Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa Maanta si Wayn looga Ciidin, iyadoo dadka qaar ay soomanyihiin, walaw dadka badankooda ay wada Ciideen.
Qaar ka mid ah masaajida ku yaala gudaaha Magaalada Baydhabo ayaa saakay laga tukaday salaada Ciida Fitriga, Takbiirta Allaahu Akbar Allaahu Akbar Allaahu Akbar laga maqlayay maajidada qaarkood, walaw aan masaajida kale aan wax takbiir ah laga akhrin.
Salaad Ciida Fitriga ka dib mar uu wariyaha Shabakadda Somalimirror la sheekaystay dhaliyaro iyo caruur oo deegaan ku aha magaalada Baydhabo ayay uga warbixiyeen inaysan isu mid ahayn ciidaan iyo ciidihii ka horeeyay, taasi oo ay ku tilmaamay in magaalada oo dhan aan wax amaan ah ka jirin ayna guryadooda isaga laabanayaa markii ay saaladda Ciida ay soo tukadaanba.
Sida uu ku soo waramayo Wariyaha Somalimirror ee Baay iyo Bakool Xalay ayuu Agaasimaha DKMG ah sheegay in Maalinta Talaadada aysan ahayn Ciid balse Maalinimada Arbacada ay u tahay iyaga Maalinta Ciidul Fidriga.
Si kastaba ha ahaatee Gobolada Baay iyo Bakool ayaa laga ciidayaa iyada oo inta badan degmooyinka hoos yimaada aysan wax awood ahi ku lahayn DKMG ah isla markaana ay Xoogaga Muqaawamada xiligii ay rabaan tagaan.

Related posts: