Sitey Xaaji Abdi ” waxaa la’igu aasay god, madaxa kaliya ayaa ii banaanaa asagiisa baco ayaa la ii galiyay”
Published on October 10, 2008 by Somalimirror · 10 Comments ·
]Xaalada caafimaad ee qoys ka kooban hooyo iyo 2 wiil oo ay dhashey oo mid dhintey ayaa laga dayrinayaa, kuwaas oo rag hubeysan ka soo qafaasheen gurigooda oo ku yaalada Degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho oo ay u geysteen jir dil xoogan, waxaana lagu eedeynayey xilligaas in ay xadeen lacag iyo decument-yo kale.
Hooyada iyo labadeeda wiil ayaa rag hubeysan 2 habeen ka hor ka soo ka xeysteen gurigooda oo ku yaalada Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, waxaana xilligaa wahelinayey raga hubeysan haweeney qoyskan ku eedeysay in ay ka xadeen lacag iyo ducument-yo ay sheegtey in ay ka maqan yihiin.
Haweneyda la socotey raga hubeysan ayaa u sheegtey qoyska dhibta loo geystey in ay ku tuhunsan tahey lacago iyo decument-ga ka maqan, waxayna ku wargelisay in ay la tiigsaneyso maxkamad u kala gar qaada waa sida saxaafada Muqdisho ay ugu warameen qaar ka mid ah qoyska la dhibaateeyay. Qoyska oo ka sii warbixinaya sida ay wax u dhaceen qafaalashada kadib ayaa sheegay in la geeyay meel ka mid ah Degmada H/Wadaag, inta badan jirgoodana dhulka lagu duugay oo la geliyay god ka dibna la gula kacey xadgudubyo iyo jir dil xoogan halkii ay ka filayeen in la gaynayo Maxkamad oo lagu qaado danbiga loo heysto.
Hooyada qoyska la dhibaateeyay oo magaceeda la yiraahdo Sitey Xaaji Cabdi ayaa mar ay saxaafadda la hadlaysay waxay tiri “ waxaa la’igu aasay god, madaxa kaliya ayaa ii banaanaa asagiisa baco ayaa la iigaliyay, waxaan ku iri si caadi ah ii dila hadii kale idaay. Jirkayga oo idil meel ii fayow maleh”.
Mid ka mid ah wiilashii ayaa geeriyoodaya ka dib markii ayNaqaska ku xireen bacaha Madaxa loo galiyay iyo jirdilka naxariis la’aanya ah ee ay kula kacayeen ragan dableeyda ah ee soo qafaashay.
Wararka hoose ee la helayo ayaa tibaaxaya in kooxdii hubeysneyd ee qoyskan soo qafaashey, ka dib markii uu gacantooda ku dhintey mid ka mid ah qoyska iska sii daayeen intii kale ee hartey, balse meydka qofkii dhintey goob kale u qaadeen, dibna laga ogaadey in ay doonayeen in ay aasaan oo qariyaan, waxaa arintaa ka warhelay qaar ka mid ah xoogaga muqaawamada oo ku baxey goobta kooxda hubeysan doonayeen in meydka qofka ay dileen ku aasaan, sidaana ku hareereeyay oo gacanta ugu soo dhigeen.
Kooxda hubeysan ee dhibta u geystey qoyska ee la soo qabtey, ayaa sheegtey in ay ka tirsan yihiin xarakada al-shabaab, balse arintaa waxaa gaashanka u daruurey Sh Mukhtaar Robow Abu Mansuur oo ah afhayeenka xarakada al-shabaab oo sheegey in gacanta lagu hayo sharcigana lala tiigsanayo raga ku kacey waxa uu ku tilmaamey fal fool xun.
Qoyska dhibaatadan xoogan loo geystey ayaa codsadey in shareecada Islaamka wax loogu xukumo.
Falalka noocan oo kale ah ee dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan la gula kaco, ayaa ah kuwo soo noq noqda iyada oo aan laga daba tegin sharcigana la hor keenin, balse arintan waxa ay baraarujin u noqoneysaa xoogaga muqaawamada oo looga fadhiyo in ay go’aan ka qaataan, si ayna dib ugu soo noqon.
Related posts:
- Al-Shabaab: Cadowga Illaahay ayaa ka danbeeya dilalka qorshaysan
- Itobiya:- Eritrea ayaa ka mas’ul ah Bixintaanka Ciidamada Q.M ee xadka
- Prof. Cadow “Sh. Xasan & Sh. Shariif in la isku keeno ayaa ay tahay rajadu”
- 29 Qof oo ayaa Geeriyooday in ka badan 60-na waa ay ku Dhaawacmeen Xasuuqii Xalay (Daawo sawirrada)
- In ka badan 15 qof ayaa ku geeriyootay 20 kalana waa ay ku dhaawacmeen Madaafiicdii ugu Badnayd oo wali ku socda Isgoyska Bakaaraha.
