Dr .Cumaan Imaan oo xaley marti u ahaa Kanaadka Al-Jazeera kana hadley Arimo Badan oo Soomaaliya ku Saabsan

dr-cumar-iimaan.jpgDr. Cumaan Imaan Abubakar oo ah Gudoomiyaha MMIS, Garabka Asmara oo xaley marti u ahaa Kanaalka Al-Jaziira qeybtiisa “Mubaashar Maca” ayaa ka waramey arimo dhowr ah, sida Heshiiska Jabuti, aragtidooda ku aadan DKMG ah iyo Ciidamada Gumeysiga Itoobiya iyo Bixitaankooda, xiriirka ay la leeyihiin Xoogaga Muqaawamada ee Gudaha, Mowqfikooda ku aadan Sh Shariif Sh Axmed, Xalka Soomaaliya halka uu ku jiro iyo Dowlada ay doonayaan wadanka in ay ka dhisaan nooca ay tahey..  

Ugu horeyn soo gelitaanka Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee Soomaaliya iyo dhibaatada xoogan ee shacabka gaartey ayuu dusha ka saaran DKMG ah ee hadda wada hadalada kula jirta isbaheysiga dibu xoreynta garabka jabuti, waxa uuna ku tilmaamey heshiiskii jabuti shir qool loo maleegayo umadda soomaaliyeed oo aan wax dan ahi ugu jirin, sidoo kale looga gol leeyahey bad baadinta ciidamada gumeysiga itoobiya ee ku jabey dagaaladii ay la galeen xoogaga muqaawamada soomaaliyeed.   

Wixii ka soo baxey shirka jabuti ayuu ku tilmaamey waxba kama jiraan,xujana uma aragno ayuu yiri in ay badan yihiin raga jabuti ku sugan maadaama ay khilaafsan yihiin ujeedooyinka iyo mabaadii’da muqaawamadu iyo shacabku xambaarsan yihiin.     

Kala jabka isbaheysiga ka dib, wax qabadka u qabsoomey labada dhinac mar uu ka waramayey waxa uu sheegay in dhankooda mowqfika ku aadan muqaawamada ayna waxba iska bedelin balse dhanka garabka jabuti marka laga reebo kulamo ay la yeesheen Q.M iyo DKMG ah ayna waxba uga qabsoomin qodobadii la gula heshiiyey kuwaas oo uu ka mid ahaa in xabada laga joojiyo ciidamada itoobiya iyo kuwa la shaqeeya ee DKMG ah arintaas oo khilaafsan ujeedka iyo ahdafka muqaawamada.     

Xalka soomaaliya mar uu ka waramayey ayuu sheegay in aanu ku jirin DKMG ah iyo ciidamada itoobiya oo lala xaajadoodu oo iyagu saldhig u ah mushkilada wadanka ka taagan, balse xalku yahey in arinta soomaaliya iyaga uun loo dhaafo waxa uuna tusaale u soo qaatey xillii MMIS ka jireen koonfurta soomaaliya oo uu sheegay in ay xaqiijiyeen wax badan oo dowlada hadda jirta qaban iyo hogaamiye kooxeedkii iyada ka tirsaneyd ee xididada u siibeen.    

Haddii ciidamada itoobiya baxaan sida uu dhigayo heshiiska jabuti, sida uu arko dowlada KMG ah iyo dowlad kale oo la dhisaba waxa uu sheegay in ay mustaxiil tahey ciidamada itoobiya in ay baxaan oo dowlad aDKMG ah si joogto wadanka hal daqiiqaba ha ahaatee, balse ka hor inta ayna bixin in ay iyadu baxeyso oo addis ababa uga sii hormareyso sida uu hadalka u dhigey Dr cumar imaan amaba ay bur bureyso oo kala tegeyaan.   

Ciidamado shisheeyo oo bedela kuwa hadda jooga oo ka shaqeeya nabad ilaalinta oo soomaaliya la keeno ayuu sheegay Dr cumar in ayna waxba soo kordhineyn basle xaalka sida uu yahey uga sii darayaan sidii dhacdey 1993 oo ciidamadii waaga la keenay shacabka u geysteen dhibaatooyin badan.waxa uu sidoo kale arintaa ku sii xoojiyey in aduunka meel ciidamado shisheeyo ka howl galeen oo ka miri keenay ayna dhicin.          

