumaysan idinka iyo bulshada aad daafacaysaan idinku soo bixin waxay aynaan ogayn xajmiga khatar ee uu yeelanayo.

    7-intad qof ka badbaadin kartaan in xabadeenu leefto ama inaga siyaasad ilduufkeenu inay cadaw u geliso ka ilaaliya.

    8-haduu dagaalku quruun qaadanayo idinku bishaareeya, marka rajadu soo muuqatana dherersada oo ha ku kadsoomina, una qaata inay noqon karto dhaan dabagaale.

    arintu sidan maqaalka ka muuqata aniga inaysan u dhowayn ayey ila muuqataa laakiin waqti iyo maqaal inta ka badan dadka kuma daalin karo.

    BUSHADA WAYNA WAXAAN LEEYAHAY.
    Hadaynu nahay bulshadii, dambigeenay dhibaatadani inoogu dhacday, nasriga soo muuqdana idinkaa u hooyo ah, biyaha siinayey, dhaawaca qarinayey, dhib badani markuu idinku dhaco sabrayey, waa wiilashiinii inagay inoo maqan yihiine sabra, sabra, sabra, sabra.

    qorshe kasta oo lasoo maleego inta badani waa inuu gudaha ka fulaa, hadii kale sida kuwan ayuu fashil ku dhamaanayaa, gudana waa shacabka, marnaba qorshe kasta oo diba laga soo maleego ha u qaadanina kan wax ku oolka ah, idinka wax ku oola, garabtaagnaada mujaahidiinta, kala qaysankooda nooga khayr badan dawlada isku duuban oo cadaw wato,

    hadii uusan difaaca ALLAH jiri lahayna cadaw ku quusta aan gacantiisa la mashquulin, bulshadana laga faquuqin wixii BALADWAYNE IYO KISMAAYO ay ku sameeyeen CANADA IYO BILJIM inay caruurta dubaan markay dil u quudhi waayeen dhimashadiisa soo degdegaysa darteed, iyo inay raga faraxumeeyaan, inta la idinka mashquulinayo cadaw, walee garoonka diyaaradaahaa xidhan waa naruuro, dhib idinma soo gaadhin ee ha qaadina xijaabka dhibka cadawga idinka xiga, iyagaa ka dhib fudud, waa mujaahidiinta dhamaantoo garabyadooda, dhamaan waa dhufaysyadayadii,doonina mayno in midina naga burburo, laakiin hadhi mayno midaytooda, sixida khaladkooda, iyo dhaliilintoodaba.

    3-hanoqonina is eegato, waxaa kalifaya hal khaanad ayaan ku wada jirnaa, hadalkeena iyo qoraalkeenu yeynaan aad isugu fiirsan, dhagaysta oo la socda talaabooyinka cadawga, waad ku mashquulaysaan idina ku walaaloobaysaane.

    sadex marxaladood ayaa ina soo maray inaan markale banbayaamiyo mooyee halkan kuma gaadho.

    1-waqti dawlado ina soo mareen.
    2-waqti qabqable, intii xumayd.
    3-waqtiga hada lagu jiro oo cadaw ina haysto mid inala degan iyo mid inaga qarsoon.
    WALAALAHAY KANAA UGU XUN, INAY QABQABLAYAASHII INOO JOOGAAN AYAA INOO DHAAMA CADAW, WALOOW AY IYAGA U SHAQAYNAYEEN, mid waliba waxna wuu baabi`inayaa, waxna wuu reebayaa, kan ugu dambeya haduu inoo gacan banaanaado oon gacantiisa la inaga mashquulin midna reebi maayo inta aan haysano, diin, dad, iyo dal.

    AAN IS WAYDIINO MAXAA XALA IYO SIDEE UGA GUDBI KARNAA? EE YAYNAA INAGU QORAALADEENA IYO FICILKEENA SIDII FOODLAY IS EEGAN.

