Imaamu Axmed ayaa ka wariyay Xaarith ibnu Yaziid Al-bakri in uu yiri: Nabiga (scw) ayaan soo aaday anigoo uga dacwoonaya Al-calaa’ ibnu Al-xadrami. Markaasaa waxaan soo maray meesha la dhoho: Al-rabada oo ay joogto cajuusad reer Tamiim ah oo go’doon ah, markaasay igu tiri: addoonka Allow Rasuulkaan dan ka leeyahaye ma I gaarsiinaysaa?, markaasaan soo qaaday oo Madiina keenay iyadoo masjidku buuxo, calan madawna babanayo, Bilaalna uu Nabiga(scw) hortiisa seef ku jeeniqaaran yahay, markaasaan iri: dadka maxaa ku dhacay?, waxay I dheheen wuxuu doonayaa (Rasuulku) in uu Camr ibnu Al-caas (oo ciidan wata) meel u diro.
Wuxuu yiri: waan iska fariistay, wuxuu yiri: gurigiisa ayuu galay (nabigu), markaasaan idan weydiistay, wuuna ii idmay, markaasaan u galay oo salaamay. Makaasuu yiri (nabigu): idinka iyo banii Tamiim ma waxbaa idan dhexyaal?. Wuxuu yiri: waxaan iri: haa, annagaana guusha ka helnay, waxaana soo maray habar reer banii Tamiim ah oo go’doon ah, waxayna I weydiisatay in aan xaggaaga u soo qaado, albaabkayna joogtaa, maraaksaa nabigu (scw) u idnay, wayna soo gashay.
Waxaan iri: Rasuul Alloow haddaad annaga iyo banii Tamiim teed na dhex-dhigaysid (saxaaraha) Dahnaa’ ka dhig (illeyn iyagaa xilligii jaahiliyada dagganaaye), markaasay habartii ficilootay oo fadhigeedii isku dheeraysay, waxayna tiri: Rasuul Alloow xaggeed reer Mudarkaaga u dhigaysaa? (haddaad Dahnaa’ reer Rabiico siisid). Wuxuu yiri Xaarith: waxaan iri: xaalkaygu waxa weeye sidii ninkii hore u yiri: (ri’ xambaarsatay wadkeeda). Tan (habarta) waan soo qaaday, mana dareemayn inay muddaci igu tahay. Ilaah iyo Rasuulkiisa ayaan ka magangalayaa in aan noqdo wafdigii reer Caad oo kale. Wuxuu yiri (nabigu): muxuu ahaa wafdiga Caad?, isagaana (nabigu) sheekada ka og ee inuu ka maqluu doonayaa.
Waxaan iri: reer Caad way abaarsadeen, markaasey direen nin wafdiya oo Qayl la dhoho, markaasuu sii maray Mucaawiye ibnu Bakr, markaasuu bil ku nagaayoo wuxuu siinayay khamro, waxaana u heesayey labo gabdhood oo la dhoho Al-jaraadataan. Markay bishii dhammaatay ayuu buuraha Tihaamo u baxay, wuxuuna ku dhawaaqay: Ilaahoow waad ogtahay in aanan u imaan qof xanuunsan oo aan daaweynayo iyo qof qafaalan oo aan soo furanayo ee reer Caad ku waraabi wixii aad ku waraabin jirtay.
Waxaa soo maray daruuro madmadow, markaasaa looga dhawaaqay oo lagu yiri: dooro, markaasuu tilmaamay daruur ka mid ah oo madaw, markaasaa looga dhawaaqay oo lagu yiri: qaado iyadoo ah dambas aad u yay yar oo aan reer Caad qofna ka reebayn. Wuxuu yiri: waxaa I soo gaaray in lo soo diray dabayl fargashi dhexmarikarta ilaa ay ka halaagsameen.
Abuu waa’il wuxuu yiri: run buu sheegay. Wuxuu yiri: haween iyo ragba hadday wafdi diraan waxay dhihi jireen ha noqon wafdigii reer Caad oo kale.
Faa’iidooyinka qisada:
1. Khilaafka ka dhexdhaca muslimiinta waa inay u bandhigaan madaxdooda iyo culimadooda, sida Xaarithba uu xinifta dhexgashay tolki Rabiica iyo Banii Tamiim ugu geeyay Rasuulka (scw).