ASC
NAFTA SIDA AY U SILICYEEN WAA IN LOO DHADHANSIYAA, KAN DILKA ISLAMKA WAXUU KA QABO WAA IN LAGU QADAA.
Subxaanallaah runtii waa arin murugo leh oo aad looga naxo Allaah waxaan ka rajeyneynaa inuusan ciqaab caam ah nagu soo dejin.
walaalaha al-shabaab oo haatan gacanta ku haya danbiilayaashana waxaan rajeyneynaa inay shareecada soo hortaagi doonaan.
dhamaan kooxaha ka dagaalama gudaha waxaa la gudboon inay ka hor tagaan dulmiga lagula kacayo dadka aan waxba galabsan.
Allaah ka abaal mariyo walaalaha shabaab mubaadaro fiican ayey u horseedeen mujaahidiinta.
waxa na rogey een ugubaneynoo waa xaq darada iyo isyaska inaga dhexdeena ah subxaanalah isu naxariista oo isqabta.dad dhan oo qaxey baad arki oo loo diidan yahay geedka hooska ah si ay u harsadaan waa hooyo aabo ciyaal ciroole.war xagee leynaga heystaa dadow waa maxey sidaan iyo arxan daradaan.saan wanaag kuma yimaado walaagi soomali wax weyn baa ka si ah.war alaahiina kabaqa oo qofkastow adi iska bilow oo diinta kadhabee oo dadka u naxariiso waa iga dar daaran
Scww
Waa wax laga naxo in loola dhaqmo dad muslim ah noocaas oo kale waana waxa Soomaalida maalinba maalinta ka danbaysa uu xaalkoodu u sii murgayo. ?????? ?? ?????? ??? ??? ?????? ????
Waxaase iswaydiin mudan maxay u sheegteen inay Al-shabaab yihiin?
Tan kale Abu-mansuur markuu diidayay inay u hanjabeen Odayaasha Beesha hawiye wuxuu yiri Wesite baan leenahay waana runtiis oo waa Kataaib.net maxaa loogu qori waayay warkaan?
Maxaa kaloo loogu qori waayay in uu Airportiga wada hadal ka ogolyahay?
Maxaase nimankaas loo maxkamadayn waayay ilaa hadda?
Ma khilaaf baa ka dhexjira Abu-mansuur iyo kooxdiisa?
Waxaan soo xasuustay wagii maxkamadaha dil loo gaystay Sooro ka shaqaynaysay SOS kaddibna la qabtay raggii dilay waxayna sheegteen Al-shabaab Waxaa loo hanjabay indha cadde kaddibna waa lala baxay oo waxba lagama qaban.
Markii Barre hiiraale lagula dagaalamay aagga Buu’aale waxaa lalaayay dhaawac maxaabiis ah waxaana dilay nin ka tirsan Shabaabka markii la waydiiyayn wuxuu yiri waa gaalo ninkii dood ka qaban ha igala doodo iyadana waxba lagama qaban.
Kismaayo ayaa hadda lagu dilay nin sarifle ahaa sababtuna waxay noqotay ONLF ayaa soo martiyi jirtay.
Waxaa kale oo jirtay in dad bdan lagu laayay waa Jaajuus waa gaala raac waa saas aan la hubin.
Haddaba waxaa is leeyahay kooxda Al-shabaab ismana xukumaan mana daba qaban karaan waxa caqliga iyo diintaba ka fog oo ay ku dhidbeen qalbiyada da’yar fara badan sidaa darteed waxaan leeyahay Allaah u noqda oo towbad keena.
Abu-mansuur waa nin qalbi fiican ahna daalibulcilmi kuna diidan madaxdiisa wax badan laakiin dhibtiisu waxaa weeye malaha go’aan.
Bal aan aragno waayada dhow iyo Al-shabaab.
TO: maamulka webka.
sc wr wb.
ikhwaanii aad ayaan uga xumahay qoyskaa lagu xadgudbay ilaahna dhibkooda dheef ha ugu bedelo intii dhimatayna alle ha unaxariisto.