    WABILLAHI TAWFIIQ.

    kudarso | Oct 19, 2008 | Reply

  16. runtii waa warbixin dhaxal gal ah qiimo badanna ku fadhida soomaalidana u bidhaaminaysa shirqoolada lala damacsan yahay marka inta wax la fahmo hala dejiyo qorshe kaa looga hortagi karo oo saxiix ah.

    waan u mahad celinayaa dadka soo aruuriyay warbixintan qiimiga weyn ku fadhida.

    somalimirror waa hay’ad warbaahideed oo higsanaysa ujeedooyin fog oo xikmad iyo caqli ku salaysan kana madax banaan laab la kac iyo fudayd. waad ku mahadsan tihiin sida aad wax ku wadaan waxaan jeclaan lahayn in aad Idaacad iyo TV hawada soo gelisaan.

    dhinaca musdhalaxaadka wax micno ah kuma dhisna in la yiraahdo DKMG maadaama xukunkeeda iyo suuradeedu ay tahay hal mid ah matalan haddii Saxaro loogu dhawaaqo Dahab magacaasu waxba kuma soo kordhinayo ee waa sidii ay ahayd.
    waad mahadsan tahiin

    sayfullah | Oct 20, 2008 | Reply

  17. oll mus limnta asc wabacdu war bixintaan waa mid i cajab galisay runtii waa na so dhameestiri doonaan fa’ideeda

    asadulaah | Oct 20, 2008 | Reply

  18. Ma rabin inaan tacliiqaatka ka qayb galo, laakiin war bixinta ayaan u arkey mid mug leh oo istaahisha in la bogaadiyo, isla markaasna aan ku biiriyo aqristayaasha xog aan ka heley shirka Kenya lagu wado oo isbaheysiga Jabuuti la xiriirta iyo Impagati.

    Ilo lagu kaslsoonyahay waxaan ka ogaadey in shirka Kenya aysan wadan waxna kala socon labada garab ee Jabuuti ku shiraya oo kala ah isbaheysiga iyo Impagati. Waxaan kaloo la socon kana careysan Jabuuti iyo Wald Cabdalla oo u arka in midka Jabuuti lagu doc faruurayo.

    Raga loo maleynayo iney wataan sida Nuur Cade iyo Axmed C/Salaam waxey kala mid iyo mawqifba yihiin C/Laahi Yuusuf.

    Hadaba shirkaan yaa wata ujeedadiisuse maxey tahay weeye su,aashu?

    Sida wararka ku heleyno waxaa jirta oon qarsooneyn in Kenya iyo Itoobiyaba ay ka niyad jabeen shirka Jabuuti oo safiirkii Itoobiya xataa loo diidey inuu ka qayb galo shirkii Jabuuti.

    Marka shir ay iyagu kaas ku fashiliyaan ama ay majaraha u hayaan ayey ka damacsanyihiin iney meesha ka abaabulaan.

    Hadaba muxuu soo kordhinayaa shirka noocaas ahi?

    Kaalinta labada shariif ee ku aadan shirkaasna faalo tan ku xigta ayaan ku sheegi doonaa.

    wadaad yare | Oct 20, 2008 | Reply

  19. Warar aan la hubin oo tuhun ah ayaa soo baxaya oo sheegaya in labada shariif oo aan isbaheysigooda Jabuuti la socon ay u dhuun duleelaan shirka Neyroobi.

    Hadey taasi jirto iyo hadeysan jirin waxaa laga ogaan doonaa sida xaaladuhu u dhacaan. Laakiin hadey xaqiiqo noqoto in labada Shariif ku lug yeeshaan shirka Nayroobi waxaa dhab noqoneysa warkaan hada jira oon la hubin. Taasoo ka dhignaan doonta iney labada Shariif mar labaad hadana ka dhuuntaan isbaheysigii Jabuuti, dawlada Jabuuti iyo Wald Cabdalla.

    Hadeysan dhicin taasi maba dhicin oo ka hadalba ma leh ee hadey dhacdo maxaa keeney?

