diyaar garowga ciidda iyo goboladda maamulka somaliland

Published on September 29, 2008 by   ·   No Comments   ·   print

hargaysa3.jpgTobankan ugu danbeeya bisha Ramadaan ee baraykaysan Waxa si wayn looga dareemaya Gudaha iyo daafaha magaalooyinka Hargeysa, Burco, Boorame iyo Laascaanood u diyaar-garowga ay dadka shacabki ugu jiraan maalinta farxada wayn ee Ciida, iyadoo ay dhamaan dadweynuhu si xad dhaaf ugu xoon san yihiin goobaha bilicda leh ee laga dukaamaysto sida, Carwooyinka, Bacadlayaasha, Dukaamada, oo laga wada iibsanayo dhar aad u qurux badan oo loogu diyaar garoobayo Gudashada Ciida barakaysan. Iyadoo xarumaha Xawaaladaha oo furan Maalin iyo habeenba dadku ay ka qaadanayaan lacago isugu jira Arad bax iyo ciidul fidri. Dareenka dadku ay kusoo qaabilen bishan ramadaan ayaa ahaa mid aad u farax badan oo uu ku jirey dareen kelyo adayg leh, maadaaba dadku ay ku jiraan waqti adag oo sicir barar saameeyey dhinacwalba. Sida la ogsoon yahay waxa labadii sanadood ee danbeeyeysa si isdaba jooga kor u kacayey qiimaha shidaalka iyo maceshadaha quutal daruuriga ah sida Bariiska iyo Sonkorta. Waxaa iyana ku darsamay Qiimaha sicirka Dharka iyo Kabaha ee Bacadlaha oo kor u kacay saddexdii todobaad ee u dambeeyey, iyada oo inta badan xadiga korodhka Qiimaha uu gaadhay 50%, taasoo logu sababaynayo ka dib markii ay wasaarada maaliyadu kordhisay cashuurtii laga qaadi jiray Huga dadka ee dibada laga keeno iyo noolka iyadoo halkii kargo lagu kordhiyey ugu yaraan 60%. taas saameyn xoog leh ku yeelatay awoodii dhaqaale ee ay qoysaska saboolka ahi ay ku iibsan lahaayeen Dharka iyo kabaha ciidda. iyadoo ay taasi jirto hadana waxaa buuxdhaafiyey Goobaha lagu iibiyo dharka iyo Carwooyinka kala duwan dad-wayne aad u tiro badan, kuwaasi oo iibsanaayaa dharka ama alaabooyinka loogu tala galay maalinta farxada ah ee Ciida. Sida kastaba ha ahaatee, markaad soo dhexmarto suuqyada meelaha lagu iibiyo dharka ayaa waxaad ku arkaysaa Caruur yar yar iyo haween tiro badan oo is-wata oosafaf ugu jira meelaha dharka iyo waxyaabaha ay caruurtu ku ciyaarto lagaga ganacsadoBisha barakaysan ee Ramadaan ayaa hada maraysa dabagoosi iyada oo ay bishan Ramadaan ku soo beegantay waqti ay gobolada badan kooda ay ka cusboonaadeen Roobab aad u laxaad leh oo maansheeeyey inta badan gobolada bari, oo beryahanba ay ka taagnaayeen abaaro iyo qaylo dhaan xoog leh ka soo yeedhaysaey dadka xoolodhaqatada ah



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Diyaar garowga Ciida ee Gobolka Banaadir.
  2. Diyaar Garoowga Ciidul Fidriga & Magaalada Kismaayo
  3. Malaga qeyb gali karaa Ciidda Gaalada (Qeybtii 1aad)?
  4. Dabaal Dagyada Ciidda Jaceylka
  5. Baydhabo & Qaban qaabada Maalinta Ciida

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Diyaar garowga Ciida ee Gobolka Banaadir.
  2. Diyaar Garoowga Ciidul Fidriga & Magaalada Kismaayo
  3. Malaga qeyb gali karaa Ciidda Gaalada (Qeybtii 1aad)?
  4. Dabaal Dagyada Ciidda Jaceylka
  5. Baydhabo & Qaban qaabada Maalinta Ciida

Latest Headlines