Warbixin:- Human Rights Watch “Somalia Dhibaato la hilmamay”
By Somalimirror on 7 Oct, 2008 12:25 PM in Main, Wararka, Warbixinnada
Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay “haddii Dunidu arki lahayd Bur-burka Bahalnimada ah ee ku dhacay Caasimadii Somaaliya ee Muqdisho waxa ku dhici lahaa Argagax” {Daawo Sawirada}
Human Rights Watch ayaa sidoo kale tiri “ waxa xiligani ka dhacay Soomaaliya haddii ay ka dhici lahaayeen meelo kale oo dunida ka mid ah sida lubnaan iyo Georgia, waxay noqon lahayd Fadeexad” waxayna intaa ku dartay Hay’adu “laakiin Dhibaatada Soomaaliya waxa ay noqotay Masiibo ay Beesha Caalamka iska indho tirtay”.
“Magaalada Muqdisho oo kaabiga ku heysa Baddweynta Hindiya waxaa ay aheyd magaalo aad u qurux badan isla markana looga dukaameysi tagijiray qaarada
wariyaha ayaa sidoo kale yiri “waxyaabaha ugu badan ee Argagaxa iyo Baqdinta ku galina waxa weeyaan marka aad aragto goobo badan oo ka mid ah caasimada Muqdisho oo ay ka wada guureen Muwaadiniintii, dagaalada ka dhex socda ciidamada DKMG ah ee ay garabka siiyaan Maraykanka iyo Xoogaga islaamiyiinta”.
Sidoo kale waxa uu wariyahu sheegay “xukuumada KMG ah waxay gacmaha ka laabatay in ay tirakoobto dadka ka Barakacay caasimada, sidoo kale waxaa ka cararay caasimada dhamaan shaqaalihii hay’adaha samafalka caalamiga si ay u gutaan shaqadooda cabsi ay ka qabaan in la afduubto ama la dilo” .


Daabaco
U dir saaxiib












Allaahu Akbar…..
Somali sidan miyaa u dambeysay!!!!!!!!!
Alloow adiga dhibka ka qadi kareee Somali dhibka heeesta ka qaad Yaa Raxmaan.
Amiirah | Oct 7, 2008 | Reply
ilaah haka qaado umadda dhibka jihaadka ayaa waxaas oo idil looga gudbi karaa waa in shacabka iyo Mujaahidiintu ay midoobaan oo ay wada shaqeeyan.
ilaah dhibka ka nagayareeyo waa in aan Taageernaa Mujaahidiinta Al Shabaab oo an warkooda iska ilaawnaa Qolada Jabuuti iyo Asmara kala jooga
Abul Mucaad | Oct 7, 2008 | Reply
AAWay Xarakadii Itixaad ee ay shabaabku kasoo dhex dillaaceen. Billaahi calaykum adinkaa shalay culimo u ahaa raggan meelaha kale ku xirtay ee sida waalan u galaya dalka eeka qabta, maalinba qolo cusub oo xamaasadaysan inay dhiig badan micno darro iyo dagaal aan wadada loo maryo xalaal ahayn, caalamka oo idilna lagu jiro, dhibka shacabka soo gaarayana aan la xeerinsyn. War culmadu raggab lala hadleen.
Cumar | Oct 7, 2008 | Reply
Koley maanta waa maalintii iigu murugada badneyd ee nolosheyda soo marta abid, ma sidaas ayaa u dambeysay Caasimaddii Soomaaliya?? xaruntii dalka? hooyadii dalka? Astaantii Qaranka? innaa lilaahi wa innaa raajicuun. Ilaahow noo maciin maanta iyo maalin walbaba. walaalayaal waad u jeedaan sawirka ay human rights watch ka bixisay caasimaddii dalkiinii hooyo- dadka umaqana waa adinka ee fadhiga haa laga kaco mar unbay naftu bixiye, hana loo istaago sidii loo xorreyn lahaa dalka.
BY: Walaalkiin Cabdullahi yare
Cabdullahi yare | Oct 7, 2008 | Reply
ku:cumar
salaan kadib,cumar mawaxaad rabtaa inaad dadka usheegto masiibada soomaliya kadhacday waxaa kadanbeeyay alshabaab..runtii hadalkaaga jahli iyo cadaalad daro ayaa kamuuqata oo oo qolada gaalada warka lasoo xigtay cadaalada kaaga dhaw ayagaa karunsheegay qoladii burburka soomaliya kadanbaysay …
adeer cudurkaad faafinayso dadka kaladhexbax soomalina waa ogtaay qofkii wax u qabtay iyo kii wax udhimayba,adoo kale manhaj faasida wata oo magaca jihaad dhibayana waxba kama dhagaystaan.al-itixaad iyo alshabaabna wanaag waxqabad mooyee dhib soomaliya makeenin ee usheeg kuwa dhiiga dadka caba oo aad adigu iyo kuwa kula midka ah utaqaanaan (amiirul mu’miniin)..sida c/laahi yeey iyo max’ed dheere i.w.m.. mujaahidiinta dacnigoodana iyo kujees-jeeskooda ilaahay uga baq…
c/laahi yare,abu mucaad,amiirah..jazaakumulaahu qayran…ilaahayna ducadeena hanaga aqbalo..dhibtana umadeena haka korqaado…
wasalaama calaykum,wr.wb…
salaam
abuyahye | Oct 7, 2008 | Reply