    Ilaha aan warka ka heley waxey sheegayaan in sababtu tahay in Itoobiya Sh. Shariif si qarsoodi ah ugula kulantey Yaman ayna wax isla meel dhigeen. Hadaba waxaasi maxey noqon karaan?

    Waxaasi waxaa la tuhmayaa iney noqdaan in kursiga C/Laahi Yuusuf isaga lagu fariisiyo. Balantaas waa mid looga bixi karo, waana mid loo oofin karo. Dadbaa qaba in looga bixi doono markii weesada laga jebiyo.

    Hadaba hadii sidaas noqdo xaalku oo balantaas loo fuliyo oo madaxweyne Sh. Shariif loogu soo caleemo saaro Neyroobi ayna tahay Itoobiya iyo Kenya waxa arintaasi ka danbeeya sidee xaalku noqonayaa? Soomaalidu ma aqbaleysaa?

    Koley xaglo geel wax gunti la geliyo ka weyn ee tuhunka jiraa ama beentii carada lala wareegayey ayuu noqon doonaa ama wuu dhaboobi doonaa.

    Dawlada Itoobiya iyo Kenya waxey beesha caalamka hada ka gadeysaa iney soomaalidii oo dhan iyada gacanteeda ay soo galeen. Qaarna hore ayeyba masuul uga aheyd, qaarkii kale madaxdoodina si qarsoodi ah ayay isku af garteen. Marka beesha caalamku waa iney iska ilowdo shirka Jabuuti oo usoo jeesato dhankaas iyo Kenya!

    Ilahaas aan warka ka heley waxey tibaaxayaan in beesha caalamku yaabantahay oo ay leeyihiin hadey sidaas jirto meeshaan bayba ka dhowdahaye maan aragno. Taasna wax kale iska daaye shirkii jabuuti oo awalba aan leysku waafaqsaneyn ayuu meesha ka saarayaa. Laakiin hadey taasi dhacdo oo labada Shariif arintaasi ku cadaato, way adkaan doontaa in la helo sabab danbe oo leyskugu sii khilaafo oo arintooda ku saabsan.

    Tuhunkaasi waxaan usoo gudbiyey in isha lagu sii hayo hadey sidaas si la mid ah wax u dhacaan. Hadii ugu yaraan labada shariif shirkaas Nayroobi ay xataa ka qayb galaan macnaheedu waxaa weeye tuhunkii wuu ku cadaadey.

    Indhaha hala furo hana lala socdo sida wax u dhacaan. War jiraaba cakaaruu imaane, inshaa allaahuye.

    wadaad yare | Oct 20, 2008 | Reply

  20. Assalamu Caleikum Wadaad Yare,
    Tuhun iyo kutiri kuteen iyo taswiishka daa. Aniga dad ahaan waxaa wax badan ii dhow Sheikh daahir Uweys asaga ayaan shaqsiyan u aqaan ee sheikh shariif waligey lama kulmin. Laakiin haddii meesha cadli iyo daacadnimo jirto, meesha qofka wax isku dayaya oo ordaaya oo kufaya oo dhacaya ooo ilaa hadda si daacadnimo ah raba in somalia dhibka jirta ka baxdo waxaan u arkaa qolada jabuuti oo sheikh shariif hugaamiyo, haddii u shaqeyso iyo haddii aysan u shaqeynba. Bani-aadamka xukun jeceyl waa isaga jiraa, laakiin nimankaas waxaan u arkaa niman mamda’oodu ka weynyahay dantooda oo ay ka go’antahay in Somalia la badbaadiyo oo ethiopia waddanka laga saaro. Haddii aad raacsaneyn iyo haddii kale sidaas aan u qirno. Isbeheysida wixii indheer garad lugu sheegi lahaana sheikh shariif ayey la taliyaan. Oo ma aha nin kaligiis iska ordaya ee waa nin ku socda amar koox iyo maskax isku tegtay. Waxay go’aansadeen in falkeed qabtaan sidii somalia xornimadeedii loogu soo celi lahaa. nimankaas haddii ay yoolkooda ay isha ku hayaan, ciddii ay rabaan ha la kulmaan, meeshii ay rabaanna shir ha u aadaan.
    Adeerkey Daahir Aweys ma rabo inaan meesha ku faaqido, laakiin wax saasa oo weyn haka suginna asagoon xumaan oga jeedin, hadana badanaa taladu uma toosto.
    –nuuryare
    w/a

    Nuur | Oct 20, 2008 | Reply

  21. Waddad yare,

    Thanks for the fair assessment. Waxaad sheegtay waa arrimaha la siisaadaaliyeey iyo qaar kaloo badan.

