Khasaarooyinkii ka dhashay Duqeyntii Muqdisho oo sii kordhaysa.

Published on September 20, 2008 by   ·   22 Comments   ·   print

dhaawac.jpg28 Qof oo Dhaawac ah iyo 13 mayd ayaa xalay ku Baryay Gudaha Isbitaalka Madiina kuwaas oo dhamaantood ku waxyeeloobay Duqeyn Ba’an oo shalay galab ka dhacday Magaalada Muqdisho ka dib markii ay Diyaarad Milatari soo caga dhigatay garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho.

  

7 qof oo ka mid ah dadka dhaawaca ah ayaa la sheegay in ay hal goob ku dhaawacmeen ka dib markii uu Madfac ku soo habsaday goob ay ku sugnaayeen.

  

Sidoo kale dadka dhaawac ah ayaa waxa ku jira Gabar yar oo 9 sano jir ah taas oo uu six un u kala jar jaray Madfac la sheegay in uu ku habsaday.

  

Dadka dhaawaca ah ayaa la sheegayaa in ay u badan yihiin Caruur iyo dad da’ ah kuwaas oo iyagu ku waxyeeloobay Madaafiicdii shalay galab ka dhacday muqdisho.

  

Maydadka gaaray 13 qof ayaa lagu wadaa in saaka la duugo iyada oo ay jiraan maydad kale oo laga helayo xaafada muqdisho qaarkood.

  Isku soo wada duuboo ma jirto illaa iyo hadda cid ka hadashay Dhibaatadan bareerka ah ee loo geystay shacabka soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, waxayna arintani ka mid tahay Tacadiyada soo noq-noqda ee aysan cidina wax iska weydiinin.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Khasaare Naf & Maal leh oo ka dhashay Duqeyntii Ciidamada Uganda
  2. Dhimasho & Dhaawac ka dhashay Duqeyntii Bakaaraha
  3. Khasaarooyinka Duqeyntii Shaley ee Muqdisho oo Isa Soo Taraya
  4. 15 qof oo ku geeriyooday Duqeyntii ciidamada Gumeysiga ee Heliwaa
  5. Duqeyntii Bakaaraha oo Khasaara Shacab Geysatey

Readers Comments (22)

  1. abdulahi ali says:

    ASC
    sida aynu ognahay in gaalada lala dagaalamao waa waajib, cudwaankoodana la celiyo oo layshortaago, in shacabka muslimiinta ah la ilaaliyaana waa waajib kale oo ka wey ka aan soo sheegnay, markaa fikradaydu waxay tahay muqaawamadu waxay iclaamisay inay xidhayso garoonka oo halkaa waxaa ka muuqatay in nidaam saxa oo lagaga hor tagi karo wax kasta oo imanaya garoonka inay diyaarsatay oo yoolkeedu aanu ahayn hadal kaliya, laakiin waxaa hada muuqata in ay arintu tahay Laabla kacay Lugana Kuma taagni shalay waxa ka dhacay muqdisho waad og tihiin dadka muslimiinta ah ee lagu laayey, kadib markii wax aan waxba yeelayn lagu tuuray DIYAARADII TIMI markaa ujeedadeenu ma waxa weeye tamari halkaasay i dhigtay waxa aan ku hanjabaana (laysa calaa idlaaqihaa ) shacabka layska xasuuqayaana waa yeelkiis ilayn cida bilowday dagaalka waa inay difaaci carktaa shacabkeeda, arintani waa arin u baahan in laga fiirsado waa lays weydiinayaa aakhiro waxaadna ogaataan hadii aad shacab rabtaan inuu idin taageero maalinkasta oo aad waxan oo kale samaysaan waxaad waayeysaan shacab si qoto dheer arintan haloo eego
    (WABILAAHI TOWFIIQ) (WAMAA URIIDO ILAL ISLAAX)

  2. la yaab says:

    shiish xumayaal,shabaab wax ay baranayaan ma jiraan!qoryo billaa jiho ah baa la iska sitaa?!

  3. Hadaan Imid says:

    asc,ramadan kariim,walaalaha alshabab dadkii waa dhamaaday 22 qof baa shalay dhimatay ma guul baa ?? ma nasri baa ?? dalka allaha dajiyo.

  4. cazaam says:

    Waxaa la ogyahay dunidan ciidanka ugu tababarka fiican inuu yahay ciidanka islaamka ee kusugan daafaha aduunka uuna guud ahaan amiir uyahay sh.osama bin laden waxaana qiray arinkaa hugaamiyayaasha ciidankii rumaysnaa inay dunida uhoreeyaan . sida uuqiray hugaamiyihii ciidankii america ee weeraray jalalabaad wadanka afghan iyo waliba ciada ooqirtay in dagaalyahanada al.shabaab ay uga adkaadeen xamar isbahaysigii intaysan abuurin ayna qirtay in sirdoonka al.shabaab uu katababar wanaagsanyahay cia da islamarkaana ay fashiliyee isku day kasta oo kadhana waxaana la ogyahay tobonaan cia ah in muqdisho lagu gowracay

