Axmadu Weled Cabdalla oo sheegay in Badda Soomaaliya loo Isticmaalo Qashinqunka Haraadiga Nuclearka

ahmadououldabdalla.jpgErgeyga gaarka ah ee Q.M Axmadu Weled Cabdalla ayaa mar uu u warabayay TV-ga Aljazeera Qaybta Luqadda Englishka ku eedeeyay Shirkado laga leeyahay dalalka Yurub in ay  Badda Soomaaliya ku Qubaan Qashinka Haraadiga Nuclear. 

  

Axmadu Weled Cabdalla ayaa waxaa uu sheegay in ay hayaan cadaymo farabadan oo tusinaya in Badda Soomaaliya la sumeeyay falkaas oo ay ku lugleeyihiin Wadamo ka tirsan Qaarada Yurub kuwaas oo Xeebaha Soomaaliya u isticmaalay ku soo qubidda Qashinka Halista ah ee Radioactive Uranium Wastage.

  

Wakiilka ayaa waxaa uu intaa ku daray in ay jiraan Dowlado, Shirkado iyo shaqsiyaad gaar ah oo doonaya in ay Soomaaliya u isticmaala danahooda gaarka ah wuxuuna sheegay in fulinta arrintan ay fududayn u sameeyaan Wasiiro ka tirsan Soomaali ah iyo Maamul Beeleedyada ka jira qaybo ka mid ah Soomaaliya.

  

Axmadu Waled Cabdalla ayaa waxaa uu sheegay in arrintan ay soo socotay Muddo dheer isla markaana ay hadda wali socoto taas oo khatar ku ah Dalka iyo Dadla Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka faraha badan ku jira.

  Hay’ada Bay’ada Q.M ayaa sheegtay in badgariirkii Sunamiga ee ku dhuftay  xeebaha Soomaaliya uu tir tiray inta Badan suntii Qashinka Nuclear ee lagu soo qubay Xeebaha Soomaaliya. 

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

8 Comment(s)

  1. anagana waxaan isu haysanaa qabiil qabeel,waxaase hubaal ah inaan tirtirmi doono hadaan nahay soomaali. inta soo hartana ay noqondoonto wax laba madax leh iyo hal lug oo
    naloogu yeeri doono “Alien of Africa”

    yaa masuul ka ah?
    All of us, including those who life in abroad.

    Farahow | Oct 10, 2008 | Reply

  2. allaah subxaana watacaalaa ayay umadani rumeysan tahay sidaa awgeed hagardaamooyinika gaalada allaah wuu baabi,in soomaalida ayaa u hadhi oo guuleysan weligoodba ha dhoob dhoobeen amxaarka uraya iyo keenyaatiga jiqilada weyn , soomaalaa u leh, baduna waa ay nadiifoobi inshaa allaahu.

    gawaafe | Oct 10, 2008 | Reply

  3. Aamiin, Aamiin. Illaahay baan ka baryey in ducadaas gawaafe inuu aqbalo. Aamiin, Aamiin.

    Qowdhan | Oct 10, 2008 | Reply

  4. Waxaan usheegi lahaa kuwa manaxa yaasha ah oo damiirka lahayn e xilka sheeganaya kula heshiiyey dalalka Reer galbeedka ah in ay badeena qashinqub ka dhigtaan’ run ahaantii ha moodina in aan la idinkula xisaabtami donin maalin maal maha kamid ah hana arkina kala daadsanaantan yar ee hadan soomali nahay nahaysata kolayto adinka soomaalinimo idin ka dheere
    Nin hagraday dulkiisiina hilibkiisii buu cunay,
    ilaahayna waxaan ka baryeynaa quluubtena in uu isku so dumo dhibkana ka qaado soomalida melkasta ay jogaan wadankeenii hooyo no qabojiyo insha’allah )

    Safwan | Oct 11, 2008 | Reply

  5. Qof walba waxay ila tahay in mas’uuliyad saaray, maalinta qiyaamana la waydiin doonno. Hadaba waxaa haboon qof walba isku dayo ka shaqeeyo sidii ugu yaraan naftiisa iyo inta uu mas’uulka ka yahay hagaajiyo, waxaa markaa soo baxayaa jiil ama fac toosan oo muslimiin sax ah lagu tilmaami karo, khaladna yaan layga fahmin oo aan loo arkin in aan dad gaalaysiinayo, waxaanse dareemayaa in dad badani fahansan yihiin ujeedadaydu inay tahay in wax la hagaajiyo. Barbarkay ka baxdaa waa bakayle qaleen. Illaahay hana sugo hana tuso wadada xaqa ah.

