Ciidamada DKMG ah oo nin rayid ah ku diley agagaarka Jaale Siyaad

Published on October 10, 2008 by   ·   No Comments   ·   print

ciidamada-dawladda.jpgCiidamada DKMG ah ee ku sugan isgoyska kuliyada Jaale Siyaad ayaa maanta halkaa ku diley nin rayid ah oo ay kala degeen gaari ka mid ah kuwa rayidka ah ee isaga kala goosha Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose.     Dilka ninka rayidka ah ayaa yimid ka dib markii ciidamadu kala degeen gaarigii BL-ka ahaa ee uu la socdey, waxa ayna ku eedeeyeen sida ay ku warameen qaar ka mid ah dadkii la socdey gaariga la gala degay in uu ka tirsan yahey kooxaha iyaga ka soo horjeeda.      Ka dib markii ay gaariga kala degeen ayey si ula kac ah u toogteen iyaga oo aan siiba warsan, waxa uuna dilkan qeyb ka yahey dilalka joogtada ah ee dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan la gula kacayo, kuwaa oo ay geysnayaan ciidamada huwanta ee ku sugan Magaalada Muqdisho.        Ma aha markii ugu horeysay oo dil noocan oo kale ah ciidamada DKMG ah ee ku sugan kuliyada Jaale Siyaad kula kacaan dadka rayidka ah ee saaran gaadiidka rayidka ee isaga kala goosha muqdisho iyo Gobolka Shabeelada Hoose.   



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Dagaal Qaraar oo Saaka Ka Dhacey Agagaarka Jaale Siyaad
  2. Ciidamada DKMG ah oo Nin Rayid ah Diley
  3. Ciidanka DKMG ah oo 3 Qod Rayid ah Diley 5 Kalena Dhaawacey
  4. Ciidamada DKMG ah oo Dad Rayidka ah ku Diley Beydhabo
  5. Askari ka Tirsan Ciidamada DKMG ah oo Nin Rayid ah Toogtey

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Dagaal Qaraar oo Saaka Ka Dhacey Agagaarka Jaale Siyaad
  2. Ciidamada DKMG ah oo Nin Rayid ah Diley
  3. Ciidanka DKMG ah oo 3 Qod Rayid ah Diley 5 Kalena Dhaawacey
  4. Ciidamada DKMG ah oo Dad Rayidka ah ku Diley Beydhabo
  5. Askari ka Tirsan Ciidamada DKMG ah oo Nin Rayid ah Toogtey

Latest Headlines