    Marka sheekaddu waa: ”Aleysa subxu bi qariib”

    Moggeh

    London UK

    Moggeh | Oct 20, 2008 | Reply

  22. Nuur

    tashwiish ulama jeedo ee foojignaan inaan muujino rageena qunyar “socodkaa” ayaan ula jeedaa. Saan hore u sheegeyna shirkaani waa mid lagu dhabar jebinayo kii Jabuuti ee maahan mid dhameys tiraya. Isagoo sidaas ah oo Itoobiyadii eeda la ogyahay naga gasheyna ay wadato hadii maslaxada raadinteedu la gasho hogaamiyeyaasheena iney xer u noqdaan Itoobiya oo galaan kaalintii Impagati amaba Impagatidiiba hogaankeeda ay u dhiibtaan kuwii eeda naga galey sidee arintaasi kula tahay adiga?

    Hadeysan taasi dhicina hade doodba ma leh oo waa sidii la rabey.

    Sh. Shariif soomaalidu madaxweyne u dooratey iyo mid Itoobiya u dhiibatey adiga ma iskugu kaa mid baa mise labo ayey kuu kala yihiin?

    wadaad yare | Oct 21, 2008 | Reply

  23. yaa muslimiin intaanu maqlayno magacyadan faraha badan ee islaam huwan Guul Rabbi arki mayno,nooc walba oo ay yihiina macno smayn mayso intay qabaan magacyadan feega ee anagaa ka dambeyney ah. Daliilna waxaa u ah Saxaabigii dagaalkii Beder nina safka quraysh ahaa soo qabtay ee rasuulka u keenay ee ninkii yiri ima soo qaban ninkani mana awoodin ee nin aanan hadda arkin baa i qabtay,anigaa soo qabtay buu ku dooday , rasuulkuna wuxuu yiri iska aamus malag barakaysan baa kugu saacidey inaad qabatide!.
    ninkatoo amrka wax sheegta waa BADALA.Rabbii towfiiqduu guusha ku dhiiba iskama bixiyo.

    la yaab | Oct 21, 2008 | Reply

  24. asc oll wan salaamay muslimiinta dhamaan weena ku mahad san yihiin wabka beerdhiga fariinta ee noo gudbiyeen waana mid noo qaboojisay laabta ….

    asadu laah | Oct 21, 2008 | Reply

  25. Ilaahay bay mahad idilkeed u sugnaatay, nabadgalyo iyo naxariisna ilaahay korkiisa ha ka yeelo nabigeenii Muxamed(scw), iyo Ehelkiisii iyo Asxaabtiisii iyo intii wanaag ku raacday ilaa maalinta qiyaamo.

    Waxaa la yiraahdaa guul waxaa ugu fiican , jabka cadawgaagu qirto. ilaahay waxaan ka baryayaa inuu gaalada jabiyo , Muslimiintana u gargaaro oo dariiqa xaqa ah ku toosiyo.

    Diinteenu waa diin ku dhisan cilmi, bilow iyo dhamaadba , camal kasta oo la qabanayaana hadaan cilmi lagu dhisin(ittibaac) iyo Ikhlaas laguma liibaano ilaahayna ma aqbalo , marka anigu waxaan oran lahaa dadka ahlu cilmiga ah oo waliba cilmigoodu aad u xeel dheer yahay dadka ha hogaamiyeen iyagana talada ha laga qaato si guul iyo midnimo loo gaaro cadawguna u jabo , tafaraaruqana looga badbaado , raali ahaanshaha ilaahayna loo gaaro.
    Walaahu waliyul Muminiin.