Dowladda ay doonayaan in wadanka ka dhisaan nooca ay tahey mar la weydiiyay waxa uu sheegay in ay tahey dowlad islaami ah oo soomaaliyeed oo shacabka soomaaliyeed u madax banaan yihiin oo aan wax fara gelin shisheeye ah saameyn ku laheyn, shacabkana ku dhaqeysa shareecada islaamiga.balse waxa uu dafirey sheegashada mujtamaca dowliga ah ee ku aadan xal ka gaarida arinta soomaaliya waxa uuna sheegay in iyaga oo dhan ka shidaal qaataan mareykanka isaguna uu mar walba garab istaago garabkyada is haya mid ka mid ah arintaas oo uu sheegay Dr cumar imaan in ay sii fogeyneyso xalka, wuxuuna ku adkeysatey in halganka wadayaan inta ay ka xaqiijinayaan rabitaankooda.       

Hheshiiska jabuti waxa uu ku soo kordhiyay saaxada mar uu ka waramayey ayuu sheegay in aanu wax soo kordhin marka laga reebo in ciidamada gumeysiga itoobiya ee taageera DKMG ah ee heshiiska la galeen garabta jaburi ee isbaheysiga,sii kordhiyeen dhibaateyta iyo xasuuqa shacabka soomaaliyeed arintaas oo wax badan khilaafsan qodoba labada dhinac ku heshiiyeen.     

Xiriirka ka dhaxeeya garabka asmara ee isbaheysiga dibu xoreynta iyo muqaawamada gudaha mar wax laga weydiiyay waxa u sheegay Dr-ku in ay iyagu hogaamiyaan muqaawamada sidoo kalena ay leeyihiin xiririro iyo wada tashiyo toos ah, dhaawana la shaacin doono qoraalo arintaa iyo halganka socda lagu xoojinaayo.   

Waxa sidoo kale wax laga weydiiyay calaaqada ururka al-shabaab kala dhaxeeya inta uu leegyahey, wuxuuna sheegay in aanu khilaaf ka jirin dhanka camalka iyo mabaadii’da balse ay ku yara dhaliilayaan qo’aan qaadasha keliya ee aan wada tashiga ku saleysnayn iyo diidmada aaraada  dadka kale ee saaxada kula jira, xalkuna gacanta soomaaliya ee culimadeeda, aqoonyahan keena iyo wax garadkeeda leh uu ku jiro balse ayna u baahneyn in dibada wax looga soo yeeriyo, wuxuuna ugu baaqey xarakada al-shabaab in ay caqliyeystaan una soo noqdaan barnaamika balaaran ee muqaawamada kaas oo ka soo dhex dhanbalmey shacabka soomaaliyeed xiriirna aan la laheyn tandiim dibada ka jira, waa sida uu hadalka u dhigey Dr cumar imaan.

Mowqifkooda ku aadan sh shariif iyo barnaamijka dib u heshiisiinta ee ka socda jabuti mar uu ka waramayey waxa uu sheegay Dr-ku in shiikh shariif waxa keliya ee ay isku diidan yihiin uu yahey in uu ka tilaabsadey barnaamijkii iyo mabaadiidii muqaawamada iyo wixii masiirka umada oo dhan ku jirey, iyaguna arintaa wali ku taagan yihiin shacabkuna mar walba cidda aayahooda ka talineysa la jiraan oo arkaan, waxa uuna tusaale u soo qaatey kulankii sacna oo uu sheegay in ay u tageen sidii walaalaha kale ee gudaha ka yimid ee dhex dhexaadinta wadey arinta ula arkaan si markaa go’aan mideysan looga qaato oo waxa jira ee ragu wadaan la isula arko, wuxa uuna intaa sii raaciyay in markii kulankii dhamaadey wixii lagu heshiiyey maalmo ka dib ay jabiyeen ragii jabuuti ka yimid oo uu sheegay in barnaamijkoodii iska sii wateen.  

