Mabaadii’da Maamulka & Maaraynta Qaybta 2 aad

W/Diyaariyay: Cabdalla C/kariim Guuleed

Ujeedooyinka Qorshaynta:

1.      Qorshayntu waa cunsur lagama maarmaan ah oo ka mid ah tiirarka maamulka waana laf-dhabarta isu haysa qaybaha kala duwan ee waaxyaha Maamulka.

2.      Qorshayntu waxay dhagax dhig u tahay isku xidhka dadaallada kala gedisan ee Maaraynta.

3.      Qorshayntu waxay hoos u dhigtaa hubanti la’aanta iyo mugdiga ku jira xogta ku saabsan doorsoomayaasha ku xeeran Ururka.

4.      Qorshayntu waxay yaraysaa ka badbadinta iyo baytimaalinta lagula kaco hantida ururka.

5.      Qorshayntu waxay qotomisaa yoolasha ururka waxayna dejisaa halbeegyo loogu kuur galo.

 Qorshaynta  & Hawl-fulinta

 Guud ahaan marka aan ka hadlayno Qorshaynta rasmiga ah waxaa ka tafiirma Faa’iido aad u weyn oo ay hanato cidda qorshaha abuuratay. Habqorshayneed tayo leh oo si wanaagsan loo taaba geliyo wuxuu soo kordhiyaa hawl-fulin qurxoon oo lagu gaaro natiijooyin la mahdiyo. Xiriirka ka dhexeeya Qorshaynta iyo hawlfulinta waxaa dabra waqtiga loo igmo qorshaha hadii uu yahay mid muddo dheer ah iyo hadii uu yahay mid xilli kooban ku eg, waxaana qorshaha mar walba saamayn ku leh deegaanka ku xeeran ururka taas oo keeni karta in ay ragaadiso hawl-fulinta iyo waxqabadka shaqaalaha ku howlan hirgelinta qorshaha la dejiyay. 

Doorka Yoolasha & Qorshe hoosaadyadu ay ku leeyihii Qorshaynta

 Hadii aan Marka hore bidhaamino waxa ay kala yihiin Yool/Hadaf iyo qorshe-hoosaadka waxaan ku qeexi karnaa in yoolku yahay  hiraalka la higsanayo isla markaana loo  xiisa qabo in la gaaro mustaqbalka, si kale haddii lo eego wuxuu u taagan yahay miisaanka lagu salaynayo shaqada la qabanayo ama la doonayo in la qabto. Yoolku wuxuu qeexaa su’alaha kala ah:

Maxaa la doonayaa in la gaaro?

Sidee lagu gaari karaa? iyo

Goorma ayaa lagaari doonaa?

Qorshe hoosaadku waa khariidadda ama Map-ka qeexaya sida lagu gaarayo Yoolasha Ururku uu higsanayo ayada oo la marayo waddada ugu sahlan uguna Qarashka yar isla markaana laga dhaxlayo faa’iidada ugu baaxadda weyn.

 Noocyada Yoolasha: 

Noocyada Yoolashu waxay ku xiran yihiin cidda dejisanaysa nooca ay tahay, baaxadda ay leedahay, heerkeeda aqooneed, awoodeeda dhaqaale, ujeedooyinka ay ka leedahay in ay ku gaarto waxayna noqon karaan yoolal shaqsiyadeed iyo kuwo urur waxayna u kala gadisan yihiin hadba cidda ay matalayaan, waxaana ka mid ah kuwan soo socda:

1.      Yool cimrigiisu ku dhereren yahay gaarista Natiijo mucayan ah.Tusaale ahaan haddii shirkadi ay Yool ka dhigato in sanadka 20010-ka ay labanlaabto wax soo saarkeeda, yoolkaasi waa mid loo dhigtay in xilli go’an lagu gurto miro mucayan ah waxaana Afka qalaad lagu yiraahdaa (Achievement goals).

2.      Yool hawshiisu tahay fududaynta wadiiqooyinka ay lagama maarmaanka tahay in la maro si loo gaaro ahdaaf la higsanayo mustaqbalka. Tusaale ahaan in shaqaale cusub la siiyo siminaar loogu carbinayo sidii ay u gudan lahaayeen shaqada la rabo in ay barri ka maalin qabtaan.

3.      Yool qeexaya ka fogaanshaha ficil ama hab-dhaqan gaar ah. Tusaale ahaan in shirkadi ay mamnuucdo gelitaanka kharashaadka aan lagama maarmaanka ahayn (Unnecessary Costs) si loo dhawro hantida ururka faa’iidana gaaro loo.

Noocyada yoolasha intaa oo qura kuma koobna wayna fara badan yihiin waxayna ku jaan go’an yihiin waxyaabaha ku jira maanka jihada dejisanaysa.

