Gobolada W/Galbeed Soomaaliya oo si Midaysan looga Ciiday

Published on September 30, 2008 by   ·   No Comments   ·   print

87-ciid-wanaagsan.jpgDhamaan Gobolada Maamulka S/land ayaa saaka oo Talaadda ah looga dareeray gudashada Salaadda Ciidul Fidriga ee sanadka 1429H, iyadoo ay Takbiirta Ciidu saaka waaberigii isaga yeedhay Afarta koone ee Magaalooyinka, dadkuna ay isugu ducaynayeen isuguna tahniyadaynayeen “تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال والقربات ” Illaahay ha inaga wada Aqbalo Camalkeena Wanaagsan.

Dadkan isugu soo baxay dhamaan goobaha lagu tukado ayay ka muuqatay Bilic, Farxad iyo qushuuc ay ku wadaceen Bishaas Barakaysan ee Ramadaan iyagoo weji farxadeedna ku soo qaabilay gudashada Ciidal fidriga.

Magaalada Burco oo ah Magaalada Labaad ee ugu weyn Gobolada Maamulka S/land ayaa saaka looga ciiday si farxadi ku dheehantahay , iyadoo in ka badan 10 goobood oo waaweyn ay dadku ku guteen salaadii ciida, gaar ahaan Garoonka Kubadda Cagta ayaa ahaa masalaha ugu weyn ee magaalada Burco, halkaas oo ay ku tukanayeen dad lagu qiyaasay ilaa 20 kun iyo in ka badan.

Waxaa halkaas ka hadlay oo wacdi aad u qiimo badan oo ka hadlaya Xaalada Dalku uu marayo iyo waxa loo baahan yahay ka soo jeediyey Muftiga weyn ee Soomaaliyeed Sheekh Cali Warsame Xasan, wuxuuna Sheekhu Kalmadiisa ku bilaabay inay Gudashada Sakaatul Fidriga ay tahay sadaqo uu ilaahay ku waajibiyey qof kasta oo Islaam ah oo Awoodi kara, taas oo u noqonayso nadiifin uu Illaahay kaga dhaafayo wixii uu gefef ah ee ka dhacay mudadii uu gudanayey waajibaadka Bisha Ramadaan, ahna quudin dadka Masaakiinta ah si ay maalintaas Farxada ula qaybsadaan walaalahooda Muslimiinta ah.

Dhinaca kale wuxuu Sheekhu ka hadlay sida ay lagama maarmaan u tahay in la ilaaliyo Nabadgelyada oo ah Aasaaska Nolosha iyo in dadku ay isu naxariistaan maadaaba lagu jiro waqti adag oo noloshu ay tahay cidhiidhi.

Waxaa kale oo uu Sheekhu dadka ku booriyey inay walaalahooda Soomaaliyeed ee ay dhibaatadu haysato u duceeyaan maadaba uu gumaysi dhulkoodii haysto hadh iyo habeena lagu garaacayo Madaafiic, dad abriyo ah oo aan waxba galabsan. Waxaan leenahay Illaahay haka dulqaado Aamiin.

Waxaa isna halkaas ka hadlay Sheekh Jaamac Aadan oo ku hadlayey Afka Hay’ada wanaag farista iyo Xumaan Reebista oo beryahanba mashruuc ku saabsan quudinta masaakiinta ka waday magaalada Burco, wuxuuna sheegay inay in ka badan 600 oo qoys ay Bishan siiyeen raashin ka kooban Bariis Bur Baasto iyo Sonkor. Taas oo la odhan karo waxay buuxisay doorkii ay dawladu ka qaadan lahayd daryeelka dadka tabaalaysan.

Goobaha masalayaasha ah ee lagu tukunayey ayaa dhamaan ka fogaa Hirdanka Siyaasadeed ee ka dhexeeya kooxaha siyaasiyiinta ee ah ee isagu jira Axsaabta Mucaaridka iyo Muxaafidka.

Dhinaca magaalooyinka Hargeysa , Boorame , Laascaanood iyo Berbera ayaa iyagana looga wada ciiday si dhamaystiran, oo huwan farxad iyo damaashaad, dhamaan goobahaas ayaa ahaa meelo farxadeed iyadoo loo Camiray goobaha laga iibsado sida Macmacaanlayaasha ,Biibitooyinka, Snack Bars, iyo goobaha waxyaalaha macmacaan laga helo.

تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال.

الله أكبر الله أكبر الله أكبر لا إله إلا الله

الله أكبر الله أكبر ولله الحمد



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Gobolka Hiiraan oo Laga ciiday isaga oo xor ah
  2. Kismayo oo laga ciiday iyada oo uu Maamul Islaami ah ka arimiyo
  3. Warbixin:- Sidee looga Arkay Bisha Ramadaan loogana Sooman yahay Maanta Gobolada Dalka Soomaaliya?
  4. Somalimirror:- Ciid Mubaarak
  5. Garabyada Mujaahidiinta Soomaaliyeed oo mar kale si midaysan u galay dagaalkii Jidka Wadnaha

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Gobolka Hiiraan oo Laga ciiday isaga oo xor ah
  2. Kismayo oo laga ciiday iyada oo uu Maamul Islaami ah ka arimiyo
  3. Warbixin:- Sidee looga Arkay Bisha Ramadaan loogana Sooman yahay Maanta Gobolada Dalka Soomaaliya?
  4. Somalimirror:- Ciid Mubaarak
  5. Garabyada Mujaahidiinta Soomaaliyeed oo mar kale si midaysan u galay dagaalkii Jidka Wadnaha

Latest Headlines