ugu danbeys oo la weydiiyay kaalinta dowladaha carabta iyo jaamacada carabta ku leeyihiin xal ka gaarida arinta soomaaliya ayuu sheegay Dr cumar imaan in aanu jirin barnaamij u gaar ah oo arinta soomaaliya wax uga qabanayaan basle mar walba ay ku daba feylaan barnaamijyo kale oo masiirka uma lagu mijo xaabinaayo kuwaas oo ay soo dejiyaan IGAD iyo mareykanka oo aan dan ka laheyn dajinta arinta soomaaliya waxa uuna ugu baaqey dowladaha carabta iyo jaamacada carabtaba in ay la yimaadaan takhdiid u degsan oo u gaar ah oo ay wax uga qabanayaan arinta cakiran ee soomaaliya.





www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

19 Comment(s)

  1. waa sax in laku kala duwanaaday wada hadalka Jabuuti laakin soow kuwa Asmara ku haray Banziin kuma Shuban qilqqfkii jiray markii uu oismagacaabay Sh Xasan oo taas ma keenin in lasii kala fogaado?
    Hadii heshiiska jabuuti qaladan yahay sow Gudi taxkiim lama magacaabin Shirkii Sanca Gudigana Soow ma ogalaan inuu Tacdiilaad ku sameeyo shirka qodobadiisa sida Beerdhiga horey usoo bandhigtay? marka hadalka sheeqa ee ah waxaa jabiyay heshiiskii Sanca Kooxda jabuuti ma u muuqdaa mid aan sax saneyn maadaama uu isaga hadaba sheegayo inuusan ogoleyn Ciidamo badala kuwa itobiya kuwaas lagu ogolaaday heshiiski Sanca?
    tankale Sheekha waakan maanta Shabaabka Dahliilo usoo jeedinaayee soow asagii hubki iyo maalkii Maxaakiimtaba u hre ugu gacan galiyay ayadoo dad badan oo Maamulkii maxaakimta ku diidanaayeen maxuu ka rabaa asagaaba hore u taageeray oo si gaar ah ayagoo usocda kuna ogaa ku taagerasanaaye?
    tan u dabmbeysa maxaa keenay inuu Shekhii Umada u dhaxeeyay ismagacaabid sameeyo sidii looga bartay kooxihii qabqablayaasha oo maalinba mid cusun magacaabo naftiisa?

    asad | Oct 11, 2008 | Reply

  2. shiikha ilaahay khayr ha siiyo …..waxan odhan karaa waa shiikha culimada waaweyn ee soomaaliya kaalintiisii ku aaddanayd jihaadka iyo difaaca ummada kaqatay boos muuqda halka culimo badani aamus kaga jawaabeen xaalkan iyo gumaystahan ku habsaday ummadda…..ilahay shiikha cilmiiisa hanagu anfaco mujaahidiintana ha isugu keeno taxta raayatil jihaad …….

    albashiir | Oct 11, 2008 | Reply

  3. Raga Asmara wa Mujaahidiinta waalidkood waayo sheekh xasan daahir iyo waxaa dhex fadhiya sheekh dr cumar iimaan waaxaana culumadas looga baahan yaay inay dalka soo galaan oo qudha kuwa jabuti jooga ayagu rajadooda waa fog tahay waayo wado khaldan oo cad bey qaadeen waxaana kaaga sii daran inay iskula gar leeyihiin sh shariifna waxaa la iisheegay inuu nairobi ka leeyahay federalka waaxyadiisa kala duwan waxaa loogu yeeray anigaa madaxweyne la ii magacaabayaaa taasoo uu duq c/laahi diidan yahay gaaladuna waxay leedahay dagaal qabiil hala galiyo soomaaliya laakiin taladu waa tan allaah .

    Warfaa | Oct 11, 2008 | Reply

  4. dhaqankii loga bartey kooxa somalida ee ahaa in kooxba koox edeydo wax kaduwan sheequ noma shegin wuxu ku edeyey alshabab in shesheye hago alshababna kooxda asmara waxey ku edeydey in elrea cashar umerido edaha inta laga tago koox walba haku dhaqaqdo sidii cadowga lagu sari laha lakin hadii kooxba koox egato ama edeydo waxaa kafaidaya cadowga waxana adkaneyda sidii dowlad lagu mideysan yahey loo dhisilaha mustaqbalka

