C/laahi Xassan Lugbuur oo xilkii laga Xayuubiyay

Published on September 29, 2008 by   ·   3 Comments   ·   print

lugbuur.jpgC/laahi Xassan Lugbuur oo ahaa Madaxa Maamulka gumaysigu u xilsaartay Gobolka S/galbeed ee ay gumaysato Itoobiya ayaa maanta si rasmi ah xilkii looga xayuubiyay sida uu sheegay Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqradiga ismaamulka Soomaalida C/fitaax Sh. C/laahi.

Gudoomiyaha Xisbiga ayaa sheegay in maalintii shalay ahayd ee taariikhdu ku aadanayd 28/09/08 ay golaha fulinta Xisbigoodu go’aansadeen in ay xilka ka qaadaan Lugbuur islamarkaana go’aankaas ay ansixiyeen Golaha dhexe ee xisbiga wakiilka gobolka uga ah gumaysiga Itoobiya.

C/laahi Xassan Lugbuur ayaa waxaa xilkaqadistiisa loo cuskaday amniga gobolka oo faraha ka sii baxaya kadib markii ay Xoogagga Xornimadoonka ahu si laxaad leh kor ugu qaadeen Holgaladooda dagaal ee ay kula jiraan Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ee ku sugan gobolka gudihiisa wuxuuna sheegay C/fitaax in Lugbuur uu ka gaabiyay wax kaqabashada Arrimahaas.

Sidoo kale Lugbuur ayaa waxaa lagu eedeeyay in uu si fiican u maamuli wayay miisaaniyadda Amniga loogu tala galay isla markaana uu tilaabo ka qaadan waayay dadka Soomaaliyeed ee lagu tuhmo taageeridda Xoogagga Gobanimo doonka ah ee ka dagaalama gobolka sida uu

carrabka ku dhuftay C/fitaax Sh. C/laahi.

“Laga bilaabo maanta C/laahi Xassan maaha madaxweynaha ismaamulka Soomaalida Itoobiya” ayuu yiri Gudoomiyaha Xisbiga gumaysiga uga wakiilka ah Gobolka Somaali galbeed.

C/laahi Xassan Lugbuur ayaa noqonaya ninkii 8-daad oo si noocan oo kale ah xilka loga xayuubiyo kadibna lagu soo oogo dacwad ka dhan ah taas oo uu ku mutaysto Xabsi waxaana la filayaa in Lugbuur uu mari doono halkii ay horay u mareen 7-dii nine e asaga booskan uga horaysay.

Lugbuur ayaa intii uu madaxda ka ahaa maamulka gumaysiga wakiilka uga ah gobolka S/galbeed waxaa dadka shacabka ah loo gaystay falal aad u naxdin badan kuwaas oo isugu jira dil, Boob, kufsi, deegaano lagubo, burburin hantiyeed, ceelal la awdo iyo cunaqabatayn dhan walba ah oo lagula kacay shacabka S/galbeed falalkaas oo ay ku kacayeen Askarta gumaysiga ayna u fududaynayeen Xubnaha maamulka uu madaxda u ahaa Lugbuur.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. C/laahi Yuusuf & Nuur Cadde oo saacadaha soo socda laga saxiixayo Heshiis
  2. C/laahi Yuusuf iyo Nuur Cadde oo Muqdisho soo Gaaray
  3. C/laahi Yuusuf “Go’aanka Baarlamaanku maaha mid waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda dalka u taala”
  4. C/laahi Yuusuf oo Diiday Xilka Qaadista M.Dheere
  5. Mas’uuliyin ka tirsan Gobolka Banaadir oo maanta is casilay

Readers Comments (3)

  1. samatar says:

    midkastoo ka cajisa hoowshi loogu dhiibay jagadaas sidasaa u danbeeneysa marka ragaan marki horeba mesha looma geen ineey xasuuqaan dadkooda mahee marka haduu ka cajiso ama uukasoo bixi waayo waa in laga qadaa xilkaas , waana sida lagu yaqaan gumeysiga sideey u galaan dadkeen ku adeegasadaan .

    wadaadaan maha mid cusub ee waa mid looga horeeyay hadan sida la shegayo waxaa kusocda wadadaas camiilka ugu weyn e c/lahi yusuf waxaa la sheegay in isagana seefti sanwi dul taal oo lagayaaba ineey la kacdo waa hadeeysanba kasoo hormarin tan muqaawada .

  2. Abu-jacfar says:

    Maantana Mujrimkii Lugbuur Ahaa

    Ilaahay dhulkaas hagaadhsiyo cadliga islaamka…

    Aamiin…

    Allaha ha dhowro Mujaahidinta S/galbeed iyo Amiirkooda lagu diirsaday Sh:Ibraahim Dheere (xafidahulaah)

  3. qummane says:

    lugbuur waa jaahil cilmaani ah,anagana wuu nadacay isaga wuu isdayacay(dayactanaa wa wadayactu nafsaka)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. C/laahi Yuusuf & Nuur Cadde oo saacadaha soo socda laga saxiixayo Heshiis
  2. C/laahi Yuusuf iyo Nuur Cadde oo Muqdisho soo Gaaray
  3. C/laahi Yuusuf “Go’aanka Baarlamaanku maaha mid waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda dalka u taala”
  4. C/laahi Yuusuf oo Diiday Xilka Qaadista M.Dheere
  5. Mas’uuliyin ka tirsan Gobolka Banaadir oo maanta is casilay

Latest Headlines