Taabagelinta Yoolasha

 Hababka loo dhaqan geliyo yoolasha waxaa loo qaybiyaa labo nooc oo kala ah:

1.      Hab la iska hidde raacay ama Ab-kasoo gaar ah sidaasna la isaga dhaxlay

2.      Hab casri ah.

Habka hidde raaca ah wuxuu dhigayaa in yoolasha dhamaan marka hore ay dejiyaan maamulka sare ee ururka isla markaana shaqaalaha hoose aysan wax talo-wadaag ama ka qaybgelin ah ku lahayn, doorkooduna uu ku eg yahay oo qura fulinta awaamirta kor uga imaanaysa isla markaana ma ay laha wax awood ah oo ay ku soo bandhigi karaan hab wanaagsan oo loo fulin karo shaqada iyo wadiiqooyin fudud oo loo mari karo ujeedooyinka la beegsanayo.

Sidoo kale habkani wuxuu qabaa in maamulka sare fikradiisu ay tahay midda mar walba saxan isla mar ahaantaana ay qasab tahay in hawlaha loo fuliyo qaabka asaga la quman.

 Cilladaha uu leeyahay habkan waxaa ka mid ah in uu meesha ka saarayo isla falgalka iyo hab-dhaqanka iskaashi ee u dhexeeya maamulka iyo shaqaalihiisa, waxaana lumaya fikrado dhaxal-gal ah oo ka imaan kari lahaa dhinaca shaqaalaha sida tooska ah howsha gacanta ugula jira, waxaana sidoo kale dhibaatooyinkiisa ka mid ah niyad jab iyo qanaaco la’aan ku dhacda shaqaalaha ama dadka hoose ee ururka, taas oo keeni karta in aysan u aaba yeelin tayada wax soosaarka.

 Go’aan qaadashada maamul ee habkan waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay mid kali talis ah, waxayna awaamiirta dhamaan ka imaanayaan halka ugu sarreysa ururka mana jirto cid kale oo fasax u haysata in ay go’aan ka gaarto fulinta hawlaha joogtada ah ee ururka.

 Habka casriga ah ee taaba gelinta yoolashu wuxuu xoogga saaraa iskaashi dhex mara maamulka iyo shaqaalahiisa, tusaale ahaan fulinta yool mucayan ah waxaa si wada jir ah isula jaangooynaya shaqaalaha iyo maamulka. Maamulku waxay si joogta ah ugu kuur galayaa horumarka laga sameeyay gaaritaanka yoolasha isla makaana wuxuu abaal marin iyo dhiirri gelin siiyaa shaqaalaha haddii ay xaqiijiyaan ahdaaftii la beegsanayay.

 Habka casriga ah ee taabagelinta yoolashu wuxuu ka kooban yahay 4 cunsur:

·        Xadiditaanka ama jaangoynta Yoolka

·        Iskaashiga go’aan qaadashada

·        Wakhti go’an oo Waadix ah

·        Miisaamidda natiijooyinka

Faa’iidooyinka uu habkan leeyahay waxaa ka mid ah:-

·        sara u kac ku yimaada hawl-fulinta shaqaalaha iyo wax soosaarka ururka.

·        Shaqaalaha oo ay qanaacadoodu sare u kacdo.

·        Go’aan qaadashado wanaagsan.

Sifooyinka laga rabo Yoolasha:-

·        Waa in loo qoro hab waafaqsan natiijooyinka laga sugayo

·        Waa in ay noqdaan kuwo la cabiri karo lana tira koobi karo

·        Waa in ay leeyihiin waqti jaango’an oo cad.

·        Waan in aysan sahlanayn balse la gaari karo.

·        Waa in ay ka war hayaan dhamaan xubnaha hoos yimaada ururka.

Tilaabooyinka loo maro fulinta iyo dejinta yoolasha waxaa ugu horreeya in aan laga bixin xayndaabka loo dhigay jiritaanka ururuka oo ah sababta markii horeba loo aasaasay ururka, waana in la qiimeeyaa coodka u diyaarsan ururka si loo ogaado in uu ku filan yahay gaaritaanka yoolka, waana in dib loo raacaa natiijada lana qiimeeyaa marka hadafka la gaaro kadib.  

 

W/Q Cabdalla C/kariim Guuleed

 ccguuleed30@hotmail.com

 

 

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

3 Comment(s)

  1. Masha-allah

    waa cilmi aad maanta loogu baahanyahay, ilaahay hakaa abaal mariyo.

    Abu-jacfar | Sep 25, 2008 | Reply

  2. aad iyo aad bay u qiimo badan tahay maqaalan si wayn ayaana uga faa’iideystay waxaana ilaahey uga baryayaa qoraaga iyo inta ku gacan siisay ba iyo waliba webkan qiimaha badan maamulkiisa jannatul fidowsa
    aamiin

    cabdullaahi | Jan 13, 2009 | Reply

  3. jasakalaahu khayran horay usii soco oo dadka soomaaliyeed macluumaadka iyo saqaafadda ay u baahanyihiin qayb wayn ka qaado oo waliba faafi ayaan ku leeyahay, dadaal dheeraad ahna waan kaa filaynaa

    adoonka allaah | Feb 22, 2010 | Reply

Fikrad ka dhiibo