Ciidamada Gumeysiga oo Feer Feer gaarey Gaari Rayidna dhexda ku sii gubey

Published on September 26, 2008 by   ·   No Comments   ·   print

cgitoobiya.jpgCiidamada Gumeysiga Itoobiya ee Saaka ka guureen Janta Kundisho, ayaa lagu waramayaa in Duhurnimadii Manta gaareey tuulada Feer Feer ee dhacda Xuduudka Gobolka Hiiraan iyo Gobolada Soomaali Galbeed wadaagaan.

  

Ciidamadan oo ahaa kuwo ku hubeysan gaadiidka dagaalka, ayaa Barqanimadii Maanta ka gudbey Kalabayrka oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, waxa ayna wadada laamiga ka gooyeen halka loo yaqaan Sariiraale oo ka tirsan isla Gobolka Hiiraan.

  

Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee ka guurey Janta Kundisho, ayaa ahaa ka hor intii ayna ka leexan wadada laamiga kuwo lu geynaya oo hor iyo gadaalba ka socdey gaadiidka dagaal ee ay wateen, arintaas oo muujineysa cabsida xoogan ee ay ka qabaan weeraro uga yimaada dhanka Xoogaga Muqaawamada ee ku sugan Gobolka Hiiraan.

  Intii ay ku sii jireen wada u dhaxeysa kala Beyrka iyo Feer Feer, ciidamadu waxa ay gubeen Gaari xamuul oo sidey Fuustooyin Shidaal kaas oo sida wararka lagu helayo ku soo jeeday dhanka Magaalada Muqdisho. 

Gaariga xamuul ee ay gubeen ciimada gumeysiga ayaa sidey 120 Fuusto oo Shidaal ah, waxa uuna gubidiisu yimid ka dib markii Askari ka tirsan Ciidamada Gumeysigu uu ku tuurey gaariga sigaar u cabayey arintaas oo dhalisey in gaarigu gubto.

  

Sida wararka lagu helayo gaariga iyo shidaalkii saarnaa ayaa isla bas beelay, mana jir cid markaa ka ag dhow oo isku dayda in ay damiso, haddiiba la isku dayi lahaa arintaa waxaa dadka rayidku ka baqeen ciidamadii gubey oo aan sidaa uga fogeyn.

  Gaariga iyo handita ku gubatey ayaa lagu qiyaasey lacag gaareysa $70,000, waxa ayna arintan tusineysaa cadaawada xoogan ee Ciidamada Gumeysiga Itoobiya u hayaan Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba ka galabsan.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Mujaahidiinta oo weeraro ku qaaday fariismo ku yaala Magaalada Feer-Feer
  2. Ciidamadii ka baxay Janta-kundisho oo ku fool leh Feer Feer
  3. Ciidanka Gumeysiga Itoobiya oo Kalabeyrka Ka Guurey
  4. Kolonyo Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo Deegaanka Jameeco Soo Gaarey
  5. Faah Faahin:-Ciidamada Gumeysiga oo isaga guuray Mag. Baladweyne

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Mujaahidiinta oo weeraro ku qaaday fariismo ku yaala Magaalada Feer-Feer
  2. Ciidamadii ka baxay Janta-kundisho oo ku fool leh Feer Feer
  3. Ciidanka Gumeysiga Itoobiya oo Kalabeyrka Ka Guurey
  4. Kolonyo Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo Deegaanka Jameeco Soo Gaarey
  5. Faah Faahin:-Ciidamada Gumeysiga oo isaga guuray Mag. Baladweyne

Latest Headlines