Shabakada Warbaahinta ee Somalimirror waxa ay ugu tala gashay Akhristayaasheeda in ay halkan ugu soo bandhigto Jawaabaha Su’aalahood meel kasta oo ay joogaan. waxaana ka jawaabayo Dr. Axmed X. C/Raxmaan.
Su’aal 38-aad: – Shiikha waxaan waydiinayaa hal Su’aal oo ah:- Qof Gaal ah haddii uu ku yiraa Asalamu Calaykum maxaa loogu jawaabayaa sheekhow?
Aljawaab:- haddii uu ku salaamo Qof Gaal ah waxaad ku oranaysa wa calaykum, sida ku cad aayada iyo xadiiska saxiixaynka ku yaal.
Ibnu cabaas iyo rag la mid ah waxay qabaan celinta jawaabtu in ay tahay waajib.
Su’aal 39-aad: – waxaan salaamayaa dhamaan Akhristayaasha iyo Shaykh Axmed Xaaji iyo Bahda Somalimirror waxaan waydiin lahaa shaykha haddii aan fidro aan u soo dirnay soomaliya ay noqoto inaan ka gaarsiin kari wayno wakhtigii loogu tala galay ma sii daynsan karnaa lacag aan Raashinka isaga bixino dibna ma ka bixin karnaa maxayse noqonaysaa fidradaas ma Sadaqaa mise waa iga guday wajazaakalaahu khayran.
Aljawaab:- Zakaatufidriga waxaay Waajib noqonaysa habeynka ciidu gasho,waxaa la bixinayaa salaada ka hor,waa in saas lagu talagalaa oo aan waqtigeeda laga dib dhigin,salafka rag ka mid ah sida Ibnu Cumar waxay sii bixin jireen laba maalmood ka hor ciida, haddii lacag laguu soo diray,oo aad wali helin sii daymo oo saas ku bixi,yaan laga dib dhigin Salaada Ciida.
Su’aal 40-aad: – Assalaamu caleykum.
waxaa mahd oo idil iska leh allahaah SW kadib waxaan u mahd celinayaa Sheekha iyo Bahda Webka Somalimirror iyo cid kasta oo ka qeyb qaadatey Bsrnaamijkaan qiimaha leh kadib su,aasheydu waa waxaan la soconaa in Dalkeena Dhibaato ka jirto alaha inoo dajiyee waxaa ka howgala hay,ado Samafal waxeyna qeybiyaan galey waxaana lgu bixiyaa Qaxootinimo marka Qof Gurigiisii ka Qaxey oo Qaxootinimo lagu siiyey galeydaas maku bixi karaa Zakaatul Fidriga sidoo kale waxaa jira qof loogu keeney Qaraabanimo oo qof la shaqeeyo Hay’adaha Samafalka ayaa magaciisa intuu ku daro dadka Qaxootiga u soo qaado oo u keena isagoon tagin goobti lagu qeybiyey balse Gurigiisa ka Barakacey iyagana maku bixi karaan zakaatul fidri.
wasalaamu caleykum
Aljawaab:- Somaliya allaha ka saaro dhibaatada, Muslimiinta dhibana allaha garabqabto. Zakaatulfidrigu waxay ku waajibtahay qofkii heli kara wax ka badan Cuntada Maalinta ciida isaga iyo dadka uu quudiyo,haddii uunan wada heli karin dadkaas uu wada quudiyo wuxuu ka bixinayaa naftiisa, Xadiiskuna wuxuu ahaa ka bilow Naftaada, sidoo kale ilaahay naguma kalifin wax awoodayada ka baxsan.
Marka waxa lagaasiiyo Qaxootiga haday adiga iyo Dadka aad masuulka ka tahay ay wax ka soo harayaan bixi zakada hadba inta ay deeqdo.
Su’aal 41-aad: – Asalaamu Caleykum Waraxmatulaahi Wabarakaatuhu salaan kadib aad baan u salaamayaa Bahda Somalimirror iyo Sheekh-ba Sheekha waxaan Su,aalayaa haddii aan Dalka Dibadiisa Joogno Zakaatul Fidriga ma u diri karaa Dalkii si Cunto loogu gado kadibna Masaakiinta loogu qaybiyo wajazaakumalaah.
Sidoo kale sheekh Zakatul fidriga dal iyo dibadba lacag cadaan ah ma lagu bixin karaa?
Aljawaab:- zakaatilfidriga waa loo diri karaa Dalkii siiba Dadka jooga Wadanka Dabadiisa madaama masaakiintu ku yaryihiin Dibada Dalka gudihiisana dhib iyo gaajo ay jiraan.(waqtiga ilaaliya yaan laga dib dhicin salaada ciida ku adkeeya wakiiladiina).
Sidoo kale ma banaana in lugu bixiyo Zakaatulfidriga lacag sida ku cad Xadiiska Nabiga wuxuu jideeyay waa dacaam.
Waxaad yeeli kartaan in aad lacag u dirtaan wadaanka gudihiisa wakiilkiinana aad ku amartaan in uu cuno ku gado,oo siiyo masaakiinta IWM.
Akhristayaasha Sharafta badan waxa ay Su’aalahooda inoogu soo hagaajin karaan E-maillada kala ah:-

Related posts:
Asalaama calaykum Waraxmatulaahi wabarakaatuhu
waxaan doonayaa in la iiga jawaabo su’aalo
Imisa ramadaan ayuu soomay Nabi Max’ed (SCW) ?
Imisa Dagaal ayuu ka gayb galay Nabi Max’ed (SCW)?