2. Qofka dantu hayso in la caawiyo, sida Xaarithba duqda go’doonka ah uu u soo qaaday, ka dibna nabiga (scw) uu idanka ugu weydiiyay.
3. Muslimiintu har iyo habeenba waxay u taagnaayeen shaqooyin ay diinta ku koryeelayaan oo dacwo iyo jihad ah, maantana colbaa la dirayaa oo masjidku waa buuxaa, calankii ciidankuna waa babanayaa.
4. Masjidku wuxuu muslimiinta u ahaa xarunta ummadda laga hago, daneheeda adduun iyo kuwa aakhirana lagu fushado. Wufuudda ayaa lagu qaabilayay, ciidankaa laga dirayay,
5. Rasuulku (scw) ma lahayn waardiye iyo xaajib albaabka u fadhiya ee toos baa gurigiisa loo tagi jiray, idanna waa la weydiisan jiray.
6. Qofkii guri uusan lahayn yimaada waa inuu idan weydiisto, hadduu seddex goor ku celiyo oo loo idmi waayana waa inuu isaga tago.
7. Nabigu (scw) aad buu ula socday waxa horay u dhacay iyo waxa xilligiisii ka dhacayey dunida, hadalkii ugu horreeyay wuxuu noqday idinka iyo Banii Tamiim ma waxbaa idin dhexmaray?, waa inuu la socday nabigu (scw) dagaalladii xilligii jaahilyada qabiilooyinku galeen.
8. Qofku xaq buu u leeyahay inuu gartiisa sheegto, isaga oo muddaci ahna wixii xal ula muuqda wuu soo jeedin karaa, go’aanka iyo taladase isagu ma leh, Xaarith wuxuu sheegay siduu u arkayay in xalku ku jiro.
9. Muslimku eed kuma leh inuu soo gudbiyo wixii uu u arko inuu dulmi ku yahay isaga ama tolkii, sida haddaba habartu yeeshay, nabiguna (scw) kuma canaanan.
10.Edebta sheekada waxaa ka mid ah in la dhagaysto haddii qofku sheeko aad ka ogtahay kuu mariyo, Rasuulku iska daa inuu ka joojiyee isaga oo ka og ayuu sii weydiiyay.
11.Dadka qaar ayaa wedkii dili lahaa iyaga ama dadkooda dusha ku sita oo wax kastoo cad baruur u qaba, wax kastoo madawna timir u haysta, dadkuna ugu kala dhaw yahay siday u kala hadal macaan yihiin, talo iyo tajribo horena aan akhrisan ilaa ay darbiga madaxa ku soo dhuftaan ama ku soo quustaan balliga maran.
12.Waxaa dhici karta inay dadku arrimohooda iyo taladooda u dhiibtaan cid aan si wanaagsan u matali Karin, danohoodana ku aadi Karin oo waxay taraan iska daaye dhib u soo jiida, sida ninkaan reer Caad oo kale.
13.Waxaa jira dad wax walba meesha u liidata ka abbaara sida ninkaan: dad dhibban ayaa hawl deg deg ah u dirsaday markaasuu khamro iyo heeso bil dhan u fadhiyay. Markii uu dhammaystayna duco liidata ayuu Alle ula jeestay. Markii daruuraha kala dooro la yirina tii ugu xumayd buu u dooray, markaasaa tolkiis ku halaagsameen duco xumadiisii iyo doorasho xumadiisii oo ay ka horreysay shaqo xumadiisii.
14.Way bannaantahay in lagu maahmaaho xaaladihii ummadihii hore, sida Xaarith yeelay markuu arkay inuu sameeyay ficil dhib u keenay, nabiguna (scw) kuma diidine waa sii waraystay.
15.Aadanuhu way jecelyihiin dhagaysiga qisooyinka dadyawgii hore, faa’iido iyo waayo-aragnimana way ku jirtaa.
16.Sida iyo waxa Ilaahay ku ciqaabay reer Caad ayaynu ogaanay, waxa ay ku mutaysteen cidii fashana wixii ku dhacay oo kale inay ku dhacdo ma foga.
W.Q. Axmed C/samad
Aragtida Qoraalan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

Related posts:
Once again Sh.Axmed C/samad does it, driving great benifts from the hadith, you ought to love it.
This needs, indeed to be translated to other languages and recorded to future genarations.
Wa’Salaam