Sagootinta Ramadaan Iyo Zakada Fidriga.

Published on September 22, 2008 by   ·   1 Comment   ·   print

Waxaa farxad iyo murugoba leh inaan ku dhaw nahay dhamaadkii Bishii Ramadaan iyo inay naga dhamaan rabto Bishii Barakeysneyd, maxaa yeelay waa farxad iyo bogaadin in uu ruux nasiib u yeesho inuu gaaro dhamaadka Bishaan, waayo waa bil wax badan oo wanaag ah Muslimiinta loogu dhex sharciyeeyay si ay isaga dhaqaan gafafkii iyo dembiyadii ka dhacay Sanadka oo dhan, waa bil qeyb walba oo ka mid ah lagu dhex diyaariyay Dembi dhaaf , Raxmad iyo Naarta oo leeska Xoreeyo, dhanka kalana waa murugo in ay dhamaato Bishaan ayadoo aan Damaanad loo heysan bal in markale la haleeli doono maxaa yeelay waxaa sanad walba aduunyada ka taga dad badan oo joogay Sanadihii horeeyay mana oga qofka maanta Soomay ee ka faa’iideystay ama aan ka faa’iidesan in ay soo mari doonto fursadaan oo kale.

Hadaba waxaa haboon inaan Bishaan Barakeysan ku sagootiino in ka badan sidii aan u soo dhaweynay, waa inaan u sagootinaa sidii aan u sagootin laheyn Saaxiib aad jeceshahay ama walaal kaa safri raba oo kale oo aadan mar dambe dib u arki doonin, waxa uu dhi jiray Ibnu Rajab Alxambali asaga oo sagootinta Ramadaanka ka hadlaaya (Ramadaanoow noo dhimri kuwii ku jeclaa ilintoodii wey dareereysaa, Qalbiyadooduna xanuunka tagitaankaaga ayay la dilaacayaan….) waxa uu arinkaas ula jeedaa inuu cabiro xanuunka uu leeyahay inuu ruux ka dhamaado Ramadaan.

Sidaa daraadeed waxaa loo baahan yahay inaan is dareensiino qiimaha Martiga Bishaan nala jooga oo la sii jibaaro Dadaalkii iyo Cibaadooyinkii kala duwanaa ee la soo bilaabay markii uu yimid Ramadaanka, waxaana ku dayasho Mudan Nabiga Suuban(scw) oo waxaa Caado u aheyd weligiisba inuu ku dadaalo Cibaadooyinka gaar ahaan Bishaan Ramadaan Gaar ahaan Tobanka ugu dambeysa, maxaa yeelay Camalada waxaa ugu qiimo weyn dhamaadkooda, marka waa in la jibaaraa noocyada Cibaadada oo dhan sidii ay sameyn jireen oo kale Salafkii Suubanaa.

Waxyaabaha gaar haan dhamaadka Bishaan la jideeyay waxaa ka mid ah gudashada Zakada Fidriga maalinta uu dhamaado Ramadaanka oo ay Bisha Shawaal tahay Kow inta aan la tukan Salaada Ciida si midkii soona uu isaga kabo wixii gaabis ahaa ee ka gaaray Soonkiisa isla markaana loogu quudiyo Masaakiinta iyo Faqiiriinta Muslimiinta ah si ay Ciida farxadeeda uga qeyb galan.

Axkaamta Zakada Fidriga:-

 

Zakada Fidriga waa waajib sida uu cadeeyay Rasuulka Suuban (scw), waxa ayna ku waajibtaa qof walba oo Muslim ah oo heli kara xiliga ay waajibto wax ka badan Quudkiisa iyo Quudka kuwa uu Masruufo, waxa ay Culimada Diinta aqoonta u leh yiraahdeen Qofkii Deensada lacag si uu saga bixiyo Zakada Fidriga waa u banana tahay..

 

Yeey ku waajibtaa Zakada Fidriga:-

Waxa ay ku wajibtaa qof kasta oo Muslim ah, Xor ama Adoon, Lab ama Dhedig, Qof Weyn ama Qof Yar, hase yeeshee Dadka dhintay ka hor inta aysan waajibin lagama rabo ama Dadka dhasha xiliga ay Waajibtay ka dib.

 

 

Waqtiga ay Zakada Fidriga Waajibto ayna Dhamaato:-

 

Waxa ay waajibtaa laga bilaabo Qorax dhaca Maalinta ugu dambeysa Ramadaanka, waxa ayna ku egtahay marka la tukado Salaada Ciida, waxaana la bixin karaa Maalin ama laba Maalin ka hor Dhamaadka Bisha Ramadaan.

 

Qadarka la bixinayo:-

 

Waxaa la bixiyaa Suus Cunooyinka la Beego ah, ama 2,500kg oo Cunooyinka la Miizaamo ah sida ay Cadeeyeen Culimadii Diinka aqoonta sare u laheyd, waxaana laga bixin karaa Dhamaan noocyada Cunooyinka kala duwan oo dhan.

 


Xikamada loo Bixiyo:-

Ulajeedada loo bixiyi Zakada Fidriga waa in ay kabtaa wixii gabood fal ahaa ee ka dhacay Ruuxii Muslimka ahaa ee soonaa, isla markaana in ay Quud u noqotaa Masaakiinta iyo Faqiiriinta Muslimiinta.

Sida loo bixiyaa Zakada Fidriga:-

 

Waxaa uu Ruuxa Zakadiisa ama tan Eheladiisa oo dhan siin karaa hal ruux ama waxa uu u kala qeybin karaa Dad fara badan, mana jirto hab gaar ah oo loo bixiya sida dadka qaar aaminsan yihiin oo ah in ay Gacanta in yar ku qaadaan ayaga oo magacaaba marba ruuxa ay doonayaan in ay Zakeeyaan, sidoo kalana Malaha Ducooyin gaar ah oo la aqriyo marka Zakada Fidriga la bixinaayo.

 

 

Baraarujin:

 

 

-  Zakada Fidriga Ruux aan Muslim aheyn waxba lagama siin karo, laakiin waxaa wanagsan in Sadaqooyinka kale wax laga siiyo maadaama uu Miskiin yahay.

 

 

-_Zakada Fidriga lama siin karo Ruux uu Masruufkiisa kugu waajib yahay sida labadada Waalid iyo Caruurtaada iyo Xaaskaaga, waxaase uu ruuxa siin karaa eheladiisa waayo waa Sadaqo iyo Xariirin wax Qaraabada la siiyo.

- Ruuxii iloobaa bixinta Zakada waxaa uu gudayaa markuu soo Xasuusto wax dembiyana looma heesto,  Ruuxii si ula kac uga tagaa waa Dembiile laakiin Diinka ugama baxaayo sida Ruuxa haduu bixin waayo Zakada Maalka oo kale.

Waxaa diyaariyay Cali Nuur Xoogsade

calixoogsade@hotmail.com

 

 

 

 Aragtida Qaraalkan waxaa leh Qoraaga Magaciisu ku Saxiixan yahay. 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Soo dhoweynta Bisha Ramadaan.
  2. Su’aalo & Jawaabo ku Saabsan Bisha Ramadaan
  3. Fataawida Ramadaan (Q.4-aad)
  4. Fataawida Ramadaan (Q.5-aad)
  5. Fataawida Ramadaan (Q.8-aad)

Readers Comments (1)

  1. c/raxmaan caddow xassan says:

    Asalamu Calaykum
    Bahda somalimiror waan salaamayaa waxaana idin leeyahay dadaalkiina ku wajahan koryeelidda kalimada Allah haday noqon lahayd bisayf iyo bilxujaba Allah ha idinka abaalmariyo,
    waxaan si gaar ah u salaamayaa saaxiibkey Cali nuur Xogsade oo aan arkin 2 sano waxaan leeyahay caliyow aduunka ku nooloow cizi aakhirona Firdowza al aclaa
    waana ku salaamya.

    walaalaha somalimiror waxaa idin leeyahay ka wada halkiina dadaalkiina saliimka ah taariikhdaa idin xusi doonta, Allahna wa idinka abaalmarin doonaa, umad mixno gashay sideena oo kale dadbaa u kici jirey dadna waxay noqon jireen dabadhilifyo taariikhda ay madoobayso
    Allah ayaann ka magangalaynaa kuwaas

    ASALAMU CALAYKUM WABILLAHI TOWFIIQ




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Soo dhoweynta Bisha Ramadaan.
  2. Su’aalo & Jawaabo ku Saabsan Bisha Ramadaan
  3. Fataawida Ramadaan (Q.4-aad)
  4. Fataawida Ramadaan (Q.5-aad)
  5. Fataawida Ramadaan (Q.8-aad)

Latest Headlines