Ururka IGAD oo isugu Yeeray Dhamaan DKMG
Published on September 30, 2008 by Somalimirror · 5 Comments ·
Kulan ay ku yeesheen Wasiiro Arimo Dibadeedyada Urur Goboleedka IGAD xaruntooda ku taala Addis Ababa ee Itoobiya ayay uga hadleen arimo ay ka mid yihiin Soomaaliya, Eritrea iyo Suudaan.
Kulankan ayuu Ururka IGAD ku go’aamiyay in Isbuuca ugu horeeya Bisha inagu soo fool leh ee October ay Magaalada Nairobi isugu yimaadaan:- C/laahi Yuusuf, Nuur Cadde, Aadan Madoobe iyo dhamaan xubnaha Baarlamaanka DKMG ah. Si bay yiraahdeen(IGAD) uga wada hadlaan Warka ka soo baxay IGAD ee ku aadan isbadalada ka soo Cusboonaaday Soomaaliya ee dhinacyada Siyaasada iyo Amaanka.
Sidoo kale IGAD ayaa ugu Baaqday Beesha Caalamka in ay ka soo qeyb gasho waxay ku tilmaantay Dadaalada loogu jiro nabad ku soo dabaalida Soomaaliya isla markaana ay bixiyaan Maalgalinta ay u Baahanyihiin Ciidamada ka socda Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.
Urur Goboleedka IGAD ayaa sidoo kale Canbaareeyay waxa uu ku tilmaamay Dagaalada lagu Carqaladaynayo Habsami u socdka Dib u heshiisiinta iyo waliba in la gaarsiiyo Gar-gaar bani aadamnimo dadka u baahan.
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya Seyoum Mesfin’s sheegay in uu Golaha amaanka ay xukuumadiisa ka la hadashay Isniintii la soo dhaafay in Ciidamo loo diro soomaaliay isaga oo arintaas ka hadlayana waxa uu yir “anagu waxaan ku boorinayo Golaha Amaanka ee Q.M in uu ka soo baxo Mas’uuliyadiisa oo ah in ay Ciidamo nabada ilaaliya u diraan soomaaliya wakhtiga ugu soo dhaw ee suuro galka ah ama ugu yaraan in ay dhaqaale iyo loojiistikaba la diyaariyo si loogu xoojiyo Ciidamada Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya” .
Isku soo wada duuboo arintani ayaa ku soo aadaysa iyada oo maalmihii ugu danbeysay ay sii labo laxaadsadeen weerarada sida tooska ah loola beegsanayo Ciidamada gumeysiga itoobiya iyo kuwa Uganda.
Related posts:
- Shirkii 12-aad ee Ururka IGAD oo ka furmay Addis Ababa
- Madaxda DFKMG ah oo looga Yeeray Addis Ababa, & amaankooda oo aad loo sugayo
- Dhamaan Xubnihii Maamulka Gobolka Banaadir oo Xilalkii Laga Qaadey
- Xubnaha maamulka DFKMG ah ee G/Hiiraan oo cabsi isugu urursaday saldhigga booliska
- C/Laahi Yuusuf “Bixitaanka ciidamada itoobiya wuxuu ku xiranyahay imaanshiyaha kuwa Q.M”
ASC
Insha Allaah dabadhilifyada looga yeeray Nairobi dib dambe allah uguma soo noqo, maxaa yeelay waxa kasto asalkiisa ayaa loo celiya. Meesha ay ku taalo embagaati waa Nairobi, halka lagu dhalay kuwan ridoobayna waa Kenya. Illaah ayaan ka baryaynaa inay halkaa ay maxaabis ku noqdaan. WSC
tani waxay astaan buuxda ka bixinaysaa in dabadhilifyada mudadoodii dhamaatay oo laga tashaday waxii dan ahaa ee laga rabayna laga garay waa mahad alle in aysan wax ahayn maanta oo qaar la dilay iyo dil sugayaal ay kala yihiin..
waxaase is weydiin mudan kalaabta orthodax wasqda ah ay rabto kolba cidii siyaasad ahaan ay isaga horyimaadaan inay u adeegsato iyadoo ku hadlaysa magaca IGAD oo ah xarun DAWLADAHA kuwii wax garadka ahaa ee sameeyay ay qarrna ka baxeen qaarna ay wasqda wayaanaha qabsatay qaarna la yaaban yihiin jihada uu u socdo. ERITREA way ka baxday SOMALIA waxaa qabsaday EITHOPIA, SUDAN way la yaaban tahay waxa orthodax wayaanaiga iyo monkeys uganda ay ka rabaan oo ay ugu duuleen somaliya. Jabuti tabar yari waa halkeed oo iyadu hadalba ma laha mar hadii mainland somaliya la haysto.
MONKEYS2 OO ah Kenya Manqar bay isku laayeen waxayna ka mid tahay wadamada dantoodu ku jirto inaanay SOMALIYA LUGAHEEDA KU ISTAAGIN OO AY BURBURSANAATO, waayo waxa dhibka somaliya haysta meesha maleego waa nairobi kenya, UGANDA waa wadanka kali ah ee african monkeys ee leh madaxweyne ay isku diin yahiin George Bush.
Markaa aqristoow soow kuuma muuqato in Igad ay tahay xarun lagula dagaalamo MUSLIMIINTA, JAWAABTA WAAFIGA AHI WAA HAAAAAAAAAA.
KA TASHO WAX WANAAGSAN HAKA FILAN AFRICAN ORTHODAX IYO ANGLICAN AH HADUU KU HURDAYO INAY SOMALIYA IYO BADAHEEDA ISLA QABSADAAN WAA HURDO IYO AQOONIS LA AAN HAYSTO KUWA WASAQAYSAN EE AAN KOR KU SOO SHEEGAY, HADAFKA WAXA LA RABANA WAA IN SOMALIYA LA LAAYO AFAR MASIIXIYIIN AHOO LA QABSADAY AY SOO HARTO BADAHEENA IYO DALKEENANA LA QAATO,
SUAAL: MAXAA EITHOPIA , UGANDHA, IYO BURUNDI AY KA MIDAYSAN YIHIIN?
JAWAANTU WAA SADEXDA WADANBA WAA WADA MASIIXIYIIN BAADIYAYSAN OO AAN HADANA BADD IYO DEKED TOONA LAHAYN,
waa sidaa ujeedada naloo qabsadaye aqristaha muwaadinka somaliga ahoow sidaa u fahan……..
allaahu akbar waa guul
Dhagar iyo shirqool ayey maleegayaan. Kuwanna waxa loo kaxaysanayaa in lagu soo afeeyo mindidii umaddooda lagu gawrici lahaa. Waxase kuwa igaga daran, kuwa la shirhsirya niman aan iyaguba xor ahayn oo kolba meel looga yeedhayo.
Allaahu akbar. Maalinba maalinta ka dambaysa ayey ii soo caddaanaysaa xaqnimada mujaahidiintu iyo baadilnimada wixii ka soo horjeeda
Walaahi waa guul thuma walaahi waa guul iney hingoobeen kuwii soo unkey gaala raacyaada.
lakiin waa in maskaxda lagu hayo loona feejignaado waxa hadana ay soo alifi rabaan iyo khiyaamada ay mar labaad rabaan iney sameeyaan.loogana hortagaa sida ugu macquulsan