Xasuusin:
waxaan maamulka xasuusinayaa shuruudii webka oo eheed inaan xarako wax laga sheegin taasoo oo ee ku xadgudubtey walaasheyn barni in laga qaado tilaabo sharci ah.
waxay dhaleeceeneesaa xarakatu shabaabil mujaahidiin.
waxay abuureesaa colaad aan jirinin.
waxay mala awaaleesaa wax eesan hubinin.
hadaba fadlan maamulka sharafta leh waxaan ka codsaneenaa iney inaga qabtaan qoraaladaana kasiibaan webka si ee u noqoto xukunkii ugu horeeyey oo lagu fuliyo ruux ku xad gudbey nidaamka xiwaarka iyadoo kabaxday mowduucii loogu tala galey bageka.
waad mahadsantihiin.
wasalaaaaaaaaaaaaaam.
waxaa badatay in la aflagaadeeyo mujaahidiinta al-shabaab Cirdigoodana layska baneysto.
war dadoow haddaydan gaalada la jihaadeyn mujaahidiinta ha idinka nabad galaan.
gaalo nuucyadeeda kala duwan waa idinka nabad gashay mujaahidiinta waad nabad gelin la’dihiin.
ma waxaad jeclaateen inaad allaah hor istaagtaan maalinta aakhiro ayadoo ay mujaahidiinta idin heystaan oo allaah idinku dacweynayaan malaha xun ee aad ku tuureysaan dartiis?
mujaahidiinta malaa’ik ma aha way qaldamayaan cid qaldantana uma horeeyaan JIhaadkana wuxuu la mid yahay cibaadada qeybaheeda kala duwan qaladaad way dhici karaan.
Arinta hadda meesha taala waxaa xaqiiqo ah in walaalaha shabaab aanay shaqo ku lahayen bal Allaah mahaddii ay ayaga gacanta ku dhigeen dambilayaashii falka geystay.
Arinta Qoyskaan waa arin laga naxo sheekh abuu mansuurna wuu ka hadlay kadib markii mooryantii falka geysatay ay yiraahdeen alshabaab baan ka tirsanahay hadalkoodana waa beeniyay sharciga ayaana lala tiigsanayaa ayuu yiri.
mida kale alshabaab kaliya maahee xaraka kaste oo dalka ka howl gasha khalad wuu ka dhacaaa mrka in dad allaah dartiis qori u qaatay inay kaa badbaadi waayaan wax sax ah maaha oo aad dhinac ka noqoto dacaayadaha ay wadaan dadka islaamka ka baxay.
walaalayaal marka hore aad ayaad u mahadsan tihiin sida sharafta ee aad u sameysaan goobtaan rayigiisa uu ku soo gudbinayo qofka, intaas kadib waxaan dhihi lahaa arintaas waa arin xun oo ah ciqaab ay dadkaasi iyaga sameysteen dadka Soomaalida ahna ku soo kordhiyeen marka walaalaha raggaas gacanta ku haya waxaan leehayay ka dhabeeya warkiisa oo nimankaas iyaga ciqaab la mid mida ay dadkaas masaakiinta ah marsiiyeen marsiiya asc
SCWW
Walaalayaaloow mujaahidiinta ammaan ha la siiyo oo yaan lagu tiigan, qoyska masaakiinta ah oo dulmana xaqooda ha la siiyo oo yaan la duudsiin, haddii taagdarridooda la arkoo xaqooda loo soo dhicin waayana Allaaha weyn ayaa u joogoo u aari doona adduun ama aakhiro.
dadbaa mujaahidiinta al.shabaab magacooda ku ciyaarayo waxaa hada dad ka mida reer muqdisho bilaabeen iney dacaayado raqiis ah lagu eedeeyo mujaahidiinta al.shabaab waana aragnay sidey usocoto arinta ilaa qabiil lagaarsiiyey al.shaaba qabiil walba ayaa ku jira laakiin maxkamadaha waa dad gooni ah sidaas ayay kukala duwan yihiin waxa loo nacay al.shabaabna waa sidaas maalin dhoweyd waxa hadal yiri odeygii lays dhahayay waa odey halgamaa laakiin nasiib xumo wuxuu qarsanayay ayaa soo baxdey o qabiil inuu taageerayay aysan dhab ka ahayn hadana lacag lasoo siiyey wuuna cadeystay laakiin walaahi mujaahidiinta hadeysan maanta la xisaabtamin odeygaas iyo kuwa la mid ah in xaalada kasii dareyso, waxaan wuxuushnimada hada uguma horeyso in dadka laga xooga badan yahay ee muqdisho ku nool sidaan si kadaran loola dhaqmo waxaan xusuuta hada kahor naag sidaan oo kale oo lagubay la yiri waxaad xadey waxa meesha ugu masiibada badan ee soomaaliya waa muqdisho waxaana keenay masaakiinta wixii lagu sameeyey suubinaayna waa naqanaa dadka ka dambeeya dacar xirsi xooshoow aa ladilay waxaana la rabay in al.shaabaab loo saaro laakiin way cadeeyeen ineysan ka dambeynin,waxaa bilawdey in umada layska hor keeno hala arko cidey dan ugu jirto…….