Fataawida Ramadaan (Q.13-aad)

Shabakada Warbaahinta ee Somalimirror waxa ay ugu tala gashay Akhristayaasheeda in ay halkan ugu soo bandhigto Jawaabaha Su’aalahood meel kasta oo ay joogaan. waxaana ka jawaabayo  Dr. Axmed X. C/Raxmaan.

   

Su’aal 41-aad:- Asalamu caleykum Waraxmatulaahi Wabarakaatuhu.

 

kheyr badan iyo ajir badan allaha ka siiyo Sheekha iyo Bahda Baraamijkan kheyrka badan soo Agaasintay inta kadib Sheekha waxaan rabay inaan weydiyo 2 su’aalood:-

 

 1- Sheekh 3-da Rakco oo Watriga ma la isku xiri karaa ayadoon 2 iyo hal loo kala dhigin?

 2- Nikaaxa kama iyo si’an ku talagal ahayn ma ku jabaa haddii uu ku jabo see maxa ka mida shey yalaha uu ku jabo? Wabillahi towfiq wassalamu caleykum w.w.

   

Aljawaab:- 1-3 Rakco oo Witirka ah waxaa loo Tukan kara sidan soo socota: 3 Rakco oo xirir ah oo aan Ataxiyaat loo Fariisanayn.

 

Sidoo kale waxaa loo tukan kara: 2 Rakco oo la salaamo naqsanayo iyo Hal Rakco oo kaligeed ah.

 

 

2- Su,Aashaad Labaad Macada, waxaanse u qaatay Xaaskaad qabtay sidee kaaga furmi katra?,haddii  aad u qasadid(si bareer ah)way furmin, haddii aad cayaar ahaan ku tiraahdid waad furantahay way furmin.

 

 

 

Haddii helmaan ama khasab ay tahay ma furmayso.(N.B. haday su,aashu u jeedadeedu saas ahayd waa khayr, haddii kale waad soo calin waanad soo cadeayn).

  

Su’aal 42-aad:- Sheekh waxaad iga jaahil Bixisaa qofka biyaa iska keena isagoo aan ogeen inuu dambi yahay muxuu noqonayaa xunkunkiisu intuu uu ogaaday ka hor.

 

Aljawaab:- Ilaahay u Towbad keen oo mar labaad ha u noqon, hadaad iska keentay adiga oo Sooman Maalintaas waad qalaynaysa.

  

Akhristayaasha Sharafta badan waxa ay Su’aalahooda inoogu soo hagaajin karaan E-maillada kala ah:-

    

somalimirror@hotmail.com  

  

somalimirror@gmail.com 

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

Fikrad ka dhiibo