Iska hor’imaad in muddo ah socdey ayaa duhurnimadi maanta ka dhacey qeybo ka mid ah jidka Warshadaha ee Degmada Yaaqshiid oo fariisimo ciidan ku leeyihiin Ciidamada Gumeysiga Itoobiya iyo kuwa la shaqeeya ee DKMG ah.
Iska hor’imaadkan ayaa yimid ka dib Xoogaga Muqaawmadu weerar kedis ah la beegsadeen fariimada Ciidamada Gumeysiga Itoobiya iyo kuwa la shaqeeysa ku leeyihiin Isgoyska Miisaanka Dhuxusha iyo Stadium Muqdisho ee xaafada Towfiiq.
Dagaalkan oo markii hore ku bilowdey gantaalada garabka laga rido, ayaa markii danbe isu bedelay mid ka fool ka fool ah kaas oo la asidu adeegsadey hubka yar yar noocyadiisa kala duwan.
Dagaalka ayaa sidoo kale ku fidey fariisimo cusub, sida isbitaalka Carafaat iyo Saraha Ceymiska oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Gumeysiga Itoobiya iyo DKMG ah.
Lama oga khasaaraha guud ee ka dhashey iska hor’imaadka duhurnimadii Maanta ka dhacey qeybo ka mid ah Jidka Warshadaha ee Degmada Yaaqshiid kaas oo yimid ka marki weerar gaadmo ah lagu qaadey Ciidamo halkaa ku sugnaa.
Weerarkan mid la mid ah, ayaa aroor nimadii saaka sidoo kale loola beegsdey Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee ku sugan Isgoyska cali kamiin ee Degmada xareryaale, kas oo inta la ogsoon yahey ay ku dhinteen 4 askari oo ka mid ah kuwa Gumeysiga sidoo kale ay dhaawacmeen 2 askari oo kale.
Weerarada gaadmad ah ee noocan oo kale ah, ayaa ah kuwo ay khasaarooyin xoogan ka soo gaaraan Ciidamada kala duwan ee lala beegsado ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Related posts: