Askari lagu dhaawacey Suuqa Towfiiq
Published on September 28, 2008 by Somalimirror · No Comments ·
askari ka tirsan Ciidamada DKMG ah, ayaa lagu dhaawacmey gudaha suuqa xaafada Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid ka dib markii lagu weerarey Bam gacmeed.
Askariga dhaawacmey ayaa waxa weheliyay Ciidamo ka oo ka tirsan iska kuwa DKMG ah, kuwaas oo xilliga Bamka lagu weerarey ku guda jirey dhaca Dadka Rayidka ah ee ku sugan xoofada Towfiiq.
Ka dib qaraxa Bam ee lagu weerarey Ciidamada DKMG ah, waxa hakad galey dhamaan dhaq dhaqaaqdii ganacsi ee ka jirey Suuqa Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid.
Ciidamad DKMG ayaa ahaa maal mihii ugu danbeeyay kuwo si joogto ah u soo gala gudaha Suuqa Towfiiq, kuwaas oo dhac iyo boob xoogan kula kaca hantida Dadka Rayidka ah ee taala Suuqa.
Related posts:
- Ciidamo qof rayid ah ku dhaawacey Towfiiq
- Qaraxyo iyo Tacshiirad ka Dhacdey Suuqa Towfiiq
- 4 Askari oo ku Dhimatey Qarax Miino oo ka Dhacey Towfiiq
- Sar Kuusta oo Dad Rayid ah Lagu Dhaawacey
- Qof Oo Rayid Ah Oo Ku Dhintey Tacshiirad Ciidanka Dkmg Ah Fureen