  5. cazaam says:

    Akhii dadka maysan xasuuqin mujaahidiinta al.shabaab waxaa la ogyahay mujaahidiintu waxay weeraree garoonk dadkana waxaa laayay waa cadowgooda oo ah midka diintooda iyo ciidoodaba kusooduulay al.shabaabna waxay kamidyihiin dadkaa dulman oo jecel inay heeryada iska dulqaadaan. alla huguuleeyo mujaahidiintiisa

  6. Hadaan Imid says:

    ku ninka la baxay cazaam adeer,anagu somali baan nahay osma ma taageersanin mana taageereyno sidaa u ogow.
    22 qof oo muslimiin ah baa dhimatay waa isir sifeyn socota oo reer mogadishu lala rabo diyaaradii duushay ayadoo bad qabta?? ma nasri ilaahey baa ?? ma guul baa?? dalka allaha dajiyo.

  7. cazaam says:

    Akhii dadka maysan xasuuqin mujaahidiinta al.shabaab waxaa la ogyahay mujaahidiintu waxay weeraree garoonk dadkana waxaa laayay waa cadowgooda oo ah midka diintooda iyo ciidoodaba kusooduulay al.shabaabna waxay kamidyihiin dadkaa dulman oo jecel inay heeryada iska dulqaadaan. alla huguuleeyo mujaahidiintiisa utaagan difaaca diintiisa iyo dadkiisa muslimka ah

  8. Hadaan Imid says:

    maskaxda ha shaqeyso diinta sida saxda ah haloo qaato xamar waxaa ka socda isir sifeyn waayo hadda maalin kasta diyaarad baa soo dageysa alshabana way weerari 40 qof soo shacabna way dhiman adiga isku dardarso.

    cadawga allaha jabiyo aamin

  9. Amiirah says:

    Inaalilaaahi wa inaa ileheyhi raajicuun, inaalilaaah wa inaa ileyhi raajicuun, inaalilaah wa inaa ileyhi raajicuun, away dadka dawlada isku sheegaya, away damiirkoodii, aaway muslimnimadii, subxanalaah. Maalin ramadan aya lagu jiraaa ilaahoow inta cadowga wado dhulka la goo oo musslimiinta sidan lo dhameenaayo ayaagoo sooman ishoodi kasoo bixi, sidaan nolal ma ahan dadka wa dhibateesan yihin.

  10. Hadaan Imid says:

    amiirah abaayo waxba ha calaacalin ee samir,kuwa aad leedahay waa dowlad ayaga ayaaba la heystaa.
    kuwana casmara ayaa afawerqe ku heystaa halka kuwo kalena ay beesha caalamka wax la dhaho djibouti ku heysataa.
    waxaa soo haray kuwo dhalinyaro ah loo leh alqaacido baan ku xiranahay ayaga allaha soo hanuuniyo.
    vivo jabiso.

  11. cadow says:

    ninkan cazaam ah somalia waxa ka tagan waa dad isku dilaya awood iyo dhaaqle iyo madaxtinimo doon al.shabab ma rabto wanaag iyo nabad somalia haday dhacdana waxay rabta mid ay ayada gacanta ku hayso somalida kale waxba uma ogola qasbay somalia u rabaan waxooda ma ahan jihaad dadkii shalay lagu layay xamar ee soonaa al.bab baa intooda badan laysay ma jihaadbaa walal ilahay hala ga baqo waa wada garanaynaa dadka al shabab teda kale waxay diisan yihiin ajnabi ayagana wadanki ku haya ajaanib oo aan u naxayn dadkeena horay u talabalysnaa anaga ajnabi oo dhan ma rabno waxan rabna wilal somaliyed oo somalinimo ka muuqata kaliya

  12. cazaam says:

    Walaal kuwa dowlada isku sheegaya ogow maahan muslimiin kama danqanayaan dhibka muslimiinta . . dhanka kale waxaan anagu nahay dad muslimiin ah kasokow somali marka amiirkeena osama waxa naga dhexeeyaa waa islaamnimada wax kale isuguma aanaan imaan . osama maanta wuxuu uga danqasha badanyahay dhibka walaalihiisa muslimka ah soogaaraya kuwa maanta murtadiinta kula qaxwaynaya jabuuti sida koofidheere oo qayaanay mujaahidiintii uu lasafnaa shalay

  13. Hadaan Imid says:

    cazaamoow maanta miyaad osma keentay oo qadiyadii somali isku xureyneysay ku xirtay ururka alqaacido iyo oday osma bin laden.
    so ma ogid in alqacido americanka ay asaseen horta? oday osma buuraha ha iska joogo wax kale oo uu kuu qaban karo malahan,anagu waxaan u dagaalameena in dadkeena nabad helo iyo xornimo alqaacidana waan la dagaalameena mana ogolaan doono.inshallah.

  14. wadaad yare says:

    Cazaam qof sumeysan ayaad tahaye allaha kusoo hanuuniyo. Hadaad uwood is bideen ood dooneysaan inaad Usama sanka naga gelisaan wallee inaadnan ku guuleysaneyne maad caqligiina isticmaashaan.

