Qarax maanta ka dhacay gudaha magaalada baydhabo ee xarunta gobolka bay ahna xarunta baarlamanka KMG soomaaliya iyo rasaas xoogan ay fureen ciidamada booliiska ayaa wax yeelo xoogan ka soo gaartay dad rayid ah goobtaasi ka dhawaa.
Inta la ogyahay labo qof oo rayid ah ayaa ku geeryootay in ka badan 14 kalana oo isla rayid ah waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii bartamaha magaalada baydhabo gaar ahaan boosteejada Shabeelow qarax xoogan uu ka dhacay.
Qarani oo ahaa nooca gacanta laga tuura ayaa waxaa lala beegsaday ciidamo katirsan booliiska dowladda kMG soomaaliya oo iyagu xilligaasi marayay boosteejada gaadiidka loogu raaco deegaanka shabeelow.
Ka dib markii qarax uu dhacay ciidamada booliiska dowladda kMG soomaaliya oo goobta ka agdhawaa waxa si ula kac ah dhaawacyo ugu geesteen dadka rayid ah oo iyagu ka agdhawaa agagaaraha uu qarax uu ka dhacay.
Inta badan dadka ku soo dhaawacmay qarax iyo rasaasta ciidamada booliiska ay la beegsadeen dadka rayid ka ah ayaa la soo gaarsiiyay cusbitaalka dhexe ee magaalada baydhabo ee xarunta gobolka Bay halkaasi oo sidaad arkaysaan ay jiifaan tiro mayd ah iyo dhaawacyo kala duwan oo ku soo wax yeeloobay rasaasta ciidamada booliiska ay fureen qaraxa ka dib.
Xilli aynu booqonaynay cusbitaalka magaalada baydhabo waxa uu ah mid aad ah u cariiri ah isla markaasina ay soo buuxdhaafiyeen ehelada dadka soo dhaawacmay.
Ilaa iyo iminka majiraan mas`uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka iyo kuwa degmada baydhabo oo ka hadlay falka dilalka ay geesteen ciidamada booliiska dowladda kMG soomaaliya.
Saraakiisha caafimaad ee Cusbitaalka magaalada baydhabo ayaa waxa ay ka warbixiyeen xaaladda tirade dhaawacyda cusbitaalka la keenay waxa ayna sheegeen in badankooda ay halis ay yihiin.
Ugu dambeyntii, xarunta baarlamaanaka soomaaliya ee magaalada baydhabo ayaa waxa ay noqotay maalmahan dambe mid ay ka dhacayaan qaraxko iyo dilal qorshaysan oo badankooduba ay ku wax yeeloobaan dadka rayid ka ah.

Related posts: