![]()
Saaka Waabarigii ayay dadweynaha ku dhaqan Magaalada Qardho hal mar u wada dareereen Musalaha weyn ee lagu tukado salaadaha Ciida ee ku yaala Magaaladaasi, iyada oo ay halkaasina isugu soo baxeen dad badan oo isugu jira Rag iyo Dumar kuwaas oo ka soo wada baxay guryahoodii.
Salaada Ciidul Fidriga ka hor ayaa waxa kalmid Baraarujin ah u jeediyay shacabka isugu soo baxay gudashada Salaada Ciida Sheekh Daahir Aw-Cabdi waxaana uu ka hadlay arimo ay ka mid yihiin:- Towxiidka, Itibaaca Sunada iyo ka fogaanshaha Shirkiga iyo Bidcadda, ilaalinta Salaada , Bixinta Sakadda iyo gudashada Xajka.
Sidoo kale Sheekha ayaa ku booriyay Musliinta in lagu dadaalo Qur’aanka, isaga oo tilmaamay in xifdintiisa iyo Barashadiisaba dadaal dheeraad ah lagu bixiyo yar iyo weynba.
Sheekh Daahir ayaa sidoo kale Carabka ku dhuftay in ay lagama maar-maan tahay ilaalinta Wada jirka iyo dhowrida Nabadgalyada iyo in laga hor tago wixii wiiqaya arimahaasi, isaga oo soo jeediyay inaan lala shaqeyn cid waliba oo khal-khal galinaysa Nabad galyada sida Bur-cad Badeeda.
Wuxuu kaloo ka hadlay Sheekh Daahir in dadka Madaxda ah loo Naseexeeyo, khaladkoodana la toosiyo.
Sheekha ayaa sidoo kale sheegay in laga Digtoonaado khatarta Diish-ka iyo in guryaha la dhigto si aysan ugu fasahaadin Caruurta iyo Dumar.
Sheekh Daahir ayaa si guud ugu duceeyay umadda Islaamka isaga oo si xanuun leh uga hadlay dadka Muslimiinta ah ee ku jira xabsiyada Cadowga, illaahayna uu uga baryay in uu Faraj Deg Deg ah siiyo.
Si gaar ah ayuu Sheekh Daahir ugu duceeyay umadda Soomaaliyeed ee dayac ka daashay isaga oo Illaahay uga baryay in uu siiyo Dowlad Cadaalad ah oo kitaabka Alle ku dhaqda.
Sheekha ayaa sidoo kale ka hadlay Muhiimada ay leedahay ku dhaqanka Shareecadda Islaamka iyo Raacida Kitaabka Alle.
Dhinaca kale Fagaaraha ayaa waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Qardho Cismaan Buux oo isagu taageeray soona dhaweeyay Kalmada uu soo jeediyay Sheekh Daahir.
Gudoomiyaha ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay Kaalinta Nabad Galyada iyo dhowrida wada jirka ay u leeddahay Bulshada wuxuuna dadka ku booriyay in Alle laga Cabsado si dhab ahna loogu Towbad keeno.
Fagaaraha ayaa sidoo kae waxaa ka hadlay Wasiirka Qorshaynta Maamul Goboleedka Puntland oo soo dhaweeyay Taageerayna Kalmada uu soo jeediyay Sheekh Daahir, isaga oo sii xoojiyay Dhowrida Amaanka iyo in laga digtoonaado wixii khal-khal galin kara.
Salaada Ciida ayaa waxa Tujiyay Musliinta Qardho Sheekh Guuleed oo khudbada Ciidana Akhriyay.
Khudbada ayuu sheekha uga hadlay arimo ay ka mid yihiin Sidii looga hor tagi lahaa Bur-cad Badeeda, isaga oo dhinaca kalana Tilmaamay in ay muuqato in ololahaas ay ka danbeeyaan Gacmo Shisheeye oo ay dantooda ku jirto in la Khal-Khal galiyo Amaanka Xeebaha si buu yiri ay fursad ugu helaan soo fara galinta xeebaha iyo dhulka Soomaaliya.
الله أكبر الله أكبر ولله الحمد
كل عام وأنتم بكل خير
تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال

Related posts: