Kismayo oo laga ciiday iyada oo uu Maamul Islaami ah ka arimiyo

Published on September 30, 2008 by   ·   1 Comment   ·   print

iid-saciid.jpgMagalada Kismayo ee xarunta Gobolka Jubadda Hoose ayaa guud ahaanba laga Tukaday Salaadii Ciidul Fidriga taas oo la sheegayo inta badana in laga ciiday Dagmooyinka Hoostaga.Abaarahi 7: 40 ayaa afhayeenka Maamulka Islaamiga ee Magalada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub iyo Gudoomiya Ku-Xigeenka Magaalada Sheekh C/Qani oo la hadalay Warbaahinta ayay sheegeen in laga Arkay Bishii Soon fureed Magaalada Kismayo Gudaheeda, Magaalada Dhooblay iyo waliba Magalada Ceelwaaq taas ooy maamulku ku dhawaaqeen inay ciid tahay kana codsadeen dhamamba Bulshada Reer Kismaayo inay u ciidaan si iskumid ah lana ilaaliyo nidamka diiniga ah ee uyaala Gobolka Jubadda Hoose .

Kadib abaarahii 06:00 subaxnino ayaa dhamaanba noocyada kala duwan ee Bulshada Reer Kismayo ay u dareereen goobaha lagu tukado Salaada Ciida kuwaas oo dad aad u fara badani ay soo buux dhaafiyeen

Dadkan oo farxad aad u wayn ay ka muuqatay wajiyadooda ayaa ku dhawaaqayay Tagbiirata la qaado xiliyada ciidaha.

Dadkan oo isugu soo baxay garoonka way ee lagu tukado xiliyada Munaasabada Ciida laguna Magacaabo Waykiyuu ayaa waxaa khudbad ka soo jeediyay Sheekh Xasan Yacquub khubadan oo dhacday salaada ka hor ayaa Sheekhu uu kaga hadlay ilaa 7 qodob ooy ka mid yahiin amniga in laga wada shaqeeyo ,Shareecada Islaamka in la dhaqan galiyo , wada jirka iyo Midnimada in la ilaaliyo.

Sheekhu waxa uu sidoo kale ku booriyay dhamaanba Bulshada Soomaaliyeed inay Qabsadaan Kuna Mintidaan Diintooda Sharafta leh ayna garab istaagaan Mujaahidinta Soomaaliyeed

Waxaa sidoo kale Sheekh Xasan uu shaaca ka qaaday in maanta oo ay Bisha soon fur tahay kow, kaniisadii magaalada kismaayo loo badalay Masaajid taas oo uu Sheekh Xasan carabka ku dhuftay in loogu aaray Masaajidkii Herar ee Mililiq uu u badalay kaniisad ilaa iyo hadana ah kaniisad ay isticmaalaan Yahuuda Geeska Afrika ee Itoobiya Sheekh Xasan ayaa sheegay in loo bixiyay Masaajidka Masjidul Herar si dhaqsa ah na loo bilaabi doono dhismihiisa.

الله أكبر الله أكبر الله أكبر لا إله إلا الله

الله أكبر الله أكبر ولله الحمد

تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال والقربات .



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Gobolka Hiiraan oo Laga ciiday isaga oo xor ah
  2. Qasnajigii Dekedda Kismayo oo Galabta La Diley
  3. Muqdisho oo laga ciidayo iyada oo uu Xasuuq ka socdo
  4. Dagaal Xoogan oo ka Dhacay Galbeedka Kismayo
  5. Hay’ada Horn Relif oo Joojisay shaqadii ay ka waday Kismayo

Readers Comments (1)

  1. Abdala says:

    Walaalayaal ciidu waaa ciidul fidri eee ma ahan ciida arafo waa qalad farsamo baan filaaa , waaa magaalada kaliya ee wadanka ee maamul islaami ah uu ka jiro hada marka laga reeebo jowhar iyo baladwayne oo aan wali si rasmi ah loo dhisin , ciiid wanaaagsan islaamku waaa guulaysan dooonaaaa insha Alaaah




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Gobolka Hiiraan oo Laga ciiday isaga oo xor ah
  2. Qasnajigii Dekedda Kismayo oo Galabta La Diley
  3. Muqdisho oo laga ciidayo iyada oo uu Xasuuq ka socdo
  4. Dagaal Xoogan oo ka Dhacay Galbeedka Kismayo
  5. Hay’ada Horn Relif oo Joojisay shaqadii ay ka waday Kismayo

Latest Headlines