    warsame | Oct 11, 2008 | Reply

  6. arintaasi waa arin aad iyo aad unaxdin badan , maxaase nalagudboon in aan iska badbaadino ? waxaa nalagarabaa in aan raadino wax waxaasi kahortagi karo waa dowladnimo waxan laguheli karaa midnimo ,isutanaasul , caqligoo shaqeeyo ,dulmiga oo lajoojoyo ,ilaah lootowbadkeeno , shareecada islaamka oo ladhaqengeliyo si xikmada iyo fahamleh lagana dambeeyo ahlul cilmiga.
    walaahu aclam.

    Abdullahi sh. mohamed | Oct 11, 2008 | Reply

  7. ASC

    Allah ayaa talo saaranay cadaw ayaa na gashaday luuq, oo madow iyo cadaan leh, bal maanta kenya ayaa na soo haweeysatay oo uu siyaad oran jiray wadanka iga maqan ee NFD waxaa soo xoreyn dumarka,maanta ayada iyo itoopiya ayaa walaalo noqday iyo fircoonkii aduunka,nin ayaamo joogow macaa aragti kuu laaban.

    Maalin kasta dadka waxay u dhinta cudurka laga qaado radioactive ee nuclearka waana cancer isagoo ka galay dhuunta qaybta neefsashada, oo aanan daawo laheyn hada cudurkaa waxuu faro ba’an kau hayaa ilaa gobolada waqooyi laga soo bilaabo ilaa kismaayo.

    Allah ayaa inoo welli, oo naga badbaadin qatar kasta oo gaalo iyo cadwga Allah wataan, Allah Raxmaakaa ha kugu rogo dhagartooda gaalada ay wataan.AMIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIN YAA RAXMAAN

    mummina | Oct 11, 2008 | Reply

  8. ??? ???? ?????? ??? ??????? ??????? ??? ????? ????
    ???? ????? ??? ???? ?????? ??? ??? ?????
    ??? ??? ? ????? ????? ??? ???? ? ??? ??? ??? ???
    ????? ? ??? ???? ????? ??? ?? ???? ? ??? ???? ???? ??? ??? ??? ???? ?????? ?? ????? ? ??? ?????? ????? ??? ??????? ???? ??? ???? ???? ???? ? ?????? ???????? ?????? ????????? ????? ?????? ??? ????? ????????
    ???? ????? ???? ????????? ?? ????? ?? ?? ????
    ******************************************

    MARKII LAGA TAGAY KITAABKA IYO SUNNADA

    BAA RABBI NAGU SALIDAY GAALA KAA XOOG

    BADAN OO BAD IYO BIRRI SUN KUGU DUUGIN

    EE U NOQDA KITAABKII IYO SUNNADII IYO

    SEEFTII JIHAADKA OO ILAALINASAY KITAABKA

    IYO SUNNADA INTAA WAXAA DHEER MAXAY

    TARAYSAA KALIMAADKA NINKAAS YIRI MAR

    HADDUU ASAGU YUHUUD U SHAQAYNAYO OO

    AMAR YUHUUD IYO MAANSUUNIYA LAGU SOO

    SHAQA GALIYAY , NINKAAS WARKIISU WAA

    MAAWEELO IYO CIYAAR , EE

    SOOMAALAAY RABBIGEEN AAN U NOQONO

    GUUL MARKAAS BAY IMAAN , HADDII

    KALE JAAHWAREERKAAS BAA GAALO NALA

    DUL TAAGNAAN .

    ***********************************************

    Si kastoo loo hadlo, mar haddaan la dhahayn
    xalku waa midka rabbi soo dajiyay oo kaliya in la fuliyo oo lagu dhaqmo , waxa intaas ka soo hara waa nin walbow qumanahaaga baa qoorta kuugu jira
    Ee waa iga talo qof walbow miizaankaaga ka dhig manhajkii rabbi soo dajiyay oo barax la , diinta barta inta aydan ragga baran , karaamadu waxay ku jirta in la soo nooleeyo jihaadka rabbi oo aakhiro loo qalab qaato , wallaahu aclam wa acazz wa aqwaa wa akmal wa ajmal wa acdal wa axsan wa aclaa.
    QORE , ?????? ??? ???? ????
    HABAYN AXAD
    SHAWAAL 13 / 10 / 1429 HIJRI

    abucabdurraxman | Oct 11, 2008 | Reply

    abucabdurraxman | Oct 11, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo