Markab la Afduubtay
By Somalimirror on 11 Oct, 2008 12:38 PM in Main, Wararka
Mas’uul ka mid ah Maamul Goboleedka Puntland ayaa sheegay in Burcad Badeed Soomaali ah ay Shalay oo Jimco ahayd ka afduubteen Markab Siday Shamiinto meel u dhaxeysa Soomaaliya iyo
Markabka la Afduubtay oo lagu sheegay Magaciisa “Wayl” ayaa sitay Calanka
Cali Cabdi Awaare oo ka mid ah wasiirada Maamul Goboleedka Puntland ayaa sheegay “waxa la afduubtay Markabka Wayl oo uu ka dulbabanayo calanka Panama habeenimadii Khamiista xili uu soo marayay inta u dhaxeysa Jasiirada Saqdarah iyo Boosaaso” wuxuu kaloo intaa raaciyay “shaqaalaha saran Markabka waxa ay ka koobanyihiin 11 qof, 9 ka mid ah waxay u dhasheen Suuriya 2-na soomaaliya”.
Arintani ayaa ku soo beegmaysa iyada oo shalay ay Burcad Badeed soomaali ah sii daayeen Markab ay leedahay Dowlada Iiraan oo siday Badeecooyin iyo shaqaale ka koobnaa 29 qof ka dib markii 7 isbuuc lagu haystay xeebaha soomaaliya.
Sidoo kale 12 Bishii August ayay ahayd markii Burcad Badeeda Soomaaliya ay ka afduubteen gacanka Cadmeed Markab laga leeyahay dalka Japanka kaas oo ay ka soo shireecday Faransiiska kuna sii jeeday dalka Hindiya.
Daabaco
Fikrad ka dhiibo