Markab ay saaranyihiin Qalab Milatari oo la afduubtay
By Somalimirror on 26 Sep, 2008 4:33 PM in Main, Wararka
Burcad Badeed Soomaali ah ayaa afduubtay Markab laga leeyahay Dalka Ukrainian oo siday Taangiyo iyo qalabka lagu dayac tiro gaadiidka Gaashaaman xili uu marayay Xeebaha dalka soomaaliya, waxaana uu noqonayaa Falkii ugu danbeeyay ee Burcadu ku kacaan.
Mas’uul u dhashay dalka
Andrew Mwaungara oo ah u qaabilsanaha Dowlada Kenya Barnaamijka Bad mareenada ayaa sheegay in Markabka Vina uu waday Culays gaaraya 2230 Tan, kaas oo ka soo shireecday Badda “Baltiiq”, waxaana lagu waday in 27 bishan ay gaarto Magaalada Mombassa,wuxuuna intaa raaciyay in Burcadu yihiin kuwo ku hubaysan Doomo dheereeya oo u sahlaya in ay si deg deg ah ku gaaraan Hadafkooda.
Wakaalada Wararka ee dalka rusia “Interfax” ayaa sheegtay in Markabkaasi uu waday ku dhawaad 30 Tangi oo ah nooca T -72 Taangiyo iyo qalabka lagu dayac tiro gaadiidka Gaashaaman.
Markabkan ayaa la sheegay in ay la socdeen 21 qof oo 17 ka mid ah ay u dhasheen Dalka Ukrainian 3-na dalka Dalka Rushka hal qofna Wadanka Lithuanian.
Wasaarada Arimaha Dibada ee Ukrain ayaa sheegtay in ay daba galayso warbixinada la xiriira Afduubka Burcad Badeeda.
Daabaco

Hadey caqli leeyihiin burcad badeeda iyo cadde muuse oo madax u ah waa iney kala dagaan taangiyada ama iyo saanada milatari ee saaran .
lakiin waxaan filayaa itoobiya ayuu kabaqayaa cadde muuse kuma amri karo ciyaalka asga uu utaliyo iney kala degaan saandaas.
hadaba waa la arki doonaa halka cadde uu geeyo lacagaha faraha badan ee uu kagurayo maraakiibta aduunka ee marta wadada muhiimka ah ee soomaaliya .
dhaliile | Sep 26, 2008 | Reply
hadii ay yihiin burcad badeed kuwa xoogaa aqli ku jiro waa in ay kala dagaan hubka iyo taangiyada saaran markabkaas oo ay ka iibsadeen muqaawamada soomaliye si dalka looga xureeyo cadowga xabashida ah ee gumeysiga nagu heysto
shahiid | Sep 26, 2008 | Reply
oo hadeey kala dagaan xageey genayaan soo soomali kulama soo jeesanmayaan ileen waa soomali iyo caqligeedee . marka waxaa u roon mar hadeysan cadawga wadanka hesyta kula dagalamen in ay madax furasho ka qataan saa lacagta u dhante inteey soomaali kula soo jeesan lahayeen .
samatar | Sep 26, 2008 | Reply