    boqol jirow | Oct 11, 2008 | Reply

  5. shiikhu wuu saxan yahay ilaahay ha dhowree, xasan daahirna aweys waa la yaqnaa wuxuu ku jiraa mujaahidiinta aabahood taariikhdiisa cid walba oo soomaali aa taqaan waxay ahayd waagii horeba inuu asaga noqdo hogaamiyihii maxaakiimta meeshuu sh.shariif laga siiyey mida xigata dr.cumar iimaan hub ma siinin waagii maxkamadha, al,shabaab hubka xoogiisa waxay ku heleen oo xoog ugu furteen qabqablayaashii dagaalka ee muqdisho kula jirey, waa suaale dr.cumar iiman goormuu hub iyo maal uu siiyey al.shabaab oo maxkamadha lahayd,waa lays yaqaanayee beenta iyo dacaayadaha raqiiska meelaha lala istaagaayo in la joojiyo ayaa roon ,,

    ciise | Oct 11, 2008 | Reply

  6. ilahaoow ku dhoowr
    waa nin muslim ah xalaal ha ilahay yaqaana cilmigii lagu caabudaayay yaqaan
    dr cumar wax wayn ayuu u fiyay jazahullah
    mida kale ninkii ugu horeeyay waan arkaa markasta in uu mucarad ku yahay sheikh cumar
    walalow hadii ad u hadlayso gaalo aan isku dhiibno kaa yeelimayno dagaalkana waa soconaayaa walaaloow isku xishoow dadka cibaadada lagu yaqaana iyo oowliyada ilahay dhaaf waa wax kuu roon hadaad diido waa wax ku yaalo in shallaaaaah

    ali | Oct 11, 2008 | Reply

  7. Sheekha wuu mahadsanyahay, sida wanaagsan ee u qeexay xaalda iyo waliba garabyada kala duwan ee soomliya .

    waxaan dihi lahaa walaalaha ALSHABAAB in ay dhagaystaan talooyinka dhaxal galka ee culimada, in aanay badinin khilaafka aan waqtigan loo baahnayn, hadii xaalku sidaas kusocdana waxaan shaki kujirin in ay kudanbayn doonto in aan aragno iyadoo shacabku isubadalay SAXAWAATKA CIRAAQ, oo lahelo dad badan oo diyaar u ah inay ladagaalamaan, taasna waxay keeni kartaa in fashil kuyimaado mashruuca islaamiga ee soomaaliya gabi ahaanba. joojiya go`aanada caadifada kusalaysan een laga fiirsan waxa kadanbeyn kara.

    sayid maxamed | Oct 11, 2008 | Reply

  8. ASC

    ALLAH AYAA MAHAD LEH.

    Hadii aan aan ka hadlo tan ninka leh Sheekh Xassan ayaa is magacaabay, oo hadalkaada aan ka dhedheimayao runtii Dani weyn maadan joogin mesha sheekhu isku magacaabay, tan kale culimada oo lagu xad gudbaa waxay leedahay ciqaab minaLaah,taasi waa taas.Tan kale waxaan ognahay in Xassan daahir aweyn uu yahay aabahahii jihaadka gaalada kula jiaray weligii isagoo nin yar.nin qabiil ku eryadaa culimada waxba kama qaadeyso.

    Sheekh cumar iimaan si fiican ayuu xalay u hadlay, ma uusan oran shabaabka waxbaa dibada looga soo yeeriyaa, ee hadalka ha la hubsado.

    runtii in moqifkoda ku dheganaadaan waa mida loo baahan yahay, waxaa qasaara markasta oo ay ka mid tahay sunnada aduunka ninkii qaata gaalo wax ay soo maleegatay oo cadowga Allah.

    Waxaa liibanay ninka Kitaabka Allah qaatay iyo sunadii Nebigeenii suubanaa SCW.

    CULIMADA SOOMALIYEED ALLAH HA XAFIDO, DHAMAANTOOD WAA INDHANAGEEYE.

    Tan kale sheekh

    muslimah | Oct 11, 2008 | Reply

  9. waa saxan yahay sheekha kheer ala haka siiyo fikirkiisa wanaagsan waana loo jeedaa wax saxa iyo waxa qaldan marka ilaahay haisku soo duma quluubteene aamiin

    maxamad muxumad caraaye | Oct 11, 2008 | Reply

  10. Asc wr wb.

    Waxaan hadal yar u dhihi lahaa sida tan.