    Hada umadu labo dhinac ayey ka gubantahay wayna jaah wareersantahay, laakiin ilaahey cadawga ha bixiyo war waa la kala heliye.

  15. cadow says:

    cazaam walal ana dad u babac dhigi kara xifala aduunka ka socda ma nihin shacabkeeni wakaas u dhimanaya gaajo iyo dil cadow walal anaga ayaa nalaga rabaa in aan caqlgeena dib u celino caqliga shababka ku jira wadankan mustaqbalkisa mid hagajin kara uma eka ragaad aad shegayso ee jabuuti jooga ayaba ila yara dhama aduunkan qori kaliya ma shaqeeyo siyaasad ayaa hada lagu socdaa qorigaad haysto mid ka weyn ba la haystaa shacabka lagu kor dagalamayana waa shacabkaga marka caqliga hala shaqaysiiyo usama iyo amerika xifalahooda tabar uma hayno ala ha guulaysiyo umasa waa geesi islaam

  16. cazaam says:

    Waasax shabaabul mujaahidiin waxay udirirayaan waa inay xukumaan bariga africa waan waajib farada in loodagaalamo iskuxukunka kitaabka alle waasax mujaahidiintu haday gacanta kudhigaan somalia uma ogola inay wax kamaamulaan somalida murtadiinta ah kuwa munaafiqiinta ah waxaa maamulaya culimada aqoonyahanka aqoontooda kusaleeyay shareecada islaamka

  17. cadow says:

    cazaam ilahay wanaga ha ku tusiyo hadiiba waxii shababka ka haray ay yihiin murtadiin bariga afrikad ku riyonaysaa xamar badan sacad ku dhexdagalami karin riyada ka soo bax aduunkan riyo laguma qabsadee

  18. Hadaan Imid says:

    cazzaam anagu bariga afrika ma rabno inaan xukuno ee waxaan rabnaa oo kaliya inaan somaliya xureyno kadibna aan ka tashano aayaheena iyo mustaqbalkena.

  19. cazaam says:

    innaa lilaahi waa jaahilnimo iyo munaafaqnimo meeshii ugu saraysay in layiraahdo mujaahidintu america ayay ka amarqaataan. hadaad ulajeedo xilligii mujaahidiintu dagaalka kulajiren ruushka ayaa america taageertay . xiligaas mujaahidiintu waxay saanad kaqaateen maraykan laakiin mabda iyo talo midna kama dhaxayn kaliya waxay kafaa iidaysteen cadaowtooyada labada dhinac islamarkii ilaah ruushka jabiyay mujaahidintu waxay kudhawaaqeen mowqifkooda iyo waxa ay ka aaminsanyihiin maraykanka iyo dhamaan gaalada aduunka

  20. cazaam says:

    Walaal maanan oran wixii shabaab kasoohara waa murtadiin shacabkeenu waa muslimiin ayaga ayaa mujaahidiinta kalkaala ayaga ayaa daaweeya ayaga ayaa rasaasta ucabeeya laakiin waxaa kudhexjira boqolaal murtadiin ah raba in ay wadanka kadhaqangaliyaan saliib iyo sahaayino kuwaas oosheegta inay wadanka wax usoo barteen ayna xaqtahay in dhulka laga sifeeyo islaamiyiinta taasoo marka ay xataa eraygaas ay kudhawaaqaan ay diinta uga baxayaan

  21. abu munsif says:

    ASC

    Kuwa Cazaam hadaladiisa naqdinayaa waxaan idin leeyahay ka fiirsada waxa aad qoreysiin. Qof kasto waxuu qoro iyo wuxuu ku hadlo malaa’ik ayaa qoreysaa. Qofka ku doodaya Somali baannahay, Somalinimada islaamnida ayaa ka horeysaa. Waxa loo socdana waa islamka laga hirgeliyo koonka oo dhan sida Buush oo baadil ku socdo uu rabo in dintiisa Dimuqradiga la yirahdo ka hirgeliyo addunka oo dhan. Aniga waxaa i xiga ma aha somaliga murtad ah ama christianka ah ee qofka ixiga waa kan aan diin wadaagno ee ma aha kan aan dal wadaagno laakin aan isku diin ahayn. In Washignton laga soo weerar tago oo anagan oo annagana aan isku koobno …..land waa caqli xumo, iyo diin la’aan. WSC

  22. Hadaan Imid says:

    dalka allaha dajiyo isir sifeyn xun ayaa xamar ka socota.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Khasaare Naf & Maal leh oo ka dhashay Duqeyntii Ciidamada Uganda
  2. Dhimasho & Dhaawac ka dhashay Duqeyntii Bakaaraha
  3. Khasaarooyinka Duqeyntii Shaley ee Muqdisho oo Isa Soo Taraya
  4. 15 qof oo ku geeriyooday Duqeyntii ciidamada Gumeysiga ee Heliwaa
  5. Duqeyntii Bakaaraha oo Khasaara Shacab Geysatey

Latest Headlines