Indha Cadde oo beeniyay in ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ee B/weyne ay la xiriirto heshiiska Jabuuti
Published on September 29, 2008 by Somalimirror · 8 Comments ·
Xoghayaha Difaaca Isbahaysiga Dib u xoraynta Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde oo shir jaraa’id maanta ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in ciidamada gumaysiga Itoobiya ay wada hadalka Jabuuti awgiis uga huleeleen Magaalada B/weyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Indha cadde ayaa been abuur ku tilmaamay warka gudoomiyaha Isbahaysiga Dib u xoraynta garbka Jabuuti Sheeklh shariif sheikh axmed ku sheegay in ciidamada Itoobiya ee ka baxay magalada B/weyne ay qayb ka tahay go’aamadii ay dhawaan wada gaareen garabkooda iyo DKMG ah.
Xoghayaha Difaaca ayaa waxaa uu Sh.Shariif ku eedeeyay in uu hagardaamo ku hayo shacabka wuxuuna ugu baaqay in uu isaga joogsado waxa uu ku tilmaamay dhibaataynta ummadda isal markaana waxuu sheegay in bixitaanka ciidamada Gumaysiga Itoobiya uu yimid kadib cabsi ka soo wajahday dhinaca Xoogagga MMI oo xilligan gacanta ku haya Magaalada B/weyne.
Yuusuf Indhacadde oo sheegay in uu xilligaas ku sugnaa gudaha magaalada B/weyne ayaa waxaa uu tibaaxay in ciidamada gumaysigu ay dareemeen diyaar garawoga iyo cududda milatery ee Xoogagga MMI kadibna ay baqo dhabarka jeediyeen.
Related posts:
- Sh.Shariif Sh.Axmed oo ku baaqay in la taageero Heshiiska Jabuuti
- Sh Sharif oo Cambaareeyay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya
- Indha Cadde oo ka Hadley Shirka Jabuti iyo Dagaaladii Xaley
- Ciidamada Gumaysiga Itoobiya oo Madfac ku dhuftay gaari marayay Duleedka B/weyne
- Dib u Dhac kale oo ku Yimid Saxiixii Heshiiska Jabuuti
Indha cadde hadalkiisa waxa iiga baxay in uu weli ku shaqaynayo caqligii dagaal-ooge yaasha
iyo qabyaaladda. Siyaasaddiisuna ay weli ku dhisan tahay is ka dhici ina hebel oo reer hebel ah.
war kan iska aamus yaa dhaho hadalkiisa wax kasoo qaad malahan,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,
Indha-cadde iyo Sheekh Shariif aniga labadaba basaasiin ayaan u arkaa. Laakiin waxaa sii daraan Sheekh Shariif (Sheekh Xariif).
indhacadede wuu ka shifme sh xasan turki xafidulaah baa ka shife inuu gaalada u shaqeeyo isaga iyo shariifka marka dadkuu iska gadayaa /
takale isaga ciidanba ma heysto in burcad badeed ah iyo in ashahaado la dirir ah oo tuugo iyo xaaraanti sh /hoose ku waashe , hadana waxaa raja ka heesaa in sh/ hoose xoog ku sii joogo soomalina waligeed fowda ahaato. WAxaan kula talin lahaa indhacade inuu ilaahey ka baqo guriceelna iska aado dhuldanbe xoog lagu haaysan maayo . wadanka waxa sidan u galay waa indhacade iyo qaar lamid ahaa tuug weeye . waa ninka dilay mujaahid aadan xaashi ceyrow .hadana aabaha mujaahidiinta sh xasan turki beenta ka sheegay ee yiri hubaan siiyaa yaab>>
been badanaa .sh xasan turki waa mujaahid diinta dhab ka tahay waxa dhabta u dagaalamana waa ciidankiisa ILAA DAGAALKII QABQABLAYAASHA IYO IIDAALE ILAA HADA MUJAAHADIINTA DHANA ISAGAA TABA BARAA HUBKANA SIIYAA MARKA MOORIYAN INDHACADE OO MAGAC BEEN AH RABO INUU WELIGIIS GUUL RAG GAARE IDEECADAHA KA SHEEGTO .
TAAS WAY DHAMAATE MARKII JAAJUUS NIMADIISA LA OGAADE BAA LAGA KALA CARARE .
BAL ARKA INUU MUNAAFIQ YAHAY MAXKAMADAHANA GAASANDHIG BAAN U AHAY ISBAHEYSIGANA GAASHAANDHIG ISAGA MALABA QOFBAA DADKII KALE MAAY DHAMAADEEN WHY KELIGIIS LABA JAGO KKKKKKKKKKKK YAAB ?
sarqurutey lama huurikaro siyaasada shariif ka waa inlakashifo edeynta indhacadana waxma soo kordhineydo waxaa looga bahanyahey indhacade moqif cad iyo hogan mideysan inuu layimado masraxa hadiise uu marna edeyo marna yirahdo waa amiirkegi taa waxlagu qoslo
ASC
Sheekh Indhacadde iyo Sharif Axmed in la isla meel dhigo ma aha, mana aha in sh. Indha Cadde jaasuus lagu tilmaamo. Sharif Axmed waa tan si caddaan ah ula shaqeynayo Mosaad iyo CIA isla markaasne cambaareya mujaahidiinta, kana soo horjeestay xiritaanka garoonka dayuuradaha. Sheekh Indhacadde meedaanka dagaalka ayaa address u ah (walaa nuzakii calaalaahi axad).
