Shirkii Jabuuti oo wali Cakiran

Published on September 20, 2008 by   ·   13 Comments   ·   print

shirka-jabuuti.jpgXafladdii gabagabada oo lafilayay in caawa lagu saxiixa heshiiskii ay wada gaareen DKMG ah iyo isbahaysiga dib u xoraynta garabka Jabuuti ayaa wali la’isku mari la’yahay wuxuuna qarka u saran yahay in uu mar kale dib u dhaco kadib markii isbahaysigu ay ka biya diideen in wax laga badalo qodobka bixitaanka ciidamada gumaysiga Itoobiya ee Soomaaliya.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wararka ka imaanaya magaalada Jabuuti ayaa waxay sheegayan in Ergeyga gaarka ah ee Q.M u qaabilsan Soomaaliya oo daadihinayay shirka uu garoonka diyaaradaha ee Jabuuti daqiiqado ka dib ka duuli doono asaga oo ku sii jeeda dhinacaas iyo magaalada New York ee xarunta Q.M.

  

Axmadu Weled Cabdalla ayaa la sheegay in uu ku talajiray in uu qaado dukumiintiga heshiiska oo ay labada dhinac saxiixeen uuna hordhigo Q.M si ay u ansixiyaan taas oo aan ilaa iyo hadda u suurta gelin.

  

Cabdi Abshir oo ka mid ah xubnaha isbahaysiga uga qayb galaya shirka ayaa sheegay in qodobka la’isku mari la’yahay uu yahay qaabka ay ciidamada Itoobiya uga baxayaan dalka qodobkaas oo ay isbahaysigu dalbanayaan in ciidamada gumaysiga Itoobiya ay marka hore ka baxaan gudaha xaafadaha magaalada Muqdisho, kadibna magaalooyinka waaweyn, ugu danbayntiina in ay guud ahaan dalka uga wada baxaan muddo 30 bari ah oo ka bilabanaysa 1 bisha Octobar ee inagu soo aadan taas oo ay ka biyo diidsan yihiin xubnaha DKMG ah.

  

Dhinaca kale Cabdi Abshir ayaa rajo ka muujiyay in saacadaha soosocda la’isku afgaran doono qodobada lagu kala boodsan yahay wuxuuna intaa raaciyay in Wakiilka Q.M uu badalkiisa joogi doono ku xigeenkiisa oo hawsha dhex dhexaadinta halkaa ka sii wadi doon.

  

Xubnaha Dawladda oo cadaadis ka haysto dhinaca Itoobiya ayaa ku adkaysanaya in ciidamada itoobiya  ay ka baxayaan uun goobaha dadku ku badan yihiin balse aysan ka baxayn goobaha dadka rayidka ahu aysan hadda ku sugnayn kuwaas oo ay ka mid yihiin xaafaddaha dadku uga barakaceen ciidamada gumaysiga aawadood.

  Kulankan caawa la’isku mari la’yahay ayaa waxaa la damacsana in la soo gaba gabeeyo 19/09/08 ee la soo dhaafay wuxuuna dib u dhacay marba marka ka danbaysa sababo kala duwan oo ka imanaya dhinacyada Isbahaysiga iyo DKMG ah.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Warsaxaafadeed Jawaab u ah Shirkii Jabuuti
  2. Xaalad Cakiran oo Ka Jirta Degmada Afgooey
  3. Sh.Shariif Sh.Axmed oo ku baaqay in la taageero Heshiiska Jabuuti
  4. Natiijooyin Hordhac ah oo ka soo baxay Shirka Jabuuti
  5. Shirkii Jabuti Oo Fashil Qarka U Saaran

Readers Comments (13)

  1. Hassan says:

    garabka aan xorta aheyn ee jabuti iyaga ayaa tanaasulidoona maxaa yeelay hadii ay diidaan heshiiska meel ay jabuuti ka aadaan majirto jabuutina masii joogi karaan

  2. dhiiga jooji says:

    DR KOWLE assalaamu caleykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu, xalka somalia alle oo kaliyah ayaa wax ka qaban kara, cid kalle oo wax ka qaban kara majirto, iyadoo sidaas ay tahay ayaa ay lagama marmaan tahay in xal siyaasi ah oo wadanka looga saaro gaalada iyo gaala raaca ayaa loo bahan yahay, ITHOPIA waan uga adkaaney xabada alxamdulilaah, balse inaan siyasadii aan la galo diinta islaamka miyeey inoo diideeysaa? in xal wafaqsan shareecada islaamka in la gaaro heshiis dhiiga lagu joojinaayo in la qaato diinta islaamka ma diideeysaa? shacabkii somaliyeed waa ay dhamadeen wax ay disho ithopia iyo wax dilaan al-shabaab ayeey noqdeen, waxaan ognahay ragiina asmara in aad markii hore isla qabteen in gaalo aad heshiis la gashaan, waxaad ansixiseen in ay timaado ciidan uu leeyahay qaramada midoobey oo waxaan hayaa DR” cumar imaan xafdulaah kitaab uu qorey oo kaga hadlaayo la tacamulka heshiisyada lala galo gaalada, hadiiba markii hore aad wada socoteen qoladiina iyo jabuuti maxaa hadeer keenay in aad kala furataan? sow leysma dhihi karo damac siyasadeed ayaad isku qabateen? waxaay ahaato aniga waxaan u arkaa in dhiiga shacabka ka socdaahu in uu u bahan yahay joojin, nebigeena muxamadd csw ayaa yahuud heshiis la galey, sow lama oran karo sheekh shariif alle ha xafidee nebiga csw ayuu kaga daysadey in uu heshiiska qaato? alle aan ka baqno walaahi kowle waxaan idin arkaa dad dambi aad weyn ku jira oo khilaafey amirkooda, waadn ogtahay xukunka kusoo aruurey in la qilaafo amiirka,, akhii fillaah hal’ suaal ayaan ku weydiinayaa DR>KOWLE WAXAAD DHAHDEY GAALO KA BIXIMEEYSO SOMALIA HESHIISKA JABUUTI WAXBA KASOO BIXIMAYAAN, OK HADII MARKA AY BAXDO GAALO OO AY QOLADDA JABUUTI KU GUULEEYSATO IN AY BAXDO ETHOPIA MAXAA XALKIINA NOQON DOONAA? MASE RAACEEYSAA OO MA U HOGAANSAMEEYSAAN QOLOYINKA JABUUTI, mahadsanid walaalkaaga dhiiga jooji

  3. shiino says:

    Waxba yaan dadka Soomaaliyeed laab lakac lagu ridin oo aan been lagu maaweelin, masraxiyaddaan oo kale marar badan ayaan hore usoo aragnay, wey saxiixayaan waxa meesha la keenay isbahaysiga garabka shariifyadu, ayagoo ama aan fahminba waxa meesha ku qoran illeyn waa siyaasade, siyaasadina waa camal Shaydaane, ayaguna camal shaydaan waxba kama yaqaaniin oo waa niman wadaaddo ah oo u haysta in waxa laysu sheegayaa ay run wada yihiine, ayagoo aan ogeyn in wax yar oo marka aad aqrineyso qoraallada la doonayo in lagaa saxiixo aan dhamayn wax ishu qaban karto ay waxa dhan oo meesha ku qoran micnahooda gebi ahaanba beddeli karto, amase ayagoo garabka shariifyadu og in aysan joogin meel ay ama ka laaban karaan ama ay gorgortan adag ku geli karaan waxna ku diidi karaan ayey iska saxiixi doonaan waxa lasoo hordhigo, markaasna isku deyi doonaan in ay dadka u sheegaan wax aan jirin oo khayaali ah sidii ay horeba u sameeyeen. Sida aan wada ognahay ninkan Walad Cabdalla, bishii June 8dii ayey ahayd markii uu shir jaraa’id ku qabtay halkii uu wareeggii 2aad ee shirku markaa ka socdey asagoo afkiisa ku caddeeyey in uu shirkii bur buray oo ay Soomaalidii waxba ku heshiin waayeen, isaguna uu sheegay in uu Airporka u socdo isla waqtigaasna uu ka duuli doono Jabuuti oo uu ku noqonayo xaruntiisii Nairobi, saacado yar ka dibna waatii la saxiixay wax lagu qoslo oo lagu sheegay heshiis, hase yeeshee wixii ay ahaayeen cid fahamtaba la waayey ilaa hadda oo loo fadhiyo wax lagu sheegayo shir kale oo dib u heshiisiin ah, berritaba dhegeysta haddii Ilaah ina gaarsiiyo wixii ay masraxiyaddaan cusubina ku dhammaato, sidii kuwii hore oo kale ayaa la oran doonaa heshiis ayaa la saxiixay, markaas ayey qolooyinkii warqadaha ayagu gacmahooda ku saxiixay marka uu sacabka iyo mashxaraddu dhammaato ayey kala hadli doonaan oo qolaba sida ay ayadu rabto wax inoogu sheegi doontaa wixii la saxiixay, ayagoo dhammaantoodan been inoo sheegi doona, gaar ahaanna isbahaysiga oo aan ayagu waxba ka fahamsaneyn waxa ay saxiixeeni waxa ay yihiin. Ilaahow Soomaalida adigu u gargaar oo dhibka naga dul qaad adigaa Caza Wajalla ahe, Aamiin Yaa Rabbal Caalamiin.