    Waayeel | Oct 21, 2008 | Reply

  26. Ku; Nuur

    Salaan sare kadib, walaal si dheelitiran ayaad arrintaa uga faalootay oo guud ahaan fikradaas waa midda ay muujinayso astaamaha siyaasadeed ee iminka kajira Geeska Afrika.

    Waa markii ugu horaysay ee an arko qof Soomaaliyeed oo sidaa u qeexa arrimaha haddeer jira baan filiyaa. An kusiyaasido in Zenawi uu aaminsan yahay in Soomaalidu ay tahay dad camalkooda caqligooda uu maamulo oo isla markaana ah dad caruur oo kale loo ciyaarsiin karo, maangaab ah, IWM.

    Mooge | Oct 22, 2008 | Reply

  27. waa shey muhim ah in labadalo hogaank dalka een lagu badalo hogaamiyaha maxkamada silaamiyiinta waa arimo loo bahana mar hore marka waxaa laga yaabaa arimaha somaliya marka sin ay wax iskabdalaan ayaeey ubadantahay taa hadii lahelo

    abu riaihaana | Oct 22, 2008 | Reply

  28. a.c.w. salaan ka dib walwalka ugu badan ee ihayo waa waxa uu soo goconayo shariifka marwalba waxaa umuuqata shariif jago wuxuuna ku istareexi hoteelada caalamiga walaalkeen aasbora wuxuu ku shahiiday buurtii matabaan waxaan aad uga cabsan in madax wayne la yiraahdo oo koofida iyo kitaabka dhigo oo uu nagu soo hogaamiyo cadow ka wayn itobiyo oo ah maraykan iyo nato waxaan ka cabsan inaan aragno shariif oo leh argagixisada hala laayo itoobiya waa jabtay mana joogayso inshaalaah ee shariif ilaahay ka yaab

    max\med cali xaaji | Oct 23, 2008 | Reply

  29. Isbaheysiga garabkiisa Jabuuti dhaliilo badan way lahaayeen, laakiin ilaa hada dad badan waxey ugu muuqdeen dad dadaalaya oo maslaxada soomaaliyeed meelo badan u gelaya.

    Hadiise ay soo baxdo iney qadiyada Soomaaliyeed dib ugu celiyaan iney Itoobiya maamusho oo ay Nayroobi iska xaadiriyaan, ma noqonayaan qabqableysaahii oo kale ee way ka liidan doonaan. Qabqableyaashu cidna ma siri karin, laakiin dadkii la aaminey hadey ogolaadaan in Itoobiya weli u noqoto oo jagaayin ka doontaan meeshaas fitno aan xadigeeda la qiyaasi karin oo jiilal badan iska dhaxlaan ayaa kasoo bixi doonta.

    Hadeysan jirin oo cabsi aan loo baahneyn tahay waa kheyr, hadioise aad maqashaan Sh. Shariif ayaa Neyroobi iska xaadiriyey afartii janaazada ayuu xageyga ka qabaa hogaamiye nimadiisu.

