Weerar lagu qaaday Ciidamada Gumeysiga Itoobiya

iska-horimaad.jpgSaaka Waabarigii hore ayay Xoogaga Al-Shabaab weerar ka fool ka fool ah ku qaadeen ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee Fariisinka ku leh Cali Kamiin Degmada Wardhiigleey ee Magaalada Muqdisho.       weerarkan oo in mudo ah socday ayaa la isku adeegsaday hubka Qoryaha garabka laga rido (Saban) iyo Qoryaha kale ee sida daran dooriga u dhaca iyo waliba waxyaabaha Qaraxa waxaana Dhawaqa rasaasta la isweydaarsanayay laga maqlayay qeybo ka mid ah Degmooyinka Magaalada Muqdisho.            lama sheegi karo illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, balse Xoogaga Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay dileen 4 Askari oo ka mid ah Ciidamada Gumeysiga Itoobiya 2 kalana ay dhaawaceen, iyaga oo sidoo kale sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo xagooda ka soo gaaray dagaalkaasi.           Dhinaca kale Hal Nin oo Darawal ah ayaa ku dhaawacmay Isgoyska Baar-Ubax ka dib markii ay haleeshay rasaas ay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ka soo rideen dhinaca Cali Kamiin.             Mana jirin wax madaafiic ah oo ay ciidamada gumeysiga itoobiya ku garaaceen xaafadaha magaalada Muqdisho sidii looga Bartay marka weerar noocan oo kale ah lagu qaado.           Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee fariisinka ku leh Cali Kamiin ayaa lagu tilmaami karaa kuwa ugu weerarada yar marka loo fiiriyo weerarada ay xoogag Muqaawamadu ku qaadaan Fariisimaha kale ee ciidamada Gumeysiga Itoobiya.  

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco        U dir saaxiib U dir saaxiib
1 Star2 Stars3 Stars4 Stars5 Stars
Loading ... Loading ...

Fikrad ka dhiibo