  4. fahad says:

    isbahaysiga dib u xoreynta qeebtiisa djibuti waxay u muuqdaan kuwa mar waliba lagu dagayo saxiixyada iyo qiyaanooyinka uu wato heshiiska ,waana wax looga bartay qaramada midoobay inay ku dagaan dadka muslimiinta ah , wuxuuna u egyahay inuusan waxba dhaqan gali doonin wax walba oo ay saxiixaan , maadaama loo noqonayo dalka oo ay tahay barta lagu kulmi doono dhamaan kooxaha iska soo horjeeda , waxaana u hari doona inta mabda isku keenay inta kalana waxay noqon doonaan kuwa isku bahaystay calooshooda iyo dhuuntooda , marka ma aha mid sii waari doono saan ka fahmi karno . mahadsanid

  5. abu munsif says:

    ASC

    War waa dhoolatusid siyaasadeed(munaawaraad siyaasiya) ee isdhiibida mar hore ayaa la saxiixay ee yaan lagu qaldamin.WSC

  6. xamuud says:

    sh,shariif iyo guruubkiisa hadayba ka tanaasulen kitaabkii rabi waxii laga su gaa waa gar daro ayagaana tanaasuli doona ugu danbeeyntii
    waxaana hubaal ah ayagaa u tanaasuli doono sidaan hore uuga baranay

  7. haddaan imid says:

    hadii garabka djibouti uusan xor aheyn ma kuwa casmara jooga ayaa xor ah? ma afawerqi ayaa muslim noqday?? war alle ka baqa oo aflagaadadad joojiya.

  8. abuu khaalid says:

    hadaan imid ninka la baxay qabyaalada dadka kala tag maxaad nin u taageeree maad mabda’a meeshuu jiro raacdid hadeey daacad kaa tahay

  9. Maxamed Black says:

    Qolada Jabuuti joogta ee isbahaysiga dib u xoreynta waxaan kula talinayaa in aysan marnaba ka tanaasulin halka ay hadda wax marayaan, oo ah mowqif muhiim ah. Runtii hore ayaa looga iimaan ka baxay qoladan oo mar walba ka tanasula qodobbo muhiim u ah xalka ummadda Soomaaliyeed. Haddaba, waxaan u maleynayaa haddii aad ka tanasushaan maantana halka aad taagan tihiin in cid dambe oo soomaaliyeed oo wax idinka sugu doonta in aanay jirin.
    Waxaa shaki weyn ummadda geliyey waxa aad ka carareysaan iyo waxa aad la carareysan. Dadka idin horfadhiya waa dad dembiilayaal dagaal ah, iyaga ayaa mudan in ay tanasulaan. Fadlan ha u soo qaadina ummadda wax aan u cuntamin, haddii kale waxaa laydinka rabaa waxa aad soo qaadaan meeshii aad ka fulin lahaydeen.