    Walaalaha soomaaliyeed ee daneeya kheyrka ee jecel iney uga qeyb qaataan afka waxaan dhihi lahaa qof walbaa ha fiiriyo howsha baaxada leh ee socota inta uu asagu ka hayo. marka uu dhaliil usoo jeedin lahaa qof laga yaabo in ay in badan umada u heyso.
    Waxaa laga yaabaa qof ku qaxweynaya dukaankiisa, ama gurigiisa caruurtiisa la dheelaya in uu culimada ku eedeeyo howl gab.

    sakiin | Oct 11, 2008 | Reply

  11. KU:ASAD.
    CARRAB DALAB LEH CAGTII DALAB LEH LAAGA GARAN OG,SHEIKHU WUU CADEEYEY KAALINTIISII KAGA AADANAYD BARNAAMUJKA UU KA QAYB GALAY,XAQ BUU U LEEYAHAY MAADAAMA BALANTIIAY JABIYEEN KOOXDA DJIBOUTI INUU DADKA U CADEYO HADAFKA SAXDA AH IYO DANTA DHABTA AHNA INAA CIIDAMO SHISHEEYE DANI INOOGU JIRIN.
    TOOSI LUQUNTAADA ASAD.
    GAASGAANLE GURXAN.

    Gurxan | Oct 11, 2008 | Reply

  12. asc asad meeshaan fadhi ku dirirkii waa laga mabnuucay ee dib ha u soo celinin waa inaad xushmaysaa dadka bartan leh go,aanadooda ay gaareen,tankale jabuuti waa qaryo yar soomaaliya ayaana xornimo gaarsiiyey alle ka sokow abaalkeenii waxay ka dhigtay inay xargaha gumaysiga nagu adkayso,qolyahan jabuuti hagardaamadooda inla cadeeyo waa waajib laakiin sheekhu daruus la isu meeriyo inuu soo hadal qaado ma ahayn sababtoo ah asagaba afawerke ayuu ka loox jiitaa

    Deeq | Oct 11, 2008 | Reply

  13. wadaadadu hamidoobeen si shacabku raali ugu noqdo dhimashada ay dhimanayaan oo u arkaan in ay xaq kutaagan yihiin hadii ala yiraado` waxaan rajaynayaa in wadadaadadu midoobaan insha alaah

    F A OMAR | Oct 11, 2008 | Reply

  14. a/c
    waxaan leeyahay Shiekh ilaahay khayr hasiiyo
    waxaan keliya Nasiixadiisa u arkaa inay aqbalaan walaalaha Al-shabaab oo ah gaashaan bira oo cadawgu ka hibaysto,la,aantoodna lagumoobi lahaa laakiin hadana nicma kastaa niqmay leedahay waxaan usoo jeedin lahaa inay Cullimadda iyo Ahlu khayrka isgarabsadaan oo ilaaliyaan waxdada ahlul jihaadka waayo Khilaafku waa bilawga guuladaradda.

    ibnu_saxwah | Oct 11, 2008 | Reply

  15. ASC

    Walaalayaal dhalinyarada alshabaab haloo hiiliyo hiil bay nooga baahan yihiin. Cadawga xabada kula hortagan waxaa uga sii daran kuwa pressure ku haya ee ku sugan gudaha iyo dibada. Waa kan airporkii faraha ay ka qaadeen shabaabka, maantaba 400 Burundi ayaa Xamar ka soo degeen. Wadaadkii xalay hadlay maxuu sheegayaa hadda oo ga’aankii airporka lagu xiray waa khaldanaa nagulama tashan. Waa wadanka ciidanka ku soo socda haka saareen reer Djibuti ama Reer Asmara. Mujaahidiinta afka waa lagu taagaa laakin munaafiqiinta iyo gaalada waa laga gabadaa. Rucbi Ilaahey umada gelinin ayey galinayaa kuwa isku sheegayaan inay shabaabka ay u naseexaynayan. WSC

    abu munsif | Oct 11, 2008 | Reply

  16. TO: DEEQ

    “IN AY AFEWERK WAX KASOO YEERSADAAN CADAYN MA UHAYSAA ???

