Qarax ka Dhacay Degmada Wadajir
Published on September 26, 2008 by Somalimirror · No Comments ·
Qarax loo adeegsaday bam gacmeed ayaa waxaa uu maanta ka dhacay xaafadda Jiira-miskiin ee degmada wada jir kaas oo lala beegsaday ciidamad DKMG ah ee ku sugan goobtaas.
Qaraxa ayaa la sheegay in dhaawac uu ka soo gaaray 2 kamid ah ciidamadii goobta ku sugna iyo qof shacab ah oo ka agdhawaa goobta marka qaraxu dhacayay.
Sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ahaa waxaa ka mid ah dadka qaraxan ku dhaawacmay sarkaal ka tirsanaa askarta halkaas fariisinka ku lahaa oo magaciisa lagu sheegay Xuseen.
Sidoo kale dadka deegaanka ayaa waxay sheegeen in ay maalmahan deegaanka ka taagnayd isku dhac u dhaxeeya ciidamada ku wada abtirsada DKMG ah kuwaas oo isku maandhaafsanaa gacan ku haynta jidgooyo ku taala deegaanka Jiira-miskiin ee degmada Wadajir.
Related posts:
- Weerar ka dhacay Degmada wadajir
- Xubin Ka Mid ah Maamulka Degmada Wadajir oo La Diley
- 2 askari oo lagu dilay Jiiro Miskiin ee Deg.Wadajir
- Gaari ay wateen ciidanka dowlada KMG ah oo Qarax Miino la gula beegsadey degmada X/Weyne
- Qarax Ka Dhacey Degmada Afgooye