  10. cazaam says:

    qofka muslimka ah go.aankiisu waa inuu cadaadaa marba haduu alla rumeeyo waxaa waajiba inuu kutaagtaagsado waxa rabi faray marka xiligaan maanta lagujiro oo kale marar badan ayuu islaamka soomaray waxaana looga gudbi jiray go aan adag iyo seef afbadan . marba howshu haday noqoto gaal iyo muslim waxaa kaliya oo looga gudbaa waa seef afbadan iyo hay adaha sirdoonka oo si adag ushaqeeya majiro wax layiraa dublumaasiyad oo qof iimaan leh maanta dunidaan aynu joogno uu kawadi karo . marka nimanka jabuuti iimaankooda mugdi wayn ayaa kujira xilli ayba gaareen inay yiraahdaan jihaadku xal maahan taasoo ah beenin kitaabka alle. . . . ilaahow jihaadka bariga africa iyo dhamaan daafaha aduunka guulee

  11. C/risaq says:

    Assalaamu Caleykum dhamaantiid soomaaliyeey.

    Mar dhow ayaan dhageystey warbixin laga qaadey Axmed walad wakiilka QM ugu qaybsan arimaha Dalka Soomaaliya , waxaan la yaabey inuu ku sheegay in ay heshiis gaareen dhamaan Kooxihii isugu yimid Jabuuti , taasoo buu yiri in ay Ciidanka ama Jabhada Xabashidu dalka ka bixi Doonaan Ciidda ka hor !!

    Ama wuxuu yiri bilowga Bisha Oktoobar haddii ay jirto arintaa oo ay Xabashidu dalkeena nooga baxayaan ” WAA ARIN GUUUL AH” Laakiin waxaa iswaydiin leh haddiiba ay baxaan Xabashidu wax qorshe ah Soomaalida ma u yaalaa , waxaan ula jeedaa sidii ay ugu heshiin lahaayeen Qaabka siyaasadeed ee Dalka lagu dhiqi lahaa ! iyo waliba ma laga yaabaa in loolan dagaal ka dhex qarxo Xoogagga La dagaalamey Xabashida oo sida aan ognahay u kala baxey Kooxo kala siyaasad duwan.
    Ilama qumana in ay Dadka qaarkiis Xoog iyo dagaal mooyee aaney hayn xal siyaasadeed oo guud ahaan dadka Soomaaliyeed lagu qancin karo !!

  12. somali says:

    Asalaamu calaykum
    Walaalayaal waxaan waa masraxiyah shariif iyo kooxdiisu waxay diidi karaan malaha laakiin waa dhoola tus iyo been guurka bulshada muslimka ah.
    sida xamuud sheegey shariif iyo raggiisu waxay ka tanaazuleen kitaabki allaah oo ay sheegi jireen in ay wadanka ku xakumayaan wax kalena aysan yeeleyn,marka wax kale oo ay u daahayaan ma jiro ee yaan lagu akdsoomin bal wax qiimo leh maahane yaanba laga hadlin.
    warku waa sida akh cazaam sheegey weerarka umadda islaamka lagu soo qaaday hdda ma bilaaban ee taariikhda dib u akhriya,waxaana looga baxay in kitaabka allaah iyo sunada loo laabto.
    Qiwaamu diina waa kitaabun yahdii wa sayfun yansur wakafaa birabika haadiyan wa nasiiraa.
    cilmi laga qaato kitaabka iyo seef waardiyaysa midba midka kale kama maarmo.
    cilmiga haddaan awood ilaalisa la helin kii xaqa yaqaanayna waa cabsan oo kuma hadli karo kii munaafaqnimo u bartayna ama cabsaday waxaa laga yaabaa in sida dawladdiisa ay rabto uu u macneeyo kitaabki.
    sida kii yiri bool biremer (ninki maraykanku ciraq u dhiibtay)waa amiir wuxuu leeyahay daacah wuxuu daliilsaday wa ulul amri minkum.
    ama rabaanigii afghan ee ku sheegey ciidamada saliibiyiin(wama yaclamu junuuda rabika illaa huwa)

  13. haddaan imid says:

    abu khalid ilaahey baan ka maqan galay qabyaalada aad igu eedeysay. danbigaana allaha cafiyo aamin.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Warsaxaafadeed Jawaab u ah Shirkii Jabuuti
  2. Xaalad Cakiran oo Ka Jirta Degmada Afgooey
  3. Sh.Shariif Sh.Axmed oo ku baaqay in la taageero Heshiiska Jabuuti
  4. Natiijooyin Hordhac ah oo ka soo baxay Shirka Jabuuti
  5. Shirkii Jabuti Oo Fashil Qarka U Saaran

Latest Headlines