2 Qof oo Soomaali ah oo ay xirteen Ciidamada Germalka

klm3.jpgSaaka aroornimadii ayay Koox ka mid ah ciidanka Booliiska ee u tababaran qaabka Comandos-ka ee waddanka Germany ay xoog ku galeen diyaarad ay leedahay shirkadda la yiraahdo KLM oo laga leeyahay Wadanka Holand xili ay ku sugneyd garoonka Cologne, halkaasi oo ay ku xireen 2 qof oo la sheegay in looga shakiyay inay argagaxiso yihiin.

 

Labada qof ee la xiray ayaa ah nin Somali ah 23 jir ah iyo mid kale oo 24 jir ah, ,waxaana la sheegayaa in midkood uu heysto dhalashada waddanka Germany.

 

Wakaalada Wararka ee Associated Press(AP)ayaa sheegtay in “Dayaaradani ahayd diyaarad Safar oo isku xirta garoonka Cologne ee Jarmalka iyo Amsterdam Caasimada Holand, isla markaana ay ahayd mid ku sugnayd wadada rain way-ga ka hor inta aysan xooga ku galin kooxda sida gaarka ah u tabo baran ee Comandos-ka xili ay saacada Jarmalku ku beegnayd Todobadii aroornimo”

 

Afhayeen u hadlay Booliiska ayaa sheegay in in labadaasi qof ee Soomaaliga ah ay qorsheynayeen inay u dhintaan dagaal jihaad ah, oo waraaqo dardaaran ahna ay reebeen, isagoo intaa sii raaciyay in muddo dhawr bilood ah kor ay kala socdeen dhaqdhaqaaqooda.

 

Wakaalada Wararka ee Associated Press(AP)oo soo xigatay warka la yiraahdo Bild ee ka soo baxa dalka Jarmalka ayaa sheegtay in warkani ay faafiyeen Ciidamada Booliiska ee Jarmalka.

  

Dhinaca kale TV-ga la yiraahdo N24 ayaa sheegay in Booliisku uu xoog ku galay diyaaradaasi ka dib markii ay soo gaareen Warbixino sheegaya in 2-daasi qof qorshaynayaan in fuliyaan wax uu ku tilmaamay Fal Argagixisnimo.

  

Dhinaca kale Afahayeenad u hadashay shirkadda KML ayaa isla wakhtigaasi sheegtay in Ciidamada Booliisku xoog ku galeen Diyaarad ay nooceeda ku sheegtay “Fokker 50″ xili ay u diyaarsanayd in ay duusho.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

Fikrad ka dhiibo