    ABSAMAAWI | Oct 11, 2008 | Reply

  17. ??? ???? ?????? ??? ??????? ??????? ??? ????? ????
    ???? ????? ??? ???? ?????? ??? ??? ?????
    ??? ??? ? ????? ????? ??? ???? ? ??? ??? ??? ???
    ????? ? ??? ???? ????? ??? ?? ???? ? ??? ???? ???? ??? ??? ??? ???? ?????? ?? ????? ? ??? ?????? ????? ??? ??????? ???? ??? ???? ???? ???? ? ?????? ???????? ?????? ????????? ????? ?????? ??? ????? ????????
    ???? ????? ???? ????????? ?? ????? ?? ?? ????
    Si kastoo loo hadlo, mar haddaan la dhahayn xalku waa midka rabbi soo dajiyay oo kaliya in la fuliyo oo lagu dhaqmo , waxa intaas ka soo hara waa nin walbow qumanahaaga baa qoorta kuugu jira
    Ee waa iga talo qof walbow miizaankaaga ka dhig manhajkii rabbi soo dajiyay oo barax la , diinta barta inta aydan ragga baran , karaamadu waxay ku jirta in la soo nooleeyo jihaadka rabbi oo aakhiro loo qalab qaato , wallaahu aclam wa acazz wa aqwaa wa akmal wa ajmal wa acdal wa axsan wa aclaa.
    QORE , ?????? ??? ???? ????
    HABAYN AXAD
    SHAWAAL 13 / 10 / 1429 HIJRI

    abucabdurraxman | Oct 11, 2008 | Reply

  18. Deeq

    Walaalayaal Allah aan kacabsanno. Alshabaab culumada somaliyeed sida Dr Cumar ha dhageeystaan oo shavabka yeeysan iska horimaan. Waxa aay rabaan waxeey heli karaan ayagon gooni u istaagin hadii kale gooni ayaa loo cuni doonaa. Waa in aay leeyihiin agenda local ah hadii kale shacbka taageri maayo. Maanta waxaa loo baahan yahay in aad xeeladeeysatid oo aad shacabka badaha iyo gaajado kudhimanaya tustaan in wadaada aay kafiican yihiin dabadhilif yada oo aay ayaga uturayaan. Hadaan xukun doon tihiin sida dad badan karkeen kismaayo waa musiibo weyn – Allah ayaan kabaryaa in uu xal noo sahlo.

    cabdi | Oct 12, 2008 | Reply

  19. MUjaahidiinta maxaa kiimta Go’aankooda Maqla
    1-Sh maxamed Cagaweyn waxa uu yiri”rag ka mid ah ragii Maxaakiimta nin ama laba nin intay meel galaan ay yiraahdaan Sh hebel waanu bedelnay,sidaa daraadeed saxaafada waxaanu u sheegeynaa golihii Maxaakiimta wax ka mid oo ka qeyb galey shirkii Asmara 3 nin baa ka jira, 88dii kale kama ay qeyb gelin, 3 xubnood oo ka mid 91 Xubnood ee golaha in ay yiraahdaan hebel baanu jagadan u dhibaney kana waanu bedelney hadii ay xaq u leeyihiin iyo hadii ayna xaq u laheyn 88 kalena ayna kula socon raalina uga aheyn”.

    2-Sh C/qaadir Cali Cumar oo ah hogaanka ugu sareeya MMIS ee gudaha jooga waxa uu yiri:” raga walaalaha ah ee khilaafku dhex marey waxaanu leenahey khilaafka ha la xaliyo oo ha la joojiyo, cid kasta oo hadda ka qeyb qaadaneysa anagu dadkeena gudaha jooga horey baanu uga gaashamaney raalina kama nihin kumana qanacsanin. Raga hadda ka yimid Asmara oo hadda iyagu idaacadaha warka siinayey ee khilaafaadka wada waxaanu leenahey khilaaf waxba lagu gaari mayo ee khilaafka joojiya ilaaheyna uga cabsada”.

    Marka yaa Saxan ma Mujaahidiinta Gudaha Misi Martida Asmara ka Magacaawday Sh Cumar Allaha Dhowree
    Sh Cumar Inuu Caalim yahay leskuma Diidana laakiin xaq u malah sharafna uma ah inuu Ismagacaabo

    asad | Oct 12, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo