fataawida ramadaan (Q.14-aad)
Published on September 30, 2008 by SomaliMirror · No Comments ·
Su,aal 43aad sheekhoow waxaan ahay nin waqti hore reer u guri galay micnaha nin aad u da’ wayn waxaan so soomay waqtigaygi oo dhan in kastoon in badan waynahay waxaan xasuustaa inaana soomin labadi sano ee iigu horeysay soonka hadaba sedeen u qaleeyaa soonkaas
hadaan qaleeyana maxaa qalayntaas aheyn oo layga rabaa
Aljawaab: Waxaan u qaatay in 2 sano soonkeedii kaa tagay,waad qalaynaysaa labadaas bilood, wax kalana lagaamo rabo,hadaad tahay nin wayn oo aan soomi karin waxaad quudinaysaa lixdan miskiin(waxay u dhigantaa labadii bilood),waa markaad jirantahay jiro aan laga caafimaadin ama aad duq tahay oo aadan soomi karin.
su’aal 44aad sheekhoow (ninkaan ilaaheey diintiisa wax ku xakumin(sida dimuqradiyadda)si bareer ah ma u dhihi karaa hogaamiyahaas waa gaaloobay ama waa ridoobay anoo sooman iyo anoo soomanaynba.
Aljawaab: Wixii ilaahay ku tilmaamo kufri waa lagu tilmaamin,sida qofka aan sharciga wax ku xukimin ilaahay wuxuu ku tilmaamay gaalnimo.
Waxaa xusid mudan in la ogaado in la kala saarayo falka iyo qofka ku dhacay,oo qofka gaalaysiintiisu waxay u baahantahay shuruudo dhowr ah,yaan marka lagula dagdegin qof mucayan ah in la gaalaysiiyo,siiba dad aan sharciga aqoon dheeraad ah u lahayn.
Su’aal 45aad sheekhoow waxaan ka shaqeeyay meel shaqo waxaan ka noqday qasnaji waxaa igu tagay xoogaa qarash ah oo aanan xisaabteeda hadda aanan xasuusan waxayna aheed soon waxaan ku afuri jiray lacagtaas mararka qaar lacagtii tiradeedii iyo inta maalin oo aan ku afurayna iima tirsanamaxaad iga dhihi laheed xagga diinta.
ilaahey aduunkana camal wanaagsan hakaa siiyo jawaabahaaga aakhirana maqaam sare rabbi hakaa dajiyo jannada
iyo dhamaan ummada muslimiinta ah ilaaheyn ummadiisa dhibaatada haka qaado wassalaamu calaykum waraxmatullaah. Aljawaab: Waxaad lunsatay lacag aadan xaq u lahayn,ilaahay u towbad keen,xaqiina celi,waad qadaraysa inta aad isleedahay way kugu baxday ayaad celinaysa,soonkii qalayn maysid mar labaad.
Related posts:
- Fataawida Ramadaan (Q.10-aad)
- Fataawida Ramadaan (Q.13-aad)
- Fataawida Ramadaan (Q.11-aad)
- Fataawida Ramadaan (Q.7-aad)
- Fataawida Ramadaan (Q.8-aad)