Weeraro xoogan oo xalay ka dhacay Baydhabo
By Somalimirror on 25 Sep, 2008 8:34 AM in Main, Wararka
xalay saqdii dhexe illaa salaadii subax ayay xoogaga MMIS weeraro kala duwan ku qaadeen saldhig Booliis iyo guryo ay deganyihiin xubno ka mid ah Baarlamaanka DKMG ah oo ku yaalada Magaalada Baydhabo xarunta Gobolka Baay.
Weerar ka fool ka fool ah oo la isku adeegsaday Hubka garbaha laga rido, qoryaha sida daran dooriga u dhaca iyo waliba waxyaabaha Qaraxa ayay xoogaga MMIS ku qaadeen Saldhiga Booliiska ee ku yaala xaafada Suuqa Xoolaha ee magaalada Baydhabo kaas oo ay ugu danbeyntii la wareegeen gacan ku hayntiisa ka dib markii ay Jaanta rogeen askartii halkaasi ku sugnayd.
Sidoo kale Weerar Hoobiye ayay xoogaga MMIS la beegsadeen guryo ay deganyihiin Xubno ka mid ah Baarlamaanka DKMG ah oo ay ka mid yihiin Max’ed Dhaqane Cilmi, C/kariim Cali Afrax iyo Cali Jayte Cusmaan.
Max’ed Dhaqane oo uga waramay saxaafada Muqdisho weerarkii xalay lala beegsaday ayaa waxa uu sheegay in naftooda aysan waxba gaarin balse Bur-bur xoogan uu soo gaaray gurigii ay ku sugnaayeen, isaga oo xaqiijiyay in al-baabkii guriga uu 2 kala jabiyay ka dib markii Madfac uu ku habsaday, daaqadihii iyo saqafkii gurigana ay bur-bureen.
Lama sheegi karo illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee soo gaaray xalay ciidamada lagu weeraray Saldhiga Booliiska ee Suuqa xoolaha magaalada Baydhabo balse dad goob joogayaal ah ayaa sheegaya in askar dhaawac u badan la gaarsiiyay Isbitaalka dhexe ee magaaladaasi.
Saxaafada ayaa loo diiday in ay Booqadaan Isbitaalka dhexe, waxaana saaka gaaf wareegaya saldhigaasi ciidamo ka tirsan Booliiska DKMG ah kuwaas oo ilaalo xoogan ka haya dhaawacyo la sheegay in la gaarsiiyay Isbitaalkaasi.
Wariye ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa ku tilmaamay dagaalkan midkii ugu xooganaa oo ka dhaca magaalada Baydhabo tan iyo intii ay DKMG ah soo caga dhigatay magaaladaasi. Isaga oo intaa raaciyay in xalay ay xoogaga MMIS shir jaraa’id ku dhex qabteen gudaha Magaalada Baydhabo taas oo Fariin u ah sida ay xoogaga Muqaawamadu ugu sii xoogaysanayso gudaha magaalada Baydhabo.
Daabaco

allahu akbar……………. magaladii fadhika u aheed murtadiinta oo sii circiiray sa…….. waa illlah mahdiis
shirwac | Sep 25, 2008 | Reply
allahu akbar Cadawgii waa jabay ilaahayaw mujaahidiinta xaq kusug safkoodana midee ilaahayawugar gaar
dacad | Sep 25, 2008 | Reply
Allah fadligiisa cadwagu wuu jabi, balse kuwa somalida sheeganaya hadana leh islam ayaan nahay,naftooda in ay islam yahiin iyo in aysan aheyn ha is xisaabiyeen.
Munaafaq waxuu ka liitaa kufaarka kan sheeganaya, lacntulaahu kulli munaafaqiin iyo kufaartbaa.
GUUSHA WAXAA ISKA LEH WIILASHA ALLAH DIINTIISA U ISTAAGAY WAANA JASHUL MUXAMMUD RASUULAAH.
INSHA ALLAH GAALO WAXAA KU DHICI WAXII KU DHACAY GAALADII UU NABIGEENA SUUBAN SCW LA JIHAADAYAY WAXII KU DHACAY, DAGAALKII KHEYBAR WAXII KU DHACAY KUFAAR KA DARAN AYAA KU DHICI INSHA ALLAH.
muslimah | Sep 25, 2008 | Reply
Masha-allah.
waa kuwan maxaakiimii walina kama aysan zuulin inay wadaan jihaadkii barakaysaan,ilaahy ha idinla garab galo,howhsaas aad umadda uhaysaan.
Abu-jacfar | Sep 25, 2008 | Reply