Dhalashada bisha shawaal oo laga arkay meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah
Published on September 29, 2008 by SomaliMirror · 2 Comments ·
Caawa salaaddii makhrib ka dib ayaa dhalasha bisha shawaal laga arkay meelo badan oo soomaaliya ka mid ah, shabakadda somalimrirorna waxaa u suurta gashay inay u kuur gasho xidhiidhna la samayso goobaha iyo deegaanada laga arkay bisha.
Gobolka banaadir waxaa laga arkay dagmada wada jir oo ay ka arkeen 6 qof oo u badan macllmiin dugsi sida uu sheegay sheekh faysal jaamac oo ka mid ah ducaadda laga yaqaanno gobolka banaadir oo intaas raaciyay in dadka bisha arkay la yaqaanno oo lagu kalsoonaan karo, macallimiintaas qaar ka mid ah ayaana ka hadlay idaacadda hornafrik oo xaqiijiyay inay si buuxda u arkeen dhalasha bisha shawaal waxaana ka mid ahaa dadkaas :macallin cabdulle macallin muuse, macclin muuse maccallin cabdi ,iyo sh. Xasan axmad xuseen jimcaale.
Qaar ka mid masaajidda muqdihso ayaa takbiirta ciidda laga maqlayay in kasta oo aan si rasmi ah loo shaacinin in barri ciid tahay.
Gobolka shabeelada hoose waxaa arkay dhalasha bisha shawaal c/laahi barre c/laahi oo ka arkay beer ku taalla degmada afgooye oo lagu magacaabo sayid cumar Gobalka galgaduud waxaa laga arkay tuulada biyo cadde oo 40km dhinaca waqooyi bari ka xigta degmada guriceel waxaana arkay dad badan oo u ka mid yahay shaeekh cayni, guri ceel iyo matabaanba takbir ayaa masaajidda laga maqlayay in kasta oo aan magaalooyinkaas bisha laga arag.Balad weyne masaajidda qaar takbiir yaa laga maqlayaa sida masjidka carabta hase yeeshee lama soo sheegin cid baisha halkaas ka aragtay. Maamlulka Somaliland Waxaa hadlay wasiirka awqaata iyo arrimaha diinta oo B.B.Cda u sheegay inay barri ay ciid atahy ka dib markii laga sheegay waddamada carabta iyo islaamka sida kuwayt iyo imaaraadka carabta in dhalasha bisha shawaal laga arkay, lamana soo sheegin ilaa iyo hadda meel ka mid ah maamulka Somaliland oo bisha laga arkay. Gobolka bari waxaa laga arkay demada Boosaaso oo ay ka arkeen 5 qof iyo tuulada xiddo oo ku taalla waddada isku xirta qardho iyo boosaaso waxaana ka arkay 2 qof, magaalada bdhan oo ka tirsan gobolka sanaagna waxaa ka arkay 1qofShir ay caawa xarunta gobolka bari ku qaateen qaar ka mid ah maamul goboleedka puntland iyo culimada gobolka bari ayaa lagu goddoomiyay sugnaansha dhalashada bisha shawaal ka dib markii halkaas lagu waraystay laguna dhaariyay qaar ka mid ah dadkii bisha arkay.
maamul goboleedka puntland waxaa inay barri ciid tahay ku dhawaaqay wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta c/risaaq geesood iyo ku xigeenkiisa maxamuud beel daaje , waxaa isna sidaas oo kale ka hadlay gudoomiyaha gobolka bari muuse geelle faroole.Magaalada qardho oo masaajiddadeeda caawa taraawiix laga tugaday ayaa xilli danbe la maqlayay iyada oo takbiirtii ciiddu ka socoto.
Shabakadda somalimirror waxay ku dadaali doontaa inay idiin soo tabiso sida looga ciido dhammaanba goboladda dalka ilaahay idankii waxayna idiinku tahniyadenaysaa ciidda ramdaan waxayna idin leedahay ilaahay acmaasha ha inaga aqbalo
Related posts:
- Warbixin:- Sidee looga Arkay Bisha Ramadaan loogana Sooman yahay Maanta Gobolada Dalka Soomaaliya?
- Golaha Imaamada Waqooyiga Ameeriko oo shaaca ka qaaday in ay ku hawlanyihiin la Socodka Dhalashada Bisha Ramadaan
- Bishii Ramadaan oo Galabta laga arkay Muqdisho
- Mashruuc lagu Afurinayo in ka badan 2 Kun oo Qoys oo ka Bilowday Boosaaso.
- Askar Meelo Kala Duwan oo Muqdisho ah Lagu Diley
walaal waxaan rabaa war xaqiiq ah ama dhaar
waaal waxaan rabaa dhaar ama war xaqiiqa