Warbixin: Dhibaatooyinka Haysta Dadka Naafada ah ee ku jira Xeryaha Qaxootiga

qaxooti-2.jpgBarnaamijka qaxootiga oo aalaaba aan ku soo qaadano dadka Soomaaliyeed ee ka barakacay deegaanadoodii kadib dagaaladii iyo xasuuqyadii ay dalka Soomaaliya gaar ahaa Gobolada Koonfureed ka gaysteen ciidamada gumaysiga Itoobiya waxaan kalkan ku soo qaadanaynaa dadka Naafada ah ee ku jira xeryaha qaxootiga ku yaalad duleedka Muqdisho kuwaas oo ay halkaas ku haysataan dhibaatooyin aan lasoo koobi karin.

qaxooti-2.jpg

Dhibaatada Qaxootinimo oo ay hoyga u noqdeen inta badan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ka barakacay gobolka Banaadir kadib markii ay xooga ku soo galeen ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa waxay dhibaatadu dadka u kala saamaysay sida ay u kala nugul yihiin waxaana ka mid ah dadka ay dhibaatada ugu daran soo food saartay dadka laxaadkoodu naaquska yahay oo ay maqan yihiin qaybo ka mid ah lixdooda lixaad.

 

Xaalad nololeed tii ugu darnayd ayaa soo food saartay kumanaanka ruux ee  naafada Soomaaliyeed ah kuwaas oo ku dacdaraysan inta udhaxaysa Magaalada Muqdisho iyo Afgooye ,dadkaasi waxay kamid yihiin dad hal milyan kor u dhaafaya oo ka barakacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho kadib markii ay si arxan darro ah hubka Culus ugu garaaceen Ciidamada gumasyiga Itoobiya goobihii ay deganaayeen. 

qaxooti-1.jpg

 

Dadkan ayaa barakacayaasha kale waxay kaga duwan yihiin iyaga oo ah Naafo Nuqsaanuna uga jirto haykalka Jirkooda mana aha dad ka bixi kara Duruufaha Qalafsan ee Qaxootiga Soomaaliyeed ku haysta goobaha ay u barakaceen waxayna dadka caadiga ahu kaashanayaan awooda Eebe siiyay ee lixaadka taas oo inta badan sabab u noqota in ay xaliyaan qaar ka mid ah mashakilkooda. 

 

Dadka naafada ah ayaa waxaa xeryaha Qaxootiga ku soo abaaray dhibaato naxdin leh waxaana qaar ka mid ah ay dantu ku qasantay in ay dawarsi gacmaha u hoorsadaan ayaga oo ay ka muuqato diif aad u baaxad weyn.

 

Mar ay inoo suurta gashay in aan booqasho ku tango Xeryaha ay degan yihiin Dadka Barakacay ee ku yaala deegaanada Ceelasha Biyaha, Jaamacaddi Hore ee Lafoole, iyo Xaawo Cabdi , ayaan halkaa ku soo aragnay muqaal murugo leh oo laga dheehanayay wajiyada Dadka Curyaamiinta ah ee ay ku habsatay musiibada Qaxootinimo kuwaas oo isugu jiray Indhoolayaal iyo kuwo kale oo ay ka maqanyihiin xubno muhiim ah sida lugaha & gacmaha. 

 

Dadka Naafada ah ee aan ku soo aragnay xeryaha qaxootiga waxaa ka mid ahaa Dhalaan iyo dad waaweyn oo xubnahoodii qaaliga ahaa ku waayay madaafiicdii iyo  hubkii cuslaa ee ay ciidamada gumaysiga Itoobiya la dhacayeen goobaha dadka rayidka ah degan yihiin ee Muqdisho iyo kuwo kale oo xubnahooda ku waayay dagaaladii sokeeye ee dalka Soomaaliya ka holcayay muddadii 17 sano ahayd ee la soo dhaafay. 

