Bismillahi Raxmani Raxim
Assalamu alaykum wr wb
Walalayaal waxaan marka ugu horaysa idin leenahay CIID MUBAARAK. ALLAH swt hanaga aqbalo acmeesha kuwooda wanaagsan, sida : Salaada, Soonka, Zakada iyo Ducadaba.!
Waxaanu jecleysannay inaanu xasuusino nafteena iyo walaalheenba in lagu dadaalo acmaasha kuwoodo wanaagsan, madaama ay dhamaatay bishiii barakaysneyd ee Ramadaan. Laakiin waxaad ogaataan in ALLAHiii la caabudi jiray Bisha Ramadan uu wali jiro, wuuna jiri doonaa waligiigeed, ee aanu cibaadada kasii wadno meshii aanu uga tagnay Ramadaan, sida:
1 – Quraanka akhriska
2 – Dikriga badan
3 – Salaada badan (qiyaamo leyl)
4 – Soon badan (6-Shawal – wadac- iyo kuwo sunanka ah)
5 – Sadaqada
6 – iyo wixii kaloo kheyraad ah uu ALLAH swt raali ka yahay.
Walaalayaal waxaad kaloo ogaataan in Ciidaha naloo sharciyeeyay inaanu u dabaal dagno ey yihiin kaliya labo ciidood: Waa Ciidul Fitri (Ciiidaaan) iyo Ciidul Adxaa (Ciid weyn). Wax kale oo lagu magacaabo CIID oo la sharciyeeyay in loo dabaal dago ma jiraan.
Sidaas darteed waxaa muhiim inay iska ilaaliyaan dhamaan walaalaheena muslimiinta ah u dabaal daga ciidahaas asal kooda laga keenay gaalada, sida:
- ciida dhalashada (birthday)
- ciida dhalashada nabi ciisa (scw) (christmas)
- maalinka hooyada (mother’s day)
- maalinka aabaha (father’s day)
- maalinka jaceylka (valentine’s day)
Hadduu ALLAH swt inoo fududeeyo, waxanu soo diri doonaa maqaal ku saabsan Soonka Bisha Shawaal, maalmaha soo socda Insha ALLAH.
Mar labaad waxaanu dhamaantiin idin leenahay CIID MUBAARAK.
——————————-
Codsi: Fadlan walaal khayrkan usii gudbi walaalahaaga Muslimiinta inta aad taqaano
Allaah ajar hakasiiyee..jazaka Allaahu Khayraa

Related posts: