Qeylo dhaan xoogan oo Dhakhaatiirta Muqdisho ka muujinayaan xaalada Bukaan ee la soo gaarsiinayo
By Somalimirror on 26 Sep, 2008 4:11 PM in Main, Wararka
Waxa isa soo taraya tiradea dhaawacyo ee wali la gaarsiinayo Isbitalaada fara ku tiriska ah ee ka howl gala Magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir.
Dhaawacyada guud ee hadda jiifa Isbitaal Madiina ayaa gaaraya 200 Qof oo bukaan, ,kuwaas oo qaba dhaawacyo kala duwan oo ka soo gaarey duqeyntii arxan darada aheyn ee maal mihii ugu danbeeyay sida is daba jooga ah uga socotey qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, taas oo ay geysnayeen Ciidmaada huwanka ah ee ku sugan Muqdisho.
Dhakhaatiirta ka howl gasha Isbitaal Madiina ayaa qeylo dhaan xoogan ka muujiyay bukaanada qaarkood, iyaga oo sheegay in ay jiraan dhaawacyo tamartooda ka baxsan oo yaala isbitaalka kuwaas oo aqoon ahaan iyo qalab ahaan midna ayna dabooli Karin.
Dhaawacyada kuwooda culus ee dhakhaatiirtu waxba ka qaban kari waayeen ayaa gaaraya 18 Qof, halka 5 Qof horey ugu dhitey dhaawacyadii soo gaarey ka dib markii ay heli waayeen baxnaanintii Caafimaad ee ay u baahnaayeen.
Waxaa sidoo kale jira, Haween badan oo xanuunadooda lagu dabiibi jirye Isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka ee SOS oo hadda u soo weecdey dhanka Isbitaalka Madiina ka dib markii uu xirmey SOS, arintaas oo sidoo kale ah culeys shaqo oo isbitaalka soo fuuley, awoodeedana ayna laheyn Dhakhtiirta iyo Isbitaalka midna.
Qeylo dhaanta ka soo yeertey dhakhaatiirta ayaa ku soo adeysa xilli ay xiran yihiin Isbitaalo badan oo ka howl gali jirey Magaalada Muqdisho, kuwaas oo dabooli jirey baahiyaha Caafimaad ee Dadka Rayidka ah qabaan.
Daabaco
ALLAAH UMADEENA MUSLIMIINTA AH U GARGAARO SBARANA HAKU ARSAAQO INSHA,ALLAH WALAGABAXA TAN
bishaar | Sep 26, 2008 | Reply