Marka, ma aha in la isbarbadhigo nin Hoteel 5 Star Deggan oo la shira Moosaad iyo nin meedaanka dagaalka jooga. Haddii waxa idinka dhawaajinayo ay qabyaalad tahay Shariifba qabiil ayuu ka dhashay lamana ceebeeyo qabiilka. Midda kale, Sh. Hoose waxaa haysta amxaar, Amxaartu ma soomali bay noqdeen? oo Indhacadena ma yahuudbaa? Intii gobolada Sh. Hoose uu maamulkeedi hayey waa la ogyahay waxa uu u qabtay, maanta waa kaasee amxaar ayaa haysta sh. hoose, ee ka hadla. Waxaa yaab leh somali caddaalad xumada haysata soomalida waxaa ka mid ah in axmaar gobolo dhan oo laand sheegto ayuu maamuulaa kheyraadkeeda qaadaa, isticmaala airoporadooda iyo dekedahooda haddana cid ka hadasho ma jiro. Magaca indhacade xasaasiyo ayay ka qabaan soomalidoo kale, taasaana laga yaabaa Illahey inuu ugu dambi dhaafo. Markii hal kalimad ku hadlo,qoraalo farabadan ayaa la soo geliyaa webka. Horta maxaa idin sheekha soo ma aha sheydaan waxa idinka qariyey laba boqol iyo todobaatan iyo shan isku sheegay sharci dejiyeyal inay yihiin oo illahnimo sheegtay Baydhabo fadhigo iyo ibliiska weyn ee villa soomaliya god kaga jiro, cid soo hadal qaado ma jiro!!! Waa yaab aan yaab ka dambeynin waxa soomalida tusay sh. indhacade. Walicilmikum isku qabiil ma nihi ee wadaadkaas xaqdarrada ay soomali ku haysato ayaan ka difaacaa. Burcadda Djibuuti fadhida oomaalinba dhar idin soo gashato xooga saara ee qofka meedaanka dagaalka ku jiro faraha ka qaada.WSC
ASC.
War sheikh shariif iska daaya, kama suurowdo hadalkaas haddii uusan hubine. midda kale haddii uu shariifku khayr keeno maxaa loo diidayaa, mise indhacadde iyo qolada casmara haddii aysan iyagu keenin waa ladiidayaa. waxaa ii muuqata cawaaqib xumo iyo in aan dib la isu aaminin. dib halloogu noqdo diinta dhaniga xunna halla iska daayo. ilaahna halaga baqo.
abu munsif
maxaa dhacay aad baad u kululaatay jeneral indhacde markii wax laga sheegay sidiisaba indhacade waana naqanaa sharaxaadna uma baahna soomaali oo dhana waa taqaanaa waa isga ninka qiiqa isku qarinayo maalina leh shariifka amiir noo ah maalin leh waa tuug, hada ka horna yiri sh. shariif anaa meesha u dhiibanay . waxaa tiri gudaha ayuu ka dagaalama sh.shariifna hoteelo ayuu jiifaa waxaad ilaawdey ninkii dagaalka iclaamiyey hadana cararay markey sheekada ugu xumeyd oo cirka dhulka lasyka qaraacayay sh.shariif dhibkii ugu badnaa ayuu ku jirey laakiin indha cade xaguu jirey,, waqtiguu soo noqdey dagaal uu ka qayb qaatey lama sheegin wuxuu wuxuuna rabey inuu iska dhaqo dambigii ..waxa kale lagu tuhun san yahay dilkii allaha u naxariistee macalin aadan xaashi maalin dhoweydna sh, turki ayaa sheekadiisa fashiliyey waxaa cadaatay inuu weligiis ku faani jirey awood uusan lahayn sidii maxkamadaha uu ugu biirey korna waxaa ka difaacayay adeerkiis xasan daahir aweys oo yiri hada ka hor maamulka ka jira sh. hoose wuxuu la mid yahay kan somaliland iyo puntland waxaa kaloo tiri sh.hoose waxaa haysta dabadhilif hadey dabadhilif haystaan maxaanan loo weerarin meelwalba uu dabadhilif joogo waala weerayay tii u dambeysay kismaayo ayasan dabadhilif joogin oo mooryaan joogaan waa la weeraray nuuriye cali faarax waa ninkii isbaarada u haayay indhacade maantana waa dabadhilif isku sheegay gashaanle cid weerartay ma jirto inkastoo xil ku sheega ay dabadhilifka u dhiibteen ka qaadeen isbaaradana sidii ayay u taalaa sh. hoose sida marka.qoryooley.baraawe buulo, ilaa maanta cid weerarta ma jirto maxay tahay sabata loo weerari waayay ? waxaa kuu cad in weli isbaaradii jenaral indhacde taalo oo maalinba shaati xirtaan waxaad kale tiri indhacde markuu ka talinayay sh. hoose wanaaga uu qabtey ma iisheegi kartaa ma isagaa iskaleh mise u dhashay xoog ayuu ku haystay dadka masaakiinta canshuurta laga qaado ayaa wanaag ah walaahi wuxuu galay inaanan inta lagu soo koobi karin haduusan maanta intuu noolyahay dambi dhaaf ha weydiisto dadkii masaakiinta uu xaraanta ku haystay. inaad indhacde amaanto sh. shariifna cayso cid kaa dhageysanayso ma jirto qabiilka caloosha kaaga jiro iska saar sh. shariif jidka uu ku socdo iney qaldan tahay waalaga yabaa laakiin jenralka weligiis ma garaayo shariifka,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,