Muqdisho oo laga ciidayo iyada oo uu Xasuuq ka socdo

Published on September 30, 2008 by   ·   No Comments   ·   print

ciida-wanaagasan.jpgالله أكبر الله أكبر الله أكبر لا إله إلا الله

الله أكبر الله أكبر ولله الحمد

Caasimada Magaalada Muqdisho ayaa maanta si weyn looga ciiday ka dib markii habeenimadii xalay warbaahinta Muqdisho laga maqlay 6 qof oo ka arkay Bilashada Bisha Shawaal Degmada wada jir ee Gobolka Banaadir.

Salaada Ciida ayaa sanadkan iyo midkii ka horeeyayba Muqdisho lagu tukaday Masaajida oo kaliya halka gumeysiga ka hor la isku soo bixi jiray Garoomada waaweyn oo ay ka mid yihiin Stadium Muqdisho iyo Fagaaraha Tarabuunka iyo Gobo kale balse goobahaas ayaa in ka badan 2 sano waxa ay fariisimo ciidan u noqdeen Ciidamada Gumeysiga isa soo bahaystay.

Ciidan ayaa Muqdisho laga ciidayaa iyada oo ay furmeen wadooyin dhowr ah oo u xirnaan jiray ciidamada DKMG ah iyo kuwa gumeysiga sida Howl-wadaag iyo gobo kale.

Sidoo kale Ciidan ayaa markii ugu horeysay lagu tukaday Masjidka Sheekh Cali Suufi oo mudo 11 Bilood ah u xirnaa ciidamada DKMG ah.

Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa lagu arkayay saaka Dadweyne raxan raxan u socda oo ku labisan dhar cusub isla markaana qaarkood ay wataan caruur si qurux badan loogu soo labisay.

Ciidan ayaa ku soo beegantay iyada oo habeenimadii xalay xasuuq arxan daro ah ay ciidamada Uganda iyo kuwa DKMG ah ka geysteen qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho sida Degmooyinka Hodan, Howl-wadaag, Wardhiiglee iyo Suuqa weyn ee Bakaaraha.

Sidoo kale Ciidan ayaa ku soo beegantay iyada oo Gobolka Banaadir inta badan laga xoreeyay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya isla markaana uu istaagay inta badan dhaq-dhaqaaqyadii ay ku gali jireen xaafadaha magaalada ka dib markii weeraro kala duwan kala horyimaadeen xoogaga Muqaawamada Soomaaliyeed.

Waxaa jira Masaajida Muqdisho qaarkood oo aan laga Tukan Salaada Ciidul Fidriga, kuwaas oo Maalin ka danbeeyay dada Maanta Ciiday.

تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال والقربات .



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Dagaal & Xasuuq ka dhacay caawa Muqdisho
  2. Gobolka Hiiraan oo Laga ciiday isaga oo xor ah
  3. Ciidamada Gumeysiga oo dib ugu soo laabay Janta Kundisho iyada oo la dilay sarkaal u shaqeynayay
  4. Xasuuq Shacab oo Ka Dhacey Deg. Dayniile
  5. Xasuuq Shacab oo ka dhashey Duqeyntii Maanta ee Muqdisho

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Dagaal & Xasuuq ka dhacay caawa Muqdisho
  2. Gobolka Hiiraan oo Laga ciiday isaga oo xor ah
  3. Ciidamada Gumeysiga oo dib ugu soo laabay Janta Kundisho iyada oo la dilay sarkaal u shaqeynayay
  4. Xasuuq Shacab oo Ka Dhacey Deg. Dayniile
  5. Xasuuq Shacab oo ka dhashey Duqeyntii Maanta ee Muqdisho

Latest Headlines