 

 Xeryaha dadka ka barakacay Caasimadda Soomaliya ee ku yaala inta u dhaxaysa Degmada afgooye iyo Muqdisho waxaa ka mid ah xero ay si gaar ah ugu nool yihiin dadka curyaamiinta ah waxaana afaafka hore ee Xeradaas ka muuqanaya boorar ka turjumaya in ay goobta ku noolyihiin dad curyaamiin ah waxaana noo suurta gashay in aan gudaha u galno xeradaas si aan wax uga ogaano duruufaha gaarka ah ee ku taxaluqa dadka curyaamiinta ah ee laga salkiciyay deegaanadooda waxayna indhaheeno durbadiiba qabteen dad ay isugu darmadeen dhibaatooyin xagga nuqsaanta laxaadka ah iyo dhibaatadaka dhalatay xaaladda qalafsan ee Qaxooti nimo. 

 qaxooti-3.jpg

Dadkan qaxootiga ah misna curyaamiinta ah waxay guud ahaan dadka kale ee qaxootiga ah kala midaysan yihiin dhibaatooyinka dhinacyada Nolosha, Hoyga, Biyaha, Caafimaadka, waxbarashada, iyo amaanka waxaana jira durufo si gaar ah ayaga u taabanaya oo aysan qabin qaxootiga intiisa kale. 

 

Xeradda Qaxootiga ee ay ku noolyihiin dadka Curyaamiinta ah waxaa ka mid ahaa dadkii aan kula kulanay Hooyo magaceeda ku sheegtay Faadumo Axmed C/raxmaan haysatana canug yar oo curyaan ah ayaa waxaan ka waraysanay xaaladdeedu sida ay tahay waxayna tiri “Dhibaatada aan ku jirno ma’ahan mid loo dul qaadankaro waayoo mahaysano maanta wax aan quudano, nolosheenu waa mid aad ciriiri u ah oo waxaan quudanaa Masago iyo Galey aan nagu filnayn”.

qaxooti-4.jpg

  

Haweeneeyda oo ka hadlaysay dhibaatada ka haysata dhinaca biyaha ayaa waxay tiri ” Mahaysano Biyo waxaanan helnaa wax aan kaafi ahayn oo xitaa kama qubaysano noogumana filna raashin kariska”. 

 

Faadumo oo wajigeeda laga dheehanayay dhibaatada haysata ayaa ayada oo warkeeda sii wadata waxay tiri “Ma aqaano meel aan shaqo u doonto haddi aan wax isku dayi lahayn meel kasta waxaa noo fadhiya Amxaarada iyo kuwa marya calasta, waxaan u baah naan lahayn gargaar deg deg ah in ay nala soo gaaraan Beesha caalamka iyo ummada Soomaliyeed ee dibeda kunool ” waxayna intaa raacisay  in dhibaatooyinka Nolol xumo ay u dheertahay Amaan la’aan ku haysata xeryaha ay ku sugan yihiin oo ay cabsi wayni soo wajahdo xilliyada ay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ku safrayaan ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo kuwa la shaqeeya oo dhawr goor goobaha loo barakacay ka gaystay xasuuq iyo saqiir gawrac ay kula kaceen dadka qaxootiga ah iyo rayid kale oo ku safrayay wadada. 

 Ugu danbayntii dadka qaxootiga ah ee Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa curyaamiinta ah ayaa waxaa haysata dhibaatooyin qalafsan waxaana isugu darmaday Nolol xumo ka dhalatay qaxa,sicir bararka maansheeyay dhamaan gayiga Soomaaliya, iyo shaqala’aanta oo ay dheertahay Caafimaad darrada, waxbarasho la’aanta iyo amni xumada, waxayna u baahi qabaan gargaar dhinaca eebe uga yimaada kadibna waxay gurmad iyo gacan qabasho uga fadhiyaan walaalahooda muslimka ah ee awooda in ay wax u qabtaan.  

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

Fikrad ka dhiibo