Ruushka oo sheegay inuu Baacsanayo Burcad Badeeda
By Somalimirror on 26 Sep, 2008 4:51 PM in Main, Wararka
![]()
![]()
Afahayeen u hadlay Dowlada Rushka oo u qaabilsan Arimaha Badda ayaa goordhaw ka sheegay TV-ga dalkaas in Ciidamada Badda ee Rushka ay Maraakiib dagaal u diri doonaan xeebaha dalka soomaaliya si buu yiraahday ay u baacsadaan Burcad Badeeda.
Dygalo Aiguo oo u hadlay ciidamada Badda ee Ruushka, isla markaana ka hadlay Tv-ga la yiraahdo Vesti -24 ee Dowladu Maamusho ayaa yiri “Ciidamada Badda ee Ruushka waxa ay Maraakiibteeda ka howl-gali doonaan Goobaha ugu Khatarsan ee ay ka howl-galaan Burcad Badeeda”.
Afahayeenka ayaa intaa ku daray in Mid ka mid ah Maraakiibtooda dagaalka ay ka ruqaansatay Fariisinkeedii ay ku lahayd Badda Baltiq 24 bishan lagu jiro, waxayna hadda ku sii jirtaa wadada iyada oo ku fool leh gobolada ku yaala xeebta soomaaliya si ay ula soo xaajooto Burcadda halkaasi ka howl-gala.
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo Burcad Badeed Soomaali ah uu u afduubanyahay Markab laga leeyahay Dalka Ukrainian oo siday ku dhawaad 30 Tangi oo ah nooca T -72 Taangiyo iyo qalabka lagu dayac tiro gaadiidka Gaashaaman. ![]()

Daabaco


Allah waan ku barinay ee gacantanada soo gali tangiyadaas
Deeq | Sep 26, 2008 | Reply
allaahuma yaa munazilal kitaab wa naasiral axsaab unsurnaa calal kufaar
Ilaahow raxmaanow raxiimow nooga gargaar oo gacantayada soo gali
taangiyadaas iyo waxay damcaan in ay nagu laayaanba ilaahow nagu soo wareeji , ilaahow nooga dhig qaniimo
ilaahow agtada waxba kama aha in aad nooga gargaarto kufaartas isu habar wacday waxa kaliya ee ay nagu dilayaana tahay kalimat dawxiid
uma ahmed | Sep 26, 2008 | Reply
UMU AHMED
ilaah ha aqbalo ducadaada
shahiid | Sep 26, 2008 | Reply