Markab Dekeda Muqdisho ku Xiran oo Qarka U Saaran in uu Dego

markab1.jpgMarkab kuwa xamuulka qaado ah oo shaley galab ku soo xirtey dekeda weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa qarka u saaran in uu quuso cilado xoogan oo la soo gudboonaadey owgood.

 

Markabkan oo ilaa iyo hadda aan la shaacin dalka laga leeyahey ayaa sida shixnado isugu jira, Gaadiid iyo Shamiindo waxa uuna u raran yahey ganacsato reer Muqdisho ah sida ay inoo xaqiijiyeen dad ka agdhow dekeda muqdisho oo nala soo xariirey.

  

Wararka Dekeda laga helayo ayaa sheegaya in ay jiraan howlo lagu doonayo in lagu bad baadiyo markabka kuwaas oo ay iska kaashanayaan ganacsatada uu markabku u raran yahey iyo ciidamada amisom ee  ku sugan magaalada muqdisho.

  

Markabka oo u muuqda mid duug ah oo gaboobey ayaa waxaa lagu waramaa in dhanka danbe biyo badan ka soo galeen kuwaas oo halis u ah in markabku la suuqo sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadkii kor tegay markabka oo aanu la xariirney.

  

Sido kale markabkan ayey intii uu dariiqa ku soo jirey waxa soo gaarey dhaawacyo kala duwan kuwaas oo u badan dhanka mashiinka, mana muuqato dadaal dhanka farsamada ah oo lagu doonayo in wax looga qabto marka laga reebo isku day lagu bad baadinayo shixnada saaran.

  Dadka qaar, gaar ahaan kuwa ka howl gala dekeda muqdisho ayaa u arka in markabkan oo ah mid gaboobey loogu talo galey in biyaha soomaaliya lagu soo fegeeyo oo ku dego, arintaas oo hadii ay dhacdo dhibaato weyn ku ah howlaha dekeda iyo dhaq dhaqaaqa kala duwan ee gaadiidka badda soomaaliya.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

Fikrad ka dhiibo