    wadaad yare | Oct 23, 2008 | Reply

  30. asalaamu caleykum
    walaalaha muslimiinta ah oo dadaalkaan muujiyay waa idin salamay,walaalayaal waad ku mahadsantihiin dadaalka aad muujiseen allana ha idinka ajir siiyo dadaalkiina warbaahineed,run ahaantii waa qeyb jihaadka kamid ah, waana sax maanta ethiopia meel aay fursad aay kubaxdo aay ka hesho ayey raadinee, wax nabadsugid layiraah qalbigeeda wuu kabaxay,walaalyaal kudadaala sidaa sirtooda usoo bandhigi laheeydeen, mida kale oo oran lahaa walaalaha mujaahidiinta ah oo cadowgeena cashirka lama iloobaanka tushay allana lakaashaday waxaan oran lahaa meel kasto aay joogaan ahaada kuwa mideysan oo halfikir isku garabsado,walaalayaasha mujaahidiinta ahow habadinina firqooyinka ,walaalaha mujaahidiintow ku dadaala sidii aad u midoobi laheydeen, walaalaha mujaahidiinta ahow maanta waxa sii mareysaan intaas oo groups, taasna inooma wanaagsana maanta lama jooga waqti firqo firqo lakala noqdo, walaalaha mujaahidiinta ahow (gacmo wadajir ayey wax ku qabtaan) ee maanta cadowgu waan ka guuleysanay allaha idinkiis ee ku dadaala sidii aay u imoobi laheydeen oo hal amiir uyeelan laheydeen, walaalayaal firqado dadka wey kala fogeysaa ee yareeya firqooyinka, walaalaha mujaahidiinta ahow yareeya dagaal kala sheegashada ah yuusan naga noqonin istustus allaha naga koriyee,midooba mibooba midooba,guusha gacantiina ayey ku jirtaa alle idinkiis,waxaan idin leeyahay nasriga alle wuu dhowyahay, allaah guusha ha idinsiiyo wabilaahitowfiq.

    moxamed | Oct 23, 2008 | Reply

  31. awalan ilaahbaa mahad dhamaanteed u sugnaatay nabigiisan nabadgalyo iyo naxariis korkisa alaha yeelo intaa kadib waxaan aad ugu mahadcelinayaa webka somalimirror oon isleeyahay hadaan been iska ilaaliyo waa webka kaliya ee fahmay shirqoolada cadawga iyagoo waliba dadaal aan lasoo kobi karin kubixiyay ushaqaynta dadka soomaaliyeed kana dheeraaday cadifada soomalida lagu yaqaano marka walaalayaa anigu kolay ra’yigayga waxaa u yhaya inaad hawshiina kabalaarisaan webka kaliya e aad noo furtaan idaacad hadii ala idmo inataas waa codsi ay dad badan ila qabaan waa hadii ay suura gal noqota .

    inata kadib waxaa layab leh dadka soomaaliyed ee arka guulaha usoo hoyanaya hadana aan kafikirayn sidii bal hadii xornimo lehelo sidee dalkan loomaarayn lahaa ee nin walba uu qumanihiisa qoorata ugu jiro marka anagu waxaan kolayba isaga celcelinaynaa walaalayaal dadka maanta dadaalka bixinayoo khilaaf waxba ino keenimaayee danta umada halaga hormariyo mida gaar ahaaneed oo dadka soomaaliyed culimooy idinkaa wax quman usoo haray ee bal idinkuna hanagu noqonina hogaamiya kooxeed yadii ookale oomarkaa wadanka laka qaybqaybsado insha alaah ilahay khyrk ha idin waafajiyo kolay waxa noo muuqda ee khilaaf ah niyada ayuu wax udhimayaa ee wabilaahi tawfiiq www

    salaax | Oct 23, 2008 | Reply

  32. asc,
    Hadda waxa IGAD casuuntay sida aan maqlay ASR kuma jirto. Aniga ilaa hadda sida aan ugu Ammin qabo sheikh shariif qoladiisa waa dad talo arrinta ku wada, xattaa haddii arrin weyn ku dhaqaaqayo meeshii loo bato gudaha iyo jabuutiba ayuu ku dhaqaaqayaa markii la isla faaqido kadib. Hadba heer ayey meeshu mareysaa laga yaabo aakhirka inay gaarto in la is yiraah war maanta waa liidannaa inta aan ka xoogeysaneyno oon ka tabareysanneyno ethiopia aan heshiis hanooga baxdo. Taas waxay noqo kartaa in ethiopia toos loola hadlo ama waasidoo sida hadda jabuuti ka socota. Laakiin anugu fakar ahaan, in ethiopia shir ay guddoomineyso aan la aadin hadda aad ayaan u raacsanahey, taasna u maleymaayo iney sameynayaan ragga jabuuti hadda.
    –Nuur
    w/a

