Meles Zenawi “waxaan ka cabsi qabaa in Qalabkan Milatari loo adeegsado Khal-Khal galinta deganaanshaha Gobolka”.

meles-zenawi.jpgMeles Zenawi iyo Wal-walkiisa

  

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ayaa sheegay Maalinimadii Shalay in uu Wal-Wal iyo walaac ka qabo Markabka Afduubka loo haysto Xeebaha Soomaaliya ee laga leeyahay Dalka Ukrain,kaas oo sida Qalab Milatari, waxaana uu Meles Zenawi yiri “waxaan ka cabsi qabaa in Qalabkan Milatari loo adeegsado Khal-Khal galinta deganaanshaha Gobolka”.

  

Meles Zenawi ayaa sheegay ka hor intii uusan kula kulmin Magaalada New York Wasiiradda Arimaha Dibada Maraykanka Condoleezza Rice in Burcad Badeeda ka Howl-gasha Xeebaha Soomaaliya ay yihiin Mushilad aad u weyn isla markaana uu ka rajaynayo Beesha Caalamka in ay la macaamiisho Burcadda.

  

Zenawi ayaa u sheegay saxafiyiinta “anagu wal-wal iyo walaac aad u heer sareeya ayaanu ka qabnaa Burcad Badeeda, waxa uu xiriir la leeyahay deganaansho la’aanta ka jirta Soomaaliya”.

  

“waxaa suuro gal ah in Qalabkan Milatari loo adeegsado Khal-Khal galinta degnaanshaha Gobolka iyo guud ahaan xaalada Amaan ee Baddaha, waxayna arintaasi nafteena ku abuurtay wal-wal iyo walaac” ayuu yiri Meles Zenawi oo hadda ku sugan xarunta Q.M ee New York.

  

Dowladaha Kenya & Ruushka.

  

Xukuumadda Kenya ayaa sheegtay Maalinimadii Sabtida in aysan wada hadal la furayn Burcadda Haysata Markabka ay Saaranyihiin Qalabka Milatari oo la sheegay in loo waday Kenya, si Burcadda loo siiyo Madax Furasho.

  

Afahayeen u hadlay Dowlada Rushka oo u qaabilsan Arimaha Badda laguna Magacaabo Dygalo Aiguo ayaa ka sheegay Tv-ga la yiraahdo Vesti -24 ee Dowladu Maamusho in Ciidamada Badda ee Rushka ay Maraakiib dagaal u diri doonaan xeebaha Dalka Soomaaliya si buu yiraahday ay u baacsadaan Burcad Badeeda. 

 

Dygalo Aiguo ayaa yiri“Ciidamada Badda ee Ruushka waxa ay Maraakiibteeda ka howl-gali doonaan Goobaha ugu Khatarsan ee ay ka howl-galaan Burcad Badeeda”. 

 

Afahayeenka ayaa intaa ku daray in Mid ka mid ah Maraakiibtooda dagaalka ay ka ruqaansatay Fariisinkeedii ay ku lahayd Badda Baltiq 24 bishan lagu jiro, waxayna hadda ku sii jirtaa wadada iyada oo ku fool leh gobolada ku yaala xeebta soomaaliya si ay ula soo xaajooto Burcadda halkaasi ka howl-gala.

 

Markabka Ukrainian

  

Burcad Badeeda haysata Markabka laga leeyahay Dalka Ukrainian isla markaana lagu magacaabo Faina،  ayaa dalbadtay Madaxfurasho gaaraysa 35 Milyan oo doolarka Maraykanka ah, isla markaana cidii isku dayda in ay xoog ku furato ay laynayaan Shaqaalaha saran oo gaaraya 21 qof oo 17 ka mid ah ay u dhasheen Dalka Ukrainian 3-na Dalka Dalka Rushka hal qofna Wadanka Lithuanian.

 

Markabkan ayaa la sheegay in uu wado Qalab Milatari oo Culayskiisu gaaraya 2230 Tan, kuwaas oo lagu kala sheegay 33 Taangi, Rasaas Madaafiic iyo Qalabka lagu dayac tiro Taangiyada T-72 oo ah nooca uu Wado markabka  iyo waliba Gawaari Gaashaaman.

  

Markabkna oo ka soo shireecday Badda “Baltiiq”, ayaa lagu waday in 27 Bishan uu gaaro xeebta Magaalada Mombassa.

  

Maamul Goboleedka Puntland

  

Wasiirka Kaluumaysiga ee Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in aysan u taag hayn burcadda isla marlkaana ay dhiiri gelin iyo awoodba ka helaan lacagaha xad-dhaafka ah ee loo siiyo madax furashada wuxuuna sheegay in hadda dhalin yarada gobolku ay intooda badan u jahaysteen ku biirista Burcad Badeeda.

   

Dadaalada Odayaal Dhaqameedka

  

Dhinaca kale waxaa jira olole balaaran oo ka dhan ah Burcad Badeeda taas oo ay ku Dhaqaaqeen Odayaasha Deegaanadii ay horay ugula dhuuman jireen Maraakiibta ay soo qafaashaan oo ay ka mid tahay Degmada Eyl ayay dadka deegaanku iska soo saareen Burcaddii iyo Maraakiibtii ay haysteen waxaana sidoo kale Degmooyinka diiday in ay hoy siiyaan Burcadda ka mid ah Garacad.

 

Burcad Badeeda

  Afhayeen u hadlay Burcad Badeedda oo magaciisa ku sheegay Januun Jama Ali, ayaa BBC u sheegay in kooxdooda ay wada xaajood kula jiraan dowladda Kenya, laakiin aanay sii deyn doonin Markabka ilaa madax furasho la dhiibo.  

Burcad Badeeda Soomaaliya ayaa iyagu afduubtay sanadkan(2008) gudihiisa in ka badan 30 Markab oo isugu jiray kuwo Xamuul, iyo kuwo Dalxiisayal isla markaana laga kala lahaa Dowlado ku yaala Yurub iyo Asia, kuwaas oo ay ka qaataan Madax furasho qaali ah.





www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

1 Comment(s)

  1. mujaahidin weeye nimankaas
    waxy difaacayan bada dalak

    waxaan ugu baaqayaa ciidamada maxkamadaha ee ku sugan xarar dheere iyo hobyo in sida ugu dhakhsiyaha badan ooga dajiyaan hubka fudud gaar haan kuwa tangiga lagula dagaalamo

    ayanle | Sep 28, 2008 | Reply

Fikrad ka dhiibo