Shabakada Warbaahinta ee Somalimirror waxa ay ugu tala gashay Akhristayaasheeda in ay halkan ugu soo bandhigto Jawaabaha Su’aalahood meel kasta oo ay joogaan. waxaana ka jawaabayo Dr. Axmed X. C/Raxmaan.
Su’aal 27-aad: - waan salaamayaa sheekha allaayaduulcumrak
Sheekhaw Masaajidda badanaa waxaa ay Tukadaan Taraawiix 11-ragcadood oo fiidkii ah tobanka danbana waxaa lugudaraa Tahajud marka ma Banaantahay Jameecada Habeenkii in laba jeer Tukato Taraawiix iyo Tahajudba maxaase u daliila?
Aljawaab: - waxaa wanaagsan in tubanka danbe ee Ramadaanka la soo jeedo oo la badiyo cibaadaadka, saas darteed dhib Ma lahan in aad Taraawiixda iyo Tahajudkaba aad tukatid, haddii mid aad ku e kaysatidna dhib ma lahan,hadaad taraawiixda aad jamaaca ku tukatid oo waqtiga danbana aad soo kacdid oo aad kaligaa tukatidna waa sii wanaagsantahay, hadaad mid ku ikaysanaysid Tahajudka Tuko. Waxaa reeban laba Witir in habayn la Tukado.
Su’aal 28-aad: – qofka isago soman raashin madhedheminkara?
Aljawaab: - haa, waa dhadhamin karaa, laakiin liqi maayo.
Su’aal 29-aad: – Asalaamu calaykum.
somalimirror iyo sheekhaba allaah ha idinka abaal mariyo khayrkiina
Su’aasheydu waa sheekhow Tobankii dambe ayaa fooda la galshay marka Taraawiixda iyo Tahajudka mala wada Tukan karaa keese Fiican in la wada Tukado iyo in mid la tukado?
Aljawaab: – kuli waa waasic,Taraawiixdu waa Shaciira Islaami ah,in Jamaco lagu Tukado weeye, Tahajudkana maadaam aaan Qur’aanka la wada xifdisanayn waa laysku jamaacaysan karaa, laakiin waa in codka hoos loo dhigo.
Hadaad mid ku ekaysanaysid Tahajudka Tuko. Laba Witir habayn ha Tukanin.
Su’aal 30-aad: – Asalaamu calaykum waraxmatulaah
Sheekh Axmed Xaaji iyo Bahada Somalimirror ilaahay miisaanka xasanaadka haydiin saaro khayrkan aad wadaan.
Su,aashaydu waxaa weeye sheekh Axmed waxaad in badan iska furan Maqaaxiyaha Cuntadda Dadka Muslimka ah oo ah Carab ama Pakistaan iyagoo ku andacooda kufaartaan wax ka iibinayaa oo iyagu waa gaallo ma soomayaan markaa waa daahira ka jirta dhulka gaaladda waxayna sheegtaan inay muslimiin yihiin dadkaasi teeda kale dhalintii ma soomayaasha ahayd dukaamadda xalaal-ka ku qoratay ayay iska cunayaan waxaana laga yaabaa haday waayi lahaayeen inay soomi lahaayeen. akhiiran sheekh arinkaasi ka waran
wasalaamu calaykum
Aljawaab: - Lama furi karo Maqaayadaha Cuntada kariya Maalin Ramadaan,Muslin caasi ah oo afuran lagama gadi karo, gaaladana lagama gaadi karo maxaa yeelay shareecadu ayagay la hadlaysaa, haday qadan waayaana waa danbiilayaal,mida kale ilaahay waa diiday in xumaan iyo danbi laysugu kaalmeeyo,furnaashaha maqaayadahana waxay galaysaa isugu kaalmayn xumi iyo danbi.
Su’aal 31-aad: – Asalaamu calaykum dhamaan bahda somalimirror iyo Asheekh Dr Axmed Xaaji C/Raxmaan.
salaan ka dib sheekhow malawada Tukan karaa Salaadaha Taraawiixda iyo Tahajudka? Salaada Tahajudkase Jamaaco malagu Tukan karaa?
khayr allaah ha ku siiyee adiladana noo raaci
Aljawaab:- Dhib malahan wada Tukashada Taraawiixda iyo Tahajudka, in mid lagu ekaystana waa banaantahay.
Tahajudka Jamaaco waa la tukan karaa siiba Qofka aan Xifdisanayn Qur’aanka, laakiin Makarafoonka iyo Codka Dheer hala joojiyo.
Akhristayaasha Sharafta badan waxa ay Su’aalahooda inoogu soo hagaajin karaan E-maillada kala ah:-

Related posts:
jasaahulaahu khayral jazaa fadiilatu dr: axmed xaaji waxaan kaloo u ducaynaynaa bahda somalimirror.com ilaahay miisaankiina xasanaadka ha idiinku daro camalkaan
su aal ayaan shaykha waydiin lahaa shaykh qofka aan saxuuran ee suu u seexdo subixii ku soo toosa hadaan niraahno habeen walba waa la niyaystaa sonkiisu muxuu noqon mase ka gudaysaa niyadii uu ku bilaabay soonka w.s