    Nuur | Oct 24, 2008 | Reply

  33. Asaalam aleykum,

    waxaad moodaa in la haanshaha iyo xal u helida Soomalia in ay qolodan wadaadada dhaxal u yeeshayn. Taasi, ruuntii ma ah xaqiiqo jirta. Waayo, ummadda somaliyeed isku fikir ma ahaan waxayna ka mid tahay ’sunaanka’ Allah, oo wuxuu quraanka ku sheegay: ”waloow shaa’a llaahu la jacalakum umatan waaxidatan - ilaa akhiril aaya”. Waxaa jira kuwo aaminsan democracy- western style, kuwo socialism aaminsan, kuwo qarankii moro qabiil kadoortay, kuwo aaminsan la midoowga xabashida iyo qaar kaloo badan.

    Aniga shaqsi ahaan waxaan aaminsanahay islamic democracy iyadoo aynu waxyaabaha fiican aynu ka soo qaadano reer bariga iyo reer galbeedka kadibna aynu ku dabakhno dhaqanka suuban ee soomalidda iyo Islaamnimada si aynu ula soo baxno ” a modern somali nation-state” oo runtii ka turjmi karta rabitanka somali oo dhan. Iyadoo waliba na gaarsiin karta horumar dhaqan dhaqaale iyo baraare.

    Gelle

    Gelle Barre | Oct 24, 2008 | Reply

  34. To: Gelle

    Intaasoo fikradood oo kala gedisan oo soomaalidu kala qabto sidii loo kulmin lahaa oo hal meel leyskugu keeni lahaa ayaa adag. Wadaadada waxaa siyaasada Soomaaliya dhaxalka usiiyey waa fashilka weyn ee siyaasiyiintii aan wadaadada aheyn ku dhacey. Kuwaasoo intey qaab qabiil u kala baxeen, hadana qaab jilibyo hoose u kala baxeen, ugu danbeyntiina isku badaley danley calooshood u shaqeystayaal ah.

    Wadaadadu waxey goobta lasoo galeen fikrad iyo ficil ka badalan wixii siyaasiyiintii qabyaaladu ku fashilmeen. Sidaas ayeyna taageerada ku heleene waxba hala yaabin ha ku cawryin iney isku arkaan iney siyaasada dhaxal u heleen.

    Maka soo bixi doonaan wadaadadu xilkaas mise iyaguna sidii kuwii ka horeeyey ayey la kufi doonaan waa arin kale oo dood gooni ah u baahan, laakiin wadaadadu meel cidlaa ayey ka qaadeen hogaanka umada.

    Tan dimuquraadiyada, anigu ma qabo iney tahay dood hada waqti xaadirkaa taagan loona baahanyahay. Waxaa la yiraahdaa taraf fikri ama faakiheysi afkaareed oo waxey la mid tahay qof macluul la dhiman raba oo loo keeno dood ah horta baasta alfoorno iyo bariis hilib leh kee fiican, isagoonan qofkaasi markaas heysan aysana u muuqan wax uu nafta ku ceshado!

    Waan hubaa hadii caqli caafimaad qabaa soomaali ku harey in waxa ugu horeeya uu yahay sidii doonta sii degeysa loo badbaadin lahaa.

    Doon sii degeysa dad wada saaran waa u caqli xumo ayaan qabaa iney isku kala qaybiyaan diimo, mathaahib iyo midabyo. Fikirka caafimaadka qabaa oo dadkaas la gudboon waa iney arimihaas xaga iska dhigaan ee ay u midoobaan sidii doonta loo samata bixin lahaa.

    wadaad yare | Oct 24, 2008 | Reply

  35. aniga fakirkeyga waan in aya etothpia waa in ay dalkeyna kabaxaan marka hore bilaa sharuud la aan in aya jogaan waan la dagalameynaa fikirka ethopia aya ka amisan tahay soomali waa mid qaldan sidasi ayaan dhihi lahaa